Home » Announcements »

Xafladdii furitaanki Masjidka abu-bakr oo soo gebagaboowday

Xafladdii furitaanki Masjidka abu-bakr oo soo gebagaboowday
Masjidka Iyo xarunta abu-bakr Islamic center ee Magaalada Seattle Gobalka Washington oo maalmahan ay ka socatay Munaasabad lagu furiyay oo ay kasooqayb galeen culumada somaliyed iyo kuwan aan somalida ahayn ee caanka ka ah waqooyoga America iyo dadweyne aad fara badan.
 
Munaasabadan oo socatay mudo afar maalmood ah bilaabatayna 24ka bishi sep.2009 socatay ilaa 27-sep 2009 Culimada kasoo qayb gashay waxaa ka mid ahaa
1.      Sh.abdirhamna sh.Cumar (Masuulka Golaha Imamyada Somaliyed ahna imamka Masjidka Abu-bakr Assadiq Minneapolis)
2.      Sh.Cabdullah Abulfadli (Kuxigeenka Masuulka Golaha Imamyada )
3.      Sh.Ahmed Noor (Oo Noqan doona Imaamka Masjidka Cusub ee abu-bakr Seattle Horayna u ahaa Imam Masjid Ku Yaalo Kansas,MO
4.      Sh.Mustafa(Imamka Masjid Ku Yaal ,Kansas,MO)
5.      SH.Mohamed Khadar (Santiago)
6.      Sh.Cabdulkhaaliq (Santiago)
7.      Sh.Saciid Dheere (Minneapolis)
8.       Sh.Mohamed Jobon (Imam Masjid Ku Yaallo Seattle)
9.      Sh.Cabdulbaari (Imamka Masjidka Jaamka Seaatle)
Iyo Culumo kale oo tira badan
Xafladdan gebagabadeedii oo Culimada ay muxaadarooyin qiima badan kasoo jeediyeen ayaa waxaa La Gudoonsiiyay Shahaadooyin Culimada kasoo qaybgashay iyo masaajidda Gobalada mareykanka ee ka qaybqaadatay Dhismaha Masjidkan iyo dadweyne kale oo Dadaal Muujiyay
 
Xafladda  oo uu Xariirinayay Sh.Abdulqaadir Maadeey oo ah Madaxa Xarunta Abu-bakr Islamic Center ayaa Ugu danbayntii waxaa Muxaadaro kusoo xiray Caalim ka mid ah Culimadi halkaasi isugu timid iyadoo dadweynihii kasoo qayb galay Gunaanadka Munaasabadana wajiyadooda laga dareemayay farxad aad u Balaaran
Iyadoo Masjidka aad loo soo buuxdhaafiyay la arkayayna Dadka oo Raxanraxan ugu wareegayay Gudaha Masjidka si ay usoo  arkaan qaybaha kala duwan ee Masjidka Mahadaasna Allah ayaa iska leh S.W.C
Waxaa Iyana Halkaas Kasoo jeediyay Muxaadaro Qayim ah Sh.Ahmed Noor oo ah Imaamka Cusub ee masjidka  waxaana uu sheekhu sheegay in Hadii Alle Idmo uu La tashan doono Wax garadka magaalada Sida odayada ayna Agtiisa Siman yahiin Yar iyo weynba qadarinna Mudanyihiin iyadoo sheekhu uu sheegay in masjidka uu noqon doono mid u dhexeeyo culimada joogta magaaladan cid kasta oo kheyr wadana uu ufuranyahay
Iyadoo Maalinta jimcahana uu sheegay imaamku in uu la kulmi doono da’yarta si uu ugaado baahida ay qaban iyo casharada munaasabka ah ee ay u baahanyihiin iyadoo loo kala qaybin doono Dhawr qaybood (Mustawahooda la eegayo)
Munaasabadda  oo ahayd Mid aad loo soo agaasimay la isuguna soo duba riday  ayaa waxaa maalinki u danbeysay suura gashay in lagala socda LIVE websiteka xarunta ee ah Www.abubakrislamiccenter.org
 
Waxaa maamulka Xarunta Abu-bakr uu ka codsanayaa Dhamaan Dadka Musliminta ah ee raba in ay ku cibaadeystaan Masjidka in ay ilaaliyaan Nidaamka Guud ee Masjidka Gaar ahaan Parking-ka oo aan Rabno in loo isticmaalo sida loogu tala galay waxaa si gaar ah looga codsanayaa dadka hareeraha Masjidka Deggan in ay usoo lugeeyaan ama cidda awoodda in ay Bus soo qaadato
sidaa sameyso
 
Ugu Danbeyntii waxaa Masjidka uu yeelan doonaa School islaami ah iyo Maktabad waxana lagu boorinayaa dhamaan dadka muslimminta ah  in ay ka faaiideystaan Xaruntan,
 Dadka ka imanaya magaalooyinka kale ee  raba in ay soo booqdaan Masjidka iyo Xarunta Abu-bakr Islamic Center of Washington waxaa ay  lasoo xariiri karaan emailka ah admin@abubakrislamiccenter.org cinwaaka xaruntana waa
14101 international Blvd South Tukwila, Washington 98168 
Waxaa Diyaariyay
Hassan Sunni
ABU-BAKR ISLAMIC CENTER
MEDIA AND INFORMATION DEP.
Xnuur11@homail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.