Callaamatu Sayid Abuu AC’laa Al-mowduudi (2)
Waxaan horay uga soo hadalnay Sayid Abuu Ac’laa Al-mowduudi qeybtiisii hore,
Hataanna waa inoo qeybtii labaad oo kaga hadleyno Afkaartiisii annagoo ka soo
qaadaneyna kutubtiisii uu qoray(1).
(1) Musdhalixaat AL-arbaca (AL-ilaah, AL-rabi, AL cibaada, AL-Diin :
Kitaabkaan waa kitaab aad qiimo u leh oo Shiikhu qoray 1940 yadii,
Wuxuu Shiikhu kaga hadlay(AL_ilaah,AL-Rabi,AL- Cibaada,AL-Diin )
Afartaas Ereyo ayuu Sharxay oo uu yiri:
[ Dadka maanta ma fahmayaan macnaha Runta ah ee ereyadaas , ama
haddii aan si kale u iraahdo macnihii Runta ahaa ee ereyadaas afarta
ah ayaa haatan isbadalay, oo haatan dadku haddii lagu yiraahdo Allah
caabuda waxay oranayaan amarkaas waan fulanay oo ilaah kale ma
caabudno, sanamo guryaheena ma yaalaan marka Allah kaliyah ayaan
caabudnaa , marka taasi waxay ku tuseysaa in macnihii Cibaadadu uu
ku soo aruuray Shanta tiir ee Islaamka oo kaliyah iwm.
Meesha macnaha Ilaah uu ku soo koobmay in aan sanam la caabudin oo
kaliyah, dadku Arrimaha Shirkiga waxay u yaqaanaan oo kaliyah in aan sanam
loo sujuudin ama aan guryaha Sanam oolin ].
Waxaan oran kari lahaa Kitaabkaan wuxuu Shiikhu ku kala saaray Seddexda
Nooc ee Towxiidka ( Towxiid Al-Rubuuriyah,Towxiid Al-Uluuhiyah iyo Towxiidu
Asmaa iyo Sifaat ).
Waxaan ka xasuusan karayaa Towxiidu Rabuubiyah markuu
ka hadlaayey in uu soo daliilsaday in Dadka Adduunka oo idili ay Allaah u
Aaminsan yihiin Midka kaliyah ee Rabiga u ah ee Abuuray ee amaamuday, xataa
Ahlu jaahiligii ama Mushrikiintii Qureyshta Allaah waxay u Rumeysnaayeen Allihii
Abuuray ee kaliga ahaa, Taasina ma ka dhigin kuwa Muslimiin ah ee Naarta ayey
Galisay.
قُل لِّمَنِ الْأَرْضُ وَمَن فِيهَا إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ قُلْ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
قُلْ مَن رَّبُّ السَّمَاوَاتِ السَّبْعِ وَرَبُّ الْعَرْشِالْعَظِيمِ
سَيَقُولُونَ لِلَّهِ قُلْ أَفَلَا تَتَّقُون َ
Haddii Mushrikiinu Qureysh loo daho yaa iska leh Dhulka iyo wixii gudihiisa ku jira waxay oranayaa Allaah, ku dheh Nabi Maxamadoow waar miyeydaan waansamey.
Haddii loo dhaho yaa Rabbi u ah Toddobada Samo iyo Carshiga Weyn , waxay oranayaa Allaah, Waar miyeydaan Allaah ka Cabsadaan.
Wuxuu kaloo shiikhu soo daliilsaday labo aayadood oo ku tusineysa sida abuu Ac’laauu u ahaa Caalim Quraanka Daliilkiisa ku wanaagsan, labadaas Aayadood wuxuu Shiikhu ku sheegay in Xataa Fircoon oo lagu yaqaano in uu ilaahnimo sheegtay uu Aaminsanaa jiritaanka Allaah sida ay qoomkiisu ka codsadeen Aayadan :
( Waxay yiraahdeen kuwii madaxda ahaa oo fircoon Qoomkiisa ka mid ahaa,
Muuse iyo Qoomkiisa miyaad iska deyneysaa in ay dhulka fasahaadiyaan oo ay kaa tagaan adiga iyo ilaahyadaada (2).
