Home » Warar »

Ururka Midowga Qurba joogta Soomaaliyeed oo ka hadlay Xaaladda Wadanka, Dowlada Meelkugaarka ahna u soo jeediyey in ay is casisho

Ururka Qurba joogta Soomaaliyeed (United Somali Diaspora)

Warsaxaafadeed:  October 04, 2009  USD# 0005|MNUSA

Ururka Midowga Qurba joogta Soomaaliyeed United Somali Diaspora (USD) ee saldhigiisu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, wuxuu mudooyinkan u kuur galayey xaaladaha wadanka , gaar ahaan marxaladaha wajida cusub ee wadanka Soomaaliya galay. Marxaladahaas oo ay adagtahay in sida ay isu badbadalayaan loola jaanqaado, isla markaasna Ururku wuxuu xeerinayaa inuu wax ka yiraahdo xaalada wadanku hada marayo. Wuxuu u soo jeedinayaa Ururku Dowlada Faderaalka iyo Dhinacyada kale ee ay is hayaan  Cambaarayn iyo Talooyin si looga gudbo Marxaladan qalafsan.

  1. Wuxuu ururku niyad jab iyo walaac ka muujinayaa Xaalada dalka Soomaaliya hada ku jiro, isagoo ka anba qaadaya halsano oo dagaal ah oo aan wax natiija ah lahayn marka laga reebo baaba’a dadka iyo dalka soo gaaray, Dowladii Walad Cabdalla ee Jabuuti kadib, wuxuu uruku kula talinayaa dhamaan dhinacyada hada talada dalka isku haya (Dowlada Faderaalka Meelkugaarka, Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam) inay dib u fakaraan talona isugu noqdaan lana yimaadaan ama aqbalaan Hindise marxaladaan looga gudbo.
  1. Wuxuu ururku kula talinayaa labada dhinacba xabad joojin dag dag ah oo aan shuruud lahayn, si loo baajiyo khasaaraha ummada Soomaaliyeed ee naf iyo maalba leh, oo ay kujiraan labada dhinac ee iska soo horjeeda.
  1. Waxaan Canbaaraynaynaa u soo Jeedinayaa Dowlada Meelkugaarka ah ee Sh. Shariif Madaxwaynaha ka yahay oo saxiixday Heshiis badda Soomaaliyeed Muran galinaya sahlayana in wadan shisheeye qaato. Sidoo kale wuxuu ururku Canbaaraynayaa aamuska Dowlada Meelkugaarka ah aysan marna ka hadlin Badda Soomaaliyeed ee Kenya cabiratay (116000km2) cabirashadaas oo dhowr goor Dowladu xaqiijisay inay jirto.
  1. Waxaan Canbaaraynaynaa dalbashada Ciidamada gaar ahaan Ciidamada Itoobiya ee dowladu dalbatay inay wadanka  markale soo galaan,  taasoo sababaysa dhibaatadii iyo xasuuqii aan lacabiri karin ee aan lawada socono ee labadii sano ee Itoobiya joogtay u gaysatay dadka iyo dalka Soomaaliyeed (2006-2008). Sidaa si leeg wuxuu ururka u Canbaaraynayaa  ogolaanshaha Dowlada Meelkugaarka ah ee ku aadan Faragalinta Ciidamada Itoobiya ay kasameeyeen Gobolka Hiiraan iyo Gobolada dhexe bilihii lasoo dhaafay, taasoo wax u dhimaysa madaxbanaanida dalka Soomaaliya.
  1. Waxaan canbaaraynaynaa Amrida/ogolaanshaha Dowladu ay ku amrayso inay AMISOM shacabka duqayso ama ka aar goosato marka ay soo weeraraan Ururada ay is hayaan, Sidoo kale waxaan camaaraynaynaa Xasuuqa iyo Barakicinta AMISOM ay u gaysanayso markasta shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan duqaynta joogtada ah ee Suuqa Bakaaraha  ay ku hayso,  duqayntaas oo ay ka dhalato khasaare shacab oo naf iyo maalba leh.
  1. Waxaan Camaaraynaynaa Dagaalka kabilowday Kismaayo ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaana ugu baaqaynaa labada garaba inay si shuruud la’aan ah oo dag dag ah u joojiyaan dagaalkaas. Waxaan kula talinaynaa Ururada Islaamiga ah inay shacabka u turaan Diinta Islaamkana Sawir xun ka bixin, sahlina in wadanka Soomaaliya gacanta u galo Quwado ay adagtahay in si sahlan looga xoreeyo ama aysan sababin in wadanka la kala googooyo, waxaan xasuusinaynaa Ururadaan labada gobol (NFD/S.Galbeed) ee Gumaysigu siiyey Kenya iyo Itoobiya inaan la wada socono marxaladaha ay soo mareen, hadana ku jiraan iyo in sababaha wadanka burburiyey ay ka midtahay dib u xorayntoodta.
