Home » Warar »

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo Deeq lacageed oo ay soo direen la gaarsiiyay qoysas iskugu jiray Barakacayaal iyo Agoon oo ku nool W/Muqdisho.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaaladda Guttenberg oo Deeq lacageed oo ay soo direen la gaarsiiyay qoysas iskugu jiray Barakacayaal iyo Agoon oo ku nool W/Muqdisho.

Halkan ka daawo Sawirro dheeraad ah

Iyadoo ay ka sii dareyso xaaladda nololeed oo ay ku nool yihiin Dadkii ka barakacay Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir dagaalada aaan Joogsiga laheyn ee wli ka sii soconaaya Caasimadda Soomaliya ee ee Muqdisho ayaa waxaa ay haatan la il daran yihiin dhibaato ka soo wajahday dhinaca Nolosha kuwaasi oo haatan ku sugan Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dadkaan ayaa waxay haatan ku nool yihiin durufo adag oo aanan weli soo marin waxaana goobaha ay ku barakaceen ku haysta nolol xumi oo ay weliba u wehliyaan dhibvaatooyin ka dhashay nolol xumidaasi , waxaana ay haalkaasi ku sugan yihiin moddo shan bilood iyo ka badan iyadoo aanan weli la gaarsiinin wax gar gaar ah marka laga hadlaayo dhinaca Hay’adaha gargaarka .

Qoysaskaan isugu jira barakacayaal iyo kuwo Agoon ah ayaa waxaa la gaarsiiyay Deeq lacageed oo ay soo direen Gabdhaha Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan Dalka Sweden gaar ahaana magaaladda Guttenberg taasi oo dhameeyd 700$ Doolar oo ay iska soo uruuriyeen gabdhahaasi Soomaliyeed.

Deeqdaani lacageed oo ay gabdhahaasi Soomaaliyeed ee ah jaaliyadda Dalkaasi Sweden magaaladda Guttenberg u soo wakiisheen in ay soo dirto gabadha lagu magacaabo Marwo Khadra Calasoow oo iyadana ku soo hagaajisay Wakiilka shabakadda wararka ee Calayaale Maxamuud Xasana Cumar Aduunyo ayaa waxaa qoyaysaskaasi loo siiyaya sidii loogu talagalay hadba intii ay u gaartay.

Qoyaskaan oo ka barakacay W/Mugdisho, gaar haana Wadda isku xerta Mugdisho iyo Balcad gaar ahaana Ceel Cerfiid ilaa Garas Bintow halka loo yaqaano waxaa ay si weyn uga mahad naqeen deeqdaasi wax ku oolka ah ee la agaarsiiyay.

Haweney lagu magacaabo Faaduma Cumar Xiinshe oo ka amid ah Barakacayaasha halka loo yaqaana Ceel Cirfiidna ku haysaatay 5 Caruur ah oo Agoon ah oo mid ka mid ah caruurtaasi ay ka haleeshay Lugta Midigta ah Xabad BM ah oo ay rideen Ciidamdii Itoobiyanka ahaa xiligii uu socday dagaalkii lagula jiray ee ka socday magaaladda Muqdisho haatana dhaawac ahaan u jiifta goobtii ay ku barakaceen ayaa waxay sheegtay in ay halkaani ku haysato dhibaato baaxad leh waxayna sheegtay in ay aad iyo aad ugu faraxsan tahay gurmadka la gaarsiiyay iyadoo ka codsatay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha in ay wax kala qabtaan xaaladda adag ee haysata Qooyskeedda gaar ahaana mid ka mid ah caruurteedda oo gudaha dalka wax loogagag qaban waayay .

sweed2

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay gabdhahaan Soomaaliyeed ee dalka Sweden ku dhaqan ay soo gaarsiiyaan deeq nuucaan oo kale ah waxayna horay dhawr jeer u soo gaarsiiyeen barakacayaasha ka cararay dagaaladda ka soconaaya gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaana magaaladda Muqdisho.

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.