.وَقَالَ الْمَلَأ مِنْ قَوْمِ فِرْعَوْنَ أتَذَرُ مُوسَى وَقَوْمَهُ لِيُفْسِدُوا فِي الْارْضِ وَيَذَرَكَ وَءالِهَتَكَ
Sidoo kale wuxuu Aayadda kale Shiikhu ku cadeeyey in uu Nabi Muuse u sheegay Fircoon in uu ogyahay in Allaah rumaysan yahay ee uu is yeel yeelaayo :( Nabi Muuse wuxuu yiri nnkh waad ogtahay Fircoonoow in uusan soo dajin Aayadahan ilaa rabigii samada iyo dhulka Amaamuday mooyee ) .
قَالَ لَقَدْ عَلِمْتَ مَا أَنزَلَ هَؤُلَاء إِلَّا رَبُّ السَّمَوَتِ والْأَرْضِ
ا
Sidoo kale wuxuu ka yiri Towxiidka Uluuhiyada asagoo ka hadlaaya Baryada ( Al-Ducaa) isku mid ma ahan in aad Ruux ku ag joogga aad ku tiraahdo Biyo i sii iyo in aad Awoowgaa oo waa hore Dhintay aad Tiraahdo Awoowoow Biyo i sii ??? Tan hore Cibaado kama dhalaneyso oo waxaad u jeedaa ruuxaan aad wax weydiisaneyso, waa wax uu kari karo oo isla markaasna aan awoodaada ka baxsaneyn.Laakiin markaad Awoowgaa oo waa hore dhintay aad wax weydiisato waxaad is leedahay awood buu leeyahay uu biyo kugu siin karo markaas Shirki ayaad gashay ee ogoow .
2 ) AL- khilaafa wal mulki 3 ;
Kitaab kale oon jeclahay oo uu qoray Abuu Ac’laa waa kataabkan ( AL-Khliaafa wal Mulki ),
kitaabkaan oo kacdoon weyn ka dhigay pakistan iyo hindiya, maxaa yeelay kuwo ayaa ku dacwooday in uu Abuu Ac’laa u gafay Khadratu Cusmaan bin Cafaan Raximahu laah, se ma uusan u gafin khaliifkii Rasuulka ee xaqiisa yuu muujiyey.
waxaan ka mid ah sida uu u difaacay in uu u ku tilmaamay in uu ahaa khaliifkii Seddexaad ee Rasuulka .Kitaabkaas wuxuu si fiican u kala saaray khilaafka u dhaxeeya khilafadda Rashiidka ah iyo Boqortooyadda.
Wuxuuna yiri:[ Haddii uu ahaan lahaa Xadratul Sayid Cusmaan mid Boqor ah wuxuu oran lahaa markii gurigiisa ay hareereeyeen Raggii kacdoonka waday ee rabay in ay dilaan, kuwaas oo gurigiisa ku xayiray una diiday xataa inuu salaadda jamaacadda ku tukada.
Saxaabaddii Rasuulka ayaa khaliifka u soo gurmaday waxay yiraahdeen aan ku difaacno oon kuwaan ku xayiray aan la dagaallamno.
Markaas ayuu yiri anniga darteed dhiig Muslim ku daadanmaayo ,iska daaya hadday doonaan in ay i dilaan maxay igu dilaayaan.
Marka Go’aankaas ayuu Sayid Abuu Ac’laa yiri : ( waa taas khilaafka u dhaxeeya khilaafadda iyo Boqortooyada, oo Sayid Cusmaan wuxuu ahaa khaliif Rashiid ah oon madaxtanimo u Dagaalmeyn, Haddii uu Boqor ahaan lahaa ,wuxuu oran lahaa ha la i difaaco, dhiig badan baana ku daadan lahaa.
3) Tadwiin Al-Dustuur Islaami ( 4) :
Kitaabkaan oo ka mid ah kitaabadda uu Abuu Aclaa uga hadlay sida loo diwaangalinaayo,shareecadda islaamka wuxuu ka mid ayahy kutubta aasaaska u ah Siyasadda islaamka, oo uu ku soo bandhigay sida la isku waafajinaayo Dustuurka Islaamka iyo siyaasadda dunida ee cusub.
Wuxuuna yiri asagoo ka hadlaaya Baarlamaanka islaamka waqtigan xaadirka ah maxay shaqadiisu tahay :
[ Shaqada Baarlamaanka islaamiga ah waqtigaan waa afar qeybood ayuu yiri :
(1) inkastooy u banaaneyn Baarlamaanka islaamka in uu jeebkiisa qanuun ka duwan kii Allah iyo Rasuulkiisa uu kala soo baxo, ayaa waxa ay shaqadiisu dhabta ah tahay in uu shareecadda islaamka ah u dajiyo qaacidooyin iyo Xeer hoosaadyo si loo fuliyo Axkaamta islaamka.
