Home » Warar »

Jaaliyada Soomaalida K/Afrika oo gargaar gaarsiisey dad Soomaaliya ku tabaaleysan

Jaaliyada Soomaalida K/Afrika oo gargaar gaarsiisey dad Soomaaliya ku tabaaleysan

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah

Jaaliyada Soomaaliyeed e dalka koonfur Afrika ayaa deeq aad loogu baahanyahay gaarsiisey dad ku tabaaleysan magaalooyinka Kismaayo, Xamar iyo Burco

Dadka gargaarka la gaarsiiyey waxay ka koobanyihiin qooysas daruufeysan oo barokacayaal, agoon iyo dad masaakiin ah.

Gargaarka oo ahaa mid siweyn loogu baahanyahay ayaa dadkaasi gaaray kadib bishii soon-qaad ee hadda naga dhamaatay, wuxuuna ka koobnaa cunooyin kala duwan oo kuwa daruuriga ah.

Dadka la gaarsiiyey waxay ku kala noolyihiin magaalooyinka Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, Xamar oo ah caasimada Soomaaliya, iyo waliba magaalada Burco ee gobolada Waqooyi.

Waxaa dadka cunnooyinka gaarsiiyey jimciyado maxali ah oo gargaar, kuwaasoo u taagan u adeegista dadka tabaaleysan.

Mas’uul u hadlay Jaaliyada Soomaaliyeed ee K/Afrika ayaa sheegay in deeqda gargaarka ay isugu jirto mid Zakaatul Fidri ah iyo mid sadaqo caadi ah oo ay ku bixiyeen dad kheyr jecel oo Soomaaliyeed, wuxuu intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed ee K/afrika ku nool ay yihiin kuwa hadiyo jeer gacan siiya walaalahooda Soomaaliya ku nool.

Sida muuqaalada ka muuqdaba deeqda waxaa ka faa’iideystey haween iyo caruur iyo dad waayeel ah oo aanan heysan cid daryeesha.

br1

Dadka Soomaaliyeed ayaa meel kasta oo ay joogaanba noqdey kuwa gacan gargaar u fidiya shacabka ku tabaaleysay dalkii hooyo, iyagoo si aan kala sooc lahayn, taasi waxay keentey in ay yaraato ku tiirsanaanta dadka ee hey’adaha gargaarka oo marka ay iyaga doonayaan gargaarka keena.

abdinasir bashir Ahmed
saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.