Home » Warar »

Degmadda Waaciye oo noqotay Meesha ugu shilalka Gawaarida Badan Puntland

Degmadda Waaciye oo noqotay Meesha ugu shilalka Gawaarida Badan Puntland (Xog)

Degmadda waaciye ee Maamul Goboleedka Puntland kana mida Degmooyinka Hoos yimaada Gobolka Karkaar ayaa waxay noqotay meesha ugu shilalka Badan Dawladda Puntland waxaana ka dhaca shilal naxdin leh oo ah kuwa ugu xunxun shilalkaasi oo u badan Gawaarida Noocyadooda kala duwan waxaana halkaasi ku baaba’a Dad iyo hantiba degmadda Waaciye waxay isku xirtaa Gobolka Bari iyo Goboladda kale ee Puntland waxayna ku taala Dhul buuraley ah oo hadana ay ku teedsantahay Togag waaweyn.

Degmadda Waaciye ayaa sidoo kale leh Dalcadaha ugu dhaadheer uguna jiirooyinka badan Goboladda Puntland haddii aad ku safarto wadadaasi waxaad ku arkaysaa Baabuur ku gadoontay oo ku jiifa Dadkii xoolihii, Mar aan la sheekaystay Dadka deegaanka waaciye iyo Tuuladda Alxamdulilaahi waxay iiga warameen inay u soo joogeen Dhacdooyin badan oo naxdin leh oo ku saabsan Shilalka ka dhaca Waaciye ilaa Alxamdulilaahi ilaa Qayaadsame”Waxaanu u soo joognay Dad uu ku fadhiyo Gaari oo ashahaadanaya Qaylinayana oo leh War naga saara Meesha.ka dibna la waayo wax lagaga kiciyo sidaasna Naftu kaga baxdo waxaa kaleeto dhacday in Gabar uu ku fariistay Gaari gacana uu kaga fariistay ayaanu Gabadhii kaga goynay Gaarigii si aanu u badbaadino Nafteeda” waxaa i yiri Mid ka mida dadka Deegaanka.

Run ahaanti waxay iiga sheekeyen Dadkaasu Wax qofkasta oo damiir leh xanuujinaya,Dadka Deegaanka ayaa ka codsaday Madaxweynaha Puntland in Degmadda Waaciye iyo Alxamdulilaahi la keeno wiish dadka lagaga kiciyo Gawaarida taasi oo uu Madaxweynuhu Balanqaaday wuxuuna Faroole sheegay in la siin doono wiish balse ma jirto wali wax laga hayo Dawladda Puntland marka loo eego balanqaadki Madaxweynaha,wali waxaa sidii u sii socda Shilalka Naxdinta leh ee ka dhacaya Agagaarka Degmadda waaciye ee Gobolka Karkaar.

Badanaa ma jiraan Goboladda iyo Degmooyinka Puntland Baabuur wiishash ah oo badbaadisa Dadka baabuurtu la dhacaan waana kaalin meesha ka maqan tan iyo intii la dhisay Maamul Goboleedka Puntland,Masuuliyiintii Xilalka Qabatay ma jirto mid kaliya oo ku fakaray in Dhibaaatadan wax laga qabto oo qof la badbaadin karay loo waayo wixii lagu badbaadin lahaa aan la helin hadaba waa in Dowladda Puntland masuuliyeenteeda aanay marin wadadi kuwii ka horeeyay ee dhibaatadaan hoos u eegaan wixii ay balanqaadeena ay fuliyaan waxaa kalo loogu baaqayaa Jaaliyadaha Dibadda e Dowladda Puntland inay Wax ka qabtaan Dhibaatadan Xanuunka badan ee Dadka reer Puntland ugu dhamaadaan Shilalka.

Safarkii Weriye Muxiyadiin Hiirad Kaatun
Bosaaso ilaa Qardho
karkaar82@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.