(2) Nusuusta shareecadda ee u suubata in ay dhawr macno yeelato, yey shaqadeedu tahay in uu Baarlamaanku xaliyo oo uu doorto midda la jaan qaadi karta Qanuunka waqtigaan aan ku noolnahay.
(3) Haddii ay dhacdo Arrimo aan shareecadeena ku soo aroorin ,waa in uu Baarlamaanku u dajiyo sharci asagoo la kaashanaaya mabaa’diida islaamka iyo maslaxadda ummadda ee waqtigaan iyo waxyaalaha Fiqhiga islaamka kutubtiisa ku diiwaan gashan.
Sidoo kale waxaan arkaa ayuu yiri Shiikhu Ruuxii haleela Mabaa’diida asaasiga ee Dawladda Islaamka wuxuu fahmayaa in uusan Baarlamaanku shaqadiisa ku xadidan tahay Arrimahaas aan ka soo dhawaajinay ] . tadwiinu dastuur islaami 31-32.
Macallimiintiisii iyo Ardadiisii :
waxaa aad noloshiisa u saameeyey oo uu wax ka bartay Ragga soo socda sida Shah waliyulaah,Xasan AL-bann’aa, callamah mohamed Iqbal iyo mowlaana mohamed Ali jowhar.
wuxuu asaguna Raad ku yeeshay :
Sayyid Qutub, Jalaluddin Umri, Yusuf Islahi, Israr Ahmed, Hafiz Saeed, Syed Ali Geelani, Yusuf al-Qaradawi, Ghulam Azam, Qazi Hussain Ahmad
Waxaan ku soo gabagabeynayaa Maqalkaan in Shiilk Al-callamah Sayid Abuu Aclaa Al-mowduudi uu ahaa mid Qarnigaa waxyaabo badan ku soo kordhiyey Siyaasdda Islaamka ee waqtigaan xaadirka ah, wuxuuna ahaa mufakar islaami ah oo aad qaali uah.
Dhimashadiisii Iyo Qabrigiisa meesha uu ku yaal:
Bishii april ee 1979 kalyo xanuun aad u daran oo muddo soo haayey ayaa Wadno xanuun ugu darsamay.
Waxaa loo soo qaaday Mareykanka si loogu soo daaweeyo,waxaan la seexshay Isbitaalka Buffalo, New york, halkaas oo uu wiilkiisu ka shaqeynaayey dhakhtar ahaan , intuu Isbitaalka ku jiray garashadiisu aad bay u fiicneyd.
Dhawr Qalitaan kadib,Wuxuu dhintay september 22,1979, da’diisuna waxay aheyd 76 sano waxaa lagu tukaday Buffalo,New york,laakiin meydkiisii waxaa la geeyey Pakistan magaaladiisii Lahore oo tacsi aad u weyn loo dhigay.
Waxanna lagu Aasay Qabri aan dhisneyn oo agtiisana haweentiisii Qabrigeeda is dhinac yaal oo ku yaal gurigiisii Ichhra,Lahore ,haatanna waxaa gurigaas degan gabar ka mid ah gabdhihiisii se ma ahan gabartiisii weyneyd ee
caanka aheyd ee ( Xumeyraa) .
Allah yarxamuh xataa Qabrigiisa oo ay soo sawirtay AL-mujtamac wuxuu ku
tusinayaa in uu ahaa Muslim Khaalis ah . waa qabri aan dhisneyn oo bacaad ah Allaah ha u naxariisto Shiikheyga aadka ii Saameeyey, waan Xasuustaa Salaatul Qaa’ib ayaan u tukaday waaggii uu dhintay 1979.
WAA INOO SITIMAANKA DANBE IYO USTAAD SACIID AL-NUURISI.
FII AMAANI LAAH.
SHIIKH SAAHID MOHAMED YUSUF
USA,VA
MUTAKHASIS FIL XARAKAAT AL-ISLAAMIYAH
SAHID_YUSUF@YAHOO.COM
(1) kutubta aan ka soo qaatay waxaan ka qoray keydka xasuusteyda 1979-1980.
(2) ilaahyadaada naagaha ah oo waa ilaahyo dadkiisu u yaqaaneyn in uu caabudo.
(3) khilaafadda iyo Boqortooyada waa kitaab laga mamnuucay Sacuudi Carabiyah.
(4) Kitaabkaan tadwiin wuxuu ka hadlayaa sida loogu baahan yahay in loo qoro dastuurka Islaamka.
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.