Madaxweyne DFKMG Sheikh Shariif oo Xilku kaga egyahay October 14, 2009, sida uu dhigayo Axdiga DFKMG
Prof Dalxa: “Madaxwaynaha cusub ee la soo doortay waxa uu xilkiisa bilaaban doona marka uu dhamaado xilligii madaxwaynihii hore ee xilka isaga tagay, iyadoo inta ka dhiman xilka madaxwaynihii hore uu booska sii buuxin doono.”
Dastuurka meel ma looga helayaa Sheikh Shariif Sheikh Axmed in uu xilka madaxweynaha DFKMG sii hayo marka la gaaro October 15, 2009?
- Warbixin iyo Faallada SomaliTalk.com | September 30, 2009
“Madaxweynaha wuxuu haynayaa xilka muddo shan (5) sano ah laga bilaabo marka loo dhaariyo madaxweynanimada ayadoo uu marayo dhaarta Axdiga lagu qeexay. Madaxweynahu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga – ilaa inta qofka kale ee loo soo doortey madaxweynimada uu xilka la wareegayo.” Sidaas waxaa dhigaya qodobka 43aad, farqadiisa 1aad ee Axdiga DFKMG.
Halkaas waxaa ku cad in haddii uu madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya uu xilka ka dego ayadoo aysan dhammaan muddada shan (5) sano ee xilkiisa, in markaas madaxweyne kale bedelo, haddii uu doono doorasho ha ku yimaadee, ayada oo muddada madaxweynaha cusub ay ku ekaan doonto waqtiga ka dhiman xilliga madaxweynihii xilka ka degey.
Sidaad daraadeed, sharci yaqaanno Soomaaliyeed ayaa rumaysan madaxweynaha hadda ee DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed inuu xilku kaga egyahay October 14, 2009. Waqtigaas oo ah marka uu xilku kaga ekaa madaxweynahii DFKMG ee xilka iska casilay, C/laahi Yuusuf Axmed.
In badan oo xeer-beegtida ah, ayagoo cuskanaya dastuurka Federaalka KMG, ayaa rumaysan in si toos ah (rasmi ah) uu xilka uga dhacayo madaxweynaha DFKMG marka uu dhammaado waqtiga ku astaysan xilligii madaxweynahii xilka ka tegey ee ka horeeyey. Haddii uu ka degi waayono in baarlamaanku mooshin ay xilka kaga qaadayaan soo jeediyaan. Markaasna musharaxiin cusub loo furo jagadaas. Madaxweynaha xilka markaas haya waa in muddada qarraran oo aan la gaarin ka hor uu baarlamaanka u caddeeyo in uu ku jiro musharaxiinta kale ee xilkaas isu sharaxaya, ayey rumaysan yihiin xeer-beegtu.
October 10, 2004 ayey ahayd markii magaalada Nairobi ay xildhibaanada DFKMG ah madaxweyne u doorteen Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaana xilkaas loo dhaariyey October 14, 2004. Waxana uu xilkaas iska casilay December 29, 2008 ayadoo aysan dhammaan waqtigii xilka loo doortay oo ku ekayd October 14, 2009, haddii uusan is casili lahayn. Bartaas weeye meesha xeer-beegta Soomaaliyeed ay ka duulayaan marka ay leeyihiin xilka Sheikh Shariif waxa uu QANUUN ahaan ku egyahay muddadii uu xilku kaga ekaa C/laahi Yuusuf oo ah bisha October 14, 2009.
Janaayo 30, 2009 ayaa magaalada Jabuuti waxay baarlamaankii tiradiisa la kordhiyey madaxweynaha DFKMG u doorteen Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Xeer-beegtidu waxay dastuurka FKMG ka waayeen qiil muujinaya in uu xilkiisu dhaafayo waqtigii xilku ugu ekaa madaxweynahii FKMG ee is casilay. Dastuurkaas u deggan DFKMG oo ay tahay in lagu dhaqmo, si uu u jiro xeer kala haga qaybaha kala duwan ee xukuumadda iyo golaha baarlamaanka.