  2. Wuxuu ururku ku talinayaa isagoo xeerinaya dhibaatada ay Ciidamada AMISOM ugaysteen Shacabka Soomaaliyeed iyo hantidiisa, isagoo xeerinaya in Mandate-koodu qaldanyahay sababtoo ah nabad la ilaaliyaa Muqdisho kama jirto, isagoo xeerinaya sidii ay daboolka ugu ahaayeen ciidamadii cadowga ee Itoobiya, isagoo xeerinaya inaysan ku imaan rabitaanka ummada Soomaaliyeed hadana ku joogin, isagoo xeerinaya  in aysan Dowlada hada jirta wax tixgalin iyo wada shayqayn rasmi ah inaysan lalahayn, marka laga reebo ilaalinta shakhsiyaadka ugu sareeya, isagoo xeerinaya in hada laga shaqaynayo in la siiyo AMISOM awood ay gobolo kale dhib ugu gaysan karto, ama ay u dhaqmi karaan sidii ciidamadii Itoobiya , intaas oo dhan kadib waxaan ku talinaynaa in wadanka laga saaro/kabaxaan sida ugu dhaqsaha badan ciidamada AMISOM.
  1. Wuxuu ururku kula talinayaa Dowlada Meelkugaarka ah isagoo xeerinaya, mudaddii yarayd ee ay jirtay in aysan soo kordhin  wax aan dhibaato ahayn, isagoo xeerinaya inaysan waxba ku kala duwanayn Dowladii ka horaysay ee C/laahi Yuusuf, marka laga reebo inay ka shaqaynayso sidii Kenya u qaadan lahayd 116000km2, isagoo xeerinaya inay ku guul daraysatay inay wuxuun kasbasha ah ku yeelato saaxiixaboodii shalay ee kasoo horjeeda, isagoo xeerinaya inaysan wax damqasho ah ka muujinayn Xasuuqa AMISOM, Barakaca iyo dhibaatada Shacabka, isagoo xeerinaya in Madaxwayne Shariif qudbadiisii ugu danbaysay ee UN-ta ka jeediyey ku codsaday in cunaqabataynta hubka laga qaado, AMISOM-na lasoo kordhiyo, intaas iyo arimo kale oo badan isagoo Ururku xeerinaya waxaan kula talinaynaa in Dowlada hada jirtaa is casisho iyagoo u danaynaya Shacabka Soomaaliyeed , ummada Soomaaliyeedna shir guud oo khaas u ah isugu yimaadaan si ay Dowlad ay isla ogol yihiin u dhistaan.
  1. Ugu danbayntii waxaan kula talainaynaa labada Garab ee Masiirka ummada ku dagaalamaya inay illaahay uga cabsadaan ficiladooda iyo natiijada kadhalatay, iyo inay fursad siiyaan ummada Soomaaliyeed si ay talo ugu darsato marxalada adag ee wadanku kujiro iyo mustaqbalka wadanka si loo badbaadiyo, Dowlada waxaan xasuusinaynaa aqoonsiga beesha caalamka (walad Cabdallah) waxaa ka muhiimsan aqoonsiga iyo Ogolaanshaha shacabka Soomaaliyeed, Ururada Islaamiga ah waxaan xasuusinaynaa shareecada aad ummada ku xukumaysaan marka hore dhaqankeeda, naxariisteeda, isu dulqaashadeeda, isu tanaasulideeda la imaada, waxaan aaminsahay ummada Soomaaliyeed Shareecada Islaamka  kaliya ayaa xal u ah,  waxaase muhiim ah Culimada Soomaaliyeed ee ummada Soomaaliyeed qabuulka ka heshay in fursad la siiyo si loo helo qabuulka iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaan soo jeedinaynaa Xalku inuusan xoog ahayn ee Soomaliyi wada hadasho, dhexdeedana ka heshiiso.

Xasan Maxamed (Xasan Dhooye)
Gudoomiyaha United Somali Diaspora | unitedsomalid@gmail.comusd9

Minneaplis: Ururka USD oo Caddeeyey Mowqifkooda in aysan taageersanayn Sheikh Shariif, kuna soo dhaweynayn Minnesota… Akhri.. Daawo…

VIDEO: Waraysi Yaasiin Garaad Video Daawo…

Waraxaafadeedyadii hore ee USD:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.