Home » Warar »

Dagaalo ay Ciidanka WXO ku naafeeyeen Ciidamada gumaysiga Itoobiya

Dagaalo ay Ciidanka wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya ku naafeeyeen Ciidamada gumaysiga Itoobiya.
Dhibaatooyinka ay shacabka u gaysteen Ciidamada gumaysiga Itoobiya.
Cuduro ka dilaacay Gobalada Ogaadeenya.
Filimkii oohinta qarsoon(Silent Cry) oo lagu soo Bandhigay Copenhagen-Denmark.

Wariyaha jiida hore nooga soo warama ee Radio xoriyo ayaa noo soo tabiyay dagaalo isdaba joog ah oo CJWXO ay ku qaadeen ciidamada saamo la luudka ah ee maxaysatada ah ee Meles Zenawi. Kuwaas oo jab iyo halaag aan laga soo waaqsan kareynin loo gaystay.

Ciidamada wadaniga xoreynta Ogadenya ayaa waxaa la sheegay in goobo badan oo ay ku haleeleen ciidamada wayaanaha ah ay ugu gaysteen dharbaaxooyin dhabarka ka jabiyey iyada oo la sheegay in meelaha qaar firxadkooddii hada lagu dabo taagan yahay. Goobo badan oo CWXO ay ku faro saareen ciidamada wayaanaha ah ayaa la sheegayaa in lagaga qanimaystey iyada oo halkaas looga qaatey maal badan iyo hub aad u tirabdan.

Goobaha hada na loo soo xqiijiyey in dagaaladaasi ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah.
1-qarjajabo oo ka tirsan gobolka Nogob, halkaas oo na loo sheegay in CWXO ay ku qaadeen dagaal mir ah waxana la sheegayaa in halkaas loogu gaystey qasaare naf, maal iyo weliba qalab ah. Balse dagaalkoo mir ahaa dartiid faahfaahin arintan ku saabsan walio nama soo gaadhin.

2- 21-9-2009 Daratoole oo gobolka Doolo ka tirsan ayaa la sheegay in CWXO ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo halkaas ku yaal. Warku wuxuu intaas ku daray in 4 askari halkaas lagaga diley ciidankii gumeysiga halka 3 kale lagaga dhaawacay.
3- meesha lagu magacaabo la helow oo ka tirsan gobolka Nogob ayaa la sheegayaa in CWXO ay u gaysteen askarta gumeysiga qasaare ba’an ka dib markii ay dagaal gaadmo ah ku qaadeen ciidamo halkaas ku sugnaa, waxaan naloo xaqiijiyey in 4 askari laga diley 2 laga dhaawacay.

Meelaha dagaalada laga soo sheegayo waxaa iyana ka mid ah magaalada fiiq oo la sheegay in dagaal mir ah lagu qaaday.
3- 26-9-2009 meesha lagu magacaabo Siigaale oo nogob ka tirsan waxaa cadowga lagaga diley 1 askari halka lagaga dhaawacay 2 kale.
4- 27-9-2009 Wararka naga soo gaadhaya Duladooda oo ka tirsan gobolka Jigjiga ayaan sheegaya in shacabku hubka boobeen ka dib markii ay u adkeysan waayeen cadaadiska iyo cabudhiska gumeysiga, ka dibna ay dagaal culus ku qaadeen ciidamaddii aagaas joogay. Warku wuxuu intaas ku daray in ciidankii cadowga halkaas lagaga diley 7 askari, halka dhaawacuna ahaa 11 askari. Dhanka shacabka waxaa halkaas ku shihiidey 6 qof.
4- warar kale oon jiida hore ka heley ayaa sheegaya in 27-9-2009 meesha lagu magacaabo Galguduud oo ka tirsan gobolka Nogob Dagaal ay CWXO ee geesiyiinta ku qaadeen maxaysatada wayaanaha ee aagaa ka hawl gala waxay halkaa kaga dileen 2 askari.
Isla 28-9-2009 meel lagu magacaabo laas Dooqil oo ka tirsan gobolka Nogob ayaa la sheegayaa in CWXO ay dagaal kadis ah ku qaadeen ciidamada wayaahana ah haalkaasna kaga dileen 8 askari halka dhaawacu yahay 11 askari.
Isla 29-9-2009 Malayko oo Nogob ka tirsan ayaa wayaanaha 4 askari looga diley 11 kalana lagaga dhaawacay.
29-9-2009 magaalada Q/dahare ayaa la sheegay baasuukeyaal lagu weeraray labo hotel oo halkaas ku yaal. Hoteelada ayaa la sheegay in saraakiil Tigree ahi ku cawaynayeen markii weerarku dhacay. wararku waxay sheegeen in la arkayey baabuurta gurmadka deg dega ah oo daadgureyneysay dhaawaca iyo dhimashada.

Dhibaatooyinka ay shacabka u gaysteen Ciidamada gumaysiga Itoobiya
Dhibaatooyinka loo geysanayo shacabka ayaa la sheegayaa iney maalinba maalinta ka dambeyso ka soo darayaan. Gaar ahaan tobaadyaddii ugu dambeeyey ayaa la sheegayaa in shacabka loo gaystey waxyeelooyin isugu jira dhac, dil iyo kufsi.
13-9-2009 meesha lagu magacaabo Babaase oo ka tirsan gobolka Doolo waxaa lagu xidh xidhay dad shacab ah. Warku wuxuu intaas ku darayaa in dadkaas loo geystey jidh dil xun, waxaana la sheegayaa in dadka qaar ay garaab yihiin. Dadkan isla markiiba waxaa loo gudbiyey magaalada Wardheer waxaana. Dadkan magacyadooduna ka mid ah:
1-Abdi Madoobe farlow
2-Bidaar sh. Axmed macalin
3- iyo khaddar Colaad Haybe
15-9-2009 Dhuxun oo ka tirsan gobolka Nogob ayaa waxaa lagu xidhay gabadh shacab ah oo haba yaraatee aan waxba galabsan waxaana lagu magacaabaa gabadhaa:

1-Ruqiyo Maxamed Sahal.

18-9-2009 Magaalada Q/dahare waxaa lagu xidhay Maxamed Ibraahim Siraad.
21-09-2009 Bali Sareedo oo ka tirsan gobolka Jarar ayaa la sheegayaa in ciidamada cadowgu ay boobeen dad shacab ah oo kala ah
1- Muuse Fadhiid Yusuf oo lix adhi ah laga dhacay
2- iyo Deeq Cagmayare oo isna 3 neef oo adhi ah laga qaatey.
26-9-2009 magaalada Babaase waxaa jidh dil loogu geystey
1- Qorane Maxamed Cabdille
19-21-9-2009 meesha lagu magacaabo Buulo bari oo ka tirsan gobolka Jigjiga ayaa waxaa la sheegay in lagu diley dad gaadhaya 21 ruux dadkan ayaa la sheegayaa inaaney jirin sabab loo laayey balse cadowgu iska xasuuqay. Hase yeeshee dadkan oo aanaan magacayadooda wada haynin ayaan nasiib u heley inaanu 3 ka mid ah magacooda helo. Waxana kala yihiin:
1- Bashiir axmed yaasiin
2- Ardo Abdi axmed
3- C/casiis Maxamed Daahir

Cuduro ka dilaacay Gobalada Ogaadeenya

Wararka naga soo gaadhaya Ogadenya ayaa waxay sheegayaan in ay ka dilaaceen cuduro aan la garanaynin waxa sababay iyada oo la sheegay in caruur hada u dhimanayaan shuban biyoodka. Cudurada kale ayaa ka mid ah hargab qandho badan wata iyo weliba oofwareen.

Ogadenya oon sida laga war qabo lahayn daryeel caafimaad baa la sheegayaa dadku ay cuduradan si ba’an ugu dhimanayaan. Haayadaha gargaarka oon goobtaa joogin ka dib markii kaligii taliye Meles uu wada caydhiyey ayaa sababtey in dadku waayaan wax taakulo ah. Sidii caadadu ahayd Meles oo goorkasta dabool saara dhibaatooyinka ka dhacaya Ogadenya ayaa maantana isku dayaya inuu qariyo cuduradan. Hadaba haayadaha caalamiga ah waxaa laga codsanayaa inay halkaas gargaar deg deg la gaadhaan hawshoodana qabsadaan.

Filimkii oohinta qarsoon(Silent Cry) oo lagu soo Bandhigay Copenhagen-Denmark.
Wararka naga soo gaadhaya dalka Denmark magaalada koobanheegan in habeenkii jimcaha ahayd ee bisha October 2 ahayd in goob wax lagu daawado ay isugu yimaadeen dad aad iyo aad u tiro badan oo isugu jira dad siyaasiyiin oo ka tirsan dalkan Denmark iyo sidaasiyiin soomaaliyeed iyo dhamaan bulsho waynta soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan iyagoo la sheegay inay halkaas ku daawadeen filin aad iyo aad uurku taalo ugu reebey isagoo weliba qalbigooda xusuus ku beeray indhahoodana ilmo. Dadkii goobtaa yimid ayaa la sheegay in booskii qaadi waayey ka dibna laga goor loo dhigay filinkii. Waxyaalahii meesha lagu soo bandhigay ayaa la sheegay in dadku aad uga naxeen. Daawashada filinkan ayaa waxaa ka soo qayb galay haayado caalami ah iyo siyaasiyyin sare. Waxaa halkaas ka soo qayb galay urur u dooda dumarka iyo danyarta, dad ka socda Jaamacada koobenheegan qaybta cilmibaadhista ee Africa iyo dad ka socda xisbiga SF gaar ahaan ninka u tartamaya duqa magaalada
koobanheegan kaas oo halkaas qudbad ka jeediyey kuna tilaamay wixii uu arkay wax laga naxo. Ducaale oo ah nin Soomaaliyeed oo degaankaas can ka ah ayaa isna qudbad qiimo leh ka jeediyey halkaas.

Radio Xoriyo 06 Oktober 2009

Mohamed Khadar

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.