Xeer-beegtidu waxay sheegeen in muddada labada sano ah ee la xusay in cida loo kordhiyey ay tahay Baarlamaanka DFKMG , si uu u sii jiro niddaam dawladeed oo xiriirsan muddada kala guurka ee madaxweynaha cusub la dooranayo, ee arrintu ma ahayn in muddadii shanta (5) sano ahayd loo kordhiyey madaxweynaha, ayey rumaysan yihiin xeer-beegtu.
Madaxwayne Shariif waxaa xilka Madaxwaynanimada loo dhaariyey Jan 31, 2009. Sharci yaqaanada ayaa qaba in Madaxwaynaha aan waxba loo kordhin, xilkiisuna uusan gaarsiisnayn Jan 31, 2011.
Waxaa jirtey dood ka dhex dhacday xildhibaano ka tirsan DFKMG oo ku saabsanayn in bishii la soo dhaafay ee August 22, 2009 uu xilka ugu ekaan lahaa guddoomiyaha baarlamaanka DFKMG (waa waqtigii uu xilka ugu ekaan lahaa Shariif Xasan). Doodaas ka dib waxaa xeer-beegtu sheegeen in guddoomiyuhu uu ka mid yahay xildhibaanada muddada isu-kordhiyey.
Waxaa xusid mudan August 22, 2004 in Shariif Xasan Sheikh Aaden loo caleema saaray Guddoomiyaha Baarlaanka DFKMG, kulan ka dhacay Nairobi. Muddo ka dib markii DFKMG kala qaybsantay ayaa January 17, 2007 waxay Baarlamaankii Baydhabo ee DFKMG ay kalsoonidii guddoomiyaha kala laabteen Shariif Xasan. January 31, 2007 ayaa Guddoomiyiha Baarlamaanka DFKMG waxaa loo doortay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aaden Madoobe). Gudoomiyaha Sh. Aadan Markii loo dhaariyey Jagadii Shariif Xasan laga qaaday lama xusin in loo dhaariyey Shan-sano oo hor leh, ee waxaa Baarlamaanka iyo Dowladuba rumays naayeen sida Axdiga u qoran uu dhigayo inuu dhamaystirayo mudaddii 5 sano ahayd ee Barlamaanka cimrigiisu ku ekaa intaysan isugu kordhin Jabuuti.
January 28, 2009 ayey ahayd markii Guriga Ummada ee Caasimada dalka Jabuuti lagu dhaariyey xildhibaano lagu soo kordhiyey baarlamaanka DFKMG. Xildhibaanadii cusbaa ee la dhaariyey maalintaas tiradoodu waxay ahayd 140. Kalfadhigii ugu horeeyey ay baarlamaankii la kordhiyey isla maalintaas (28/1/2009) ku yeesheen Jabuuti, oo uu gudoominayay sii-hayahii xilka Madaxweynaha DFKMG, ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aaden Madoobe, ayaa waxaa cod loo qaadey in wax laga bedelo qodob Dastuuri ah oo Axdiga KMG ah, qodob kaas oo ahaa muddada jiritaanka Baarlamaanka TNG in lagu daro 2 sano iyo 7 bilood ee markaas u dhinayd, taas oo cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey (211 ogolaatay kordhinta xilliga baarlamaanka DFKMG iyo 6 diidey). Sidaas ayaa jiritaankii baarlamaanka lagu kordhiyey. Laakiin meelna xeerkaas lagagama xusin in madaxweynaha loo kordhiyey xilkiisa.
Arimahaas ayadoo la xusayo ayaa xeer-beegtidu waxay rumaysan yihiin in aan loo baahnayn in Sheikh Shariif laga geeyo mooshin, balse hab qaanuuni ah uu xilkiisii kaga egyahay October 14, 2009.
August 19, 2009 ayey ahayd markii baarlamaanka DFKMG la geeyey mooshin ku saabsan in dalka lagu soo rogo xukun degdeg ah (marshal law). Hadda waxaa la rumaysan yahay in mooshinkaas xaalada dag daga ah lagu soo rogay loogu talo galay in xildhibaanada DFKMG la kala diro, si loo dhaafiyo waqtigii ay xildhibaanadu ku dooran lahaayeen Madaxweyne cusub, ama ay mooshin ku keeni lahaayeen. Waxaa taas sii dheer waxaa xildhibaanada la siiyey bil-iyo-bar fasax oo loo siiyey ciidul-fitriga awgeed.
Baarlamaanka DFKMG waxa uu u muuqdaa mid go’aamadiisa aysan fulinayn xukuumaddu, sida go’aankii uu baarlamaanku August 1, 2009 si aqlabiyad buuxda waxba kama jiraan kaga dhigay heshiiskii Dowladda Kumeel gaarka ah ay laga gashay Dowlada Kenya looguna yeero (Is-faham). Xeerkaas oo loo gudbiyey madaxweynaha DFKMG oo ay ahayd in uu u gudbiyo Qarammada Midoobay (QM). Taas bedelkeedii waxaa QM loo diray warqad ku taariikhaysan August 19, 2009 oo loo saxiixay Ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid, ilaa iyo hadana majiraan wax jawaaba oo kasoo baxay Xafiiska Raysul wasaaraha.
Ibraahim Daa’uud Cabdalla oo ka tirsan bahda SomaliTalk.com ayaa September 28, 2009 waxa uu Nairobi waraysi kooban kula yeeshay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka DFKG, Prof. Maxamed Cumar Dalxa. Waxana uu weydiiyey “Haddii uu dhamaaday mudadii shanta sano ahayd ee baarlamaanka sidee sharci ku tahay in Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka ay ku sii shaqeeyaan…
Prof. Dalxa jawaabtiisii waxa ka mid ahaa:
“Waxa jira xeer dastuurka noogu qoran oo sheegaya in mudo 5 sano ah uu yahay xiliga Baarlamaanka iyo Madaxwaynaha ay xilka sii heen karaan marka iyadoo ay sidaasi jirto ayaa haddana awooda ugu sareeysa waxaa iska leh Baarlamaanka iyadoo waxna uu ka badali karo waxna uu ku dari karo.”
“Shirkii dalka Jabuuti ka dhacay oo ay soo abaabuleen Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Dowladaha iyo ururada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay in tirada baarlamaanka Soomaalia la kordhiyo iyadoo isbadalkaasi uu keenay in baarlamaankii horana waqtigaasa la kordhiyo laguna daro mudo 2 sano ah.”
“Markii uu madaxwaynihii hore ee uu xilkiisa oo ay ka dhimantahay bilooyin uu shaqada isaga tagay ayaa loo baahday in madaxwayne cusub uu dalka yeesho taasi ayaana keentay isbadalka dhacay.”
“Madaxwaynaha cusub ee la soo doortay waxa uu xilkiisa bilaaban doona marka uu dhamaado xilligii madaxwaynihii hore ee xilka isaga tagay, iyadoo inta ka dhimana xilka madaxwaynihii hore uu booska sii buuxin doono.”
“Xilka kordhinta Baarlamanka iyo tan madaxwaynaha waa isku mid oo madaxwaynaha iyo Baarlamaanka intuba waxa loogu daray mudo 2 sano ah. Dadka oranaya baarlamaanka xiligiisa wuu dhamaaday sharcina maahan in uu sii shaqeeyo waa dad aanan waxba la socon.” Ayuu yiri Prof.. Dalxa. (Su’aal kale oo ku saabsan heshiiska badda ee loogu yeero Is-faham oo aan weydiinay Dalxa qoraaladeena dambe ayaan ku soo qaadan doonaa insha Allah.)
Balse haddii aan ku istaagno erayada guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, waxa uu qiray in muddadii baarlamaanka iyo tan madaxweynuhu ay ahaayeen shan (5) sano. Waxa kale oo uu qiray in muddada baarlamaanka lagu daray laba (2) sano. Laakiin ma uusan xusin xeer baarlamaan iyo Axdi qarameed muujinaya in la kordhiyey muddada madaxweynaha. Waxa uu caddeeyey in madaxweynaha DFKMG ee hadda uu sii buuxin doono booska inta ka dhiman xilka madaxweynahii hore.
Prof Dalxaa waxa uu sheegay “Madaxwaynaha cusub ee la soo doortay waxa uu xilkiisa bilaaban doona marka uu dhamaado xilligii madaxwaynihii hore ee xilka isaga tagay”, laakiin ma uusan caddayn in doorasho cusub lagu celin doono maadaama Axdiga FKMG aysan ku caddayn in la kordhiyey waqtigii madaxweynaha DFKMG ee ahaa shanta sano. Tan kale, marka haddii la yiraahdo Madaxweynuhu waxa uu “xilkiisa bilaaban doona marka uu dhamaado xilligii madaxwaynihii hore”, ayadoo la ogyahay in xilligii madaxweynihii hore uu dhammaan lahaa October 14, 2009. Taas macnaheedu miyeysan ahayn in madaxweynaha uu xilkiisa hayn doono shan sano oo kale oo ah 2009- 2014, sidaas daraadeedna loo baahan yahay doorasho cusub oo la qabto October 15, 2009.
Haddii aan ku labano qodobada Axdiga FKMG, Qodobka 32aad waxa uu gaar u khuseeyaa muddada Baarlamaanka, halka Qodobka 43aad uu khuseeyo muddada Madaxweynaha.
Dhammaan xeer-beegtu waxay isku raacsan yihiin wixii hoos yimaada Qodobka 32aad iyo faracyadiisa in looga hadlayo Muddada Golaha Baarlamaanka. Halka wixii hoos yimaada Qodobka 43aad iyo faracyadiisuna ay khuseeyaan muddada Xilka Madaxweynaha.
Waa kuwan labadaas qodob sida ay ugu qoran yihiin Axdiga FKMG.
Axdigii DFKMG loogu sameeyey Nairobi 2003/2004
Qodobka Ku Saabsan Muddada Baarlamaanka FKMG
Qodobka 32
Muddada Golaha Shacabka Federaalka ee kumeel Gaarka
- 1. Muddada Dowladda Federalka ee Ku Meel Gaarka ah waa shan (5) sano.
- 2. Muddada Golaha Shacabka Federaalka waxay ka bilaabanaysaa tariikhda loo dhaariyo xilka, waxayna socon doontaa ilaa iyo taariikhda la ansaxiyo doorashada xigta ee Golaha Shacabka.
- 3. Kulanka koowaad ee Golaha Shacabku wuxuu ku qabsoomayaa 30 berri gudahood laga bilaabo marka seddex-meelood labo xubnaha Golaha xilka loo dhaariyo.
- 4. Muddada Golaha Shacabka Federalka ee Ku Meel Gaarka ah lama kordhin karo.
- 5. Fadhiga ugu horeeya ee Golaha Shacabka waxaa shir-gudoominaya xubinta ugu da’da wayn ilaa guddoomiyaha Golaha Shacabka laga doorto.
Article 32
The Term of the Transitional Federal Parliament
- 1. The term of the Transitional Federal Parliament shall be Five (5) years.
- 2. The tenure of parliament shall commence from the date of taking the oath of office and shall continue until the date of commencement of the next parliament.
- 3. Parliament shall meet in its first session within 30 days from the date two-thirds of the members of the Parliament shall have taken the oath of office.
- 4. The term of the Transitional Federal Parliament shall not be extended.
- 5. The first meeting of the Parliament shall be chaired by the most senior member in age until a Speaker is elected.
Axdiga Cusub ee Janaayo 2009 Djouti laga soo saaray
- Qodobka Muddo-Kordhinta Baarlamaanka FKMG:
Qodobka 32
Muddada Golaha Shacabka Federaalka ee ku meel gaarka ahi
- Muddada dowladda federaalka ee ku meel gaarka ah waa (7)sano waxaa lagu kordhiyay (2)sano.
- Muddada golaha shacabka federaalka waxay ka bilaabanaysaa taariikhda loo dhaariyo xilka,waxayna socon doontaa ilaa iyo taariikhda la ansixiyo doorashada xigta ee golaha shacabka.
- Kulanka koowaad ee golaha shacabku wuxuu qabsoomayaa 30 beri gudahood laga bilaabo marka saddax-meelood labo xubnaha golaha xilka loo dhaariyo.
- Faqradan 4aad waa laga saaray.
- Fadhiga ugu horreeya ee golaha shacabka waxaa shir-guddoominaya xubinta ugu dada weyn ilaa guddoomiyaha golaha laga doorto.
Axdiga KMG ah ee 2003/ 2004
- Qodobka ku saabsan Muddada Madaxweynaha DFKMG
Qodobka 43
Muddada Xilka Madaxweynaha
1. Madaxweynaha wuxuu haynayaa xilka muddo shan (5) sano ah laga bilaabo marka loo dhaariyo madaxweynanimada ayadoo uu marayo dhaarta Axdiga lagu qeexay. Madaxweynahu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga – ilaa inta qofka kale ee loo soo doortey madaxweynimada uu xilka la wareegayo.
Article 43
Tenure of the Prisident in the Office.
(a) The President shall hold office for a term of four (4) years beginning from the date on which he/she is sworn in as President in accordance with the Oath of Office provided for in this Charter. 22 The President shall, unless his/her office becomes vacant by reason of his/her death, resignation or ceasing to hold office by virtue of the provisions of this Charter, continue to hold office until the person elected as President at a subsequent election assumes office.
Qodobka khuseeya muddo-kordhinta madaxweynaha (2009):
- Qodobkan waxba lagama bedelin sidii uu ahaa Axdigii 2003/2004.
Qodobka 43
Muddada Xilka Madaxweynaha
1. Madaxweynaha wuxuu haynayaa xilka muddo shan (5) sano ah laga bilaabo marka loo dhaariyo madaxweynanimada ayadoo uu marayo dhaarta Axdiga lagu qeexay. Madaxweynahu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan jirin – geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga – ilaa inta qofka kale ee loo soo doortey madaxweynimada uu xilka la wareegayo.
Halkaas waxaa ku cad in qodobka 32aad ee khuseeya Golaha Shacabka (Baarlamaanka) in muddadii shanta (5) sano ahayn laga dhigay toddoba (7) sano. Laakiin in waqtigii shanta (5) sano ahaa ee madaxweynaha uu sidiisii yahay.
Waxaa la is weydiin karaa, xildhibaanada FKMG goorma ayey u istaagayaan dhawrista Axdiga u deggan, marka la gaaro October 15, 2009 ma adeegsan doonaan Qaanuunka, mase dhammaantood in aan Axdiga la dhaqan geliyey ayay isla qabaan maadaama ilaa hadda aan la hayn cid ka hadashay arrintaan, mise warba la isuma hayo maadaama tiradu badan tahay, mise waxaa jira niyad jab aan meelna wax laga qaban karin?.
(Tixraac Dastuurka DFKMG ee 2003).
Isha Sawirada: Google images
Warbixintii iyo Faalladii SomaliTalk.com / September 30, 2009
hadii aan anigana ka dhiibto fekirkeyga sheeq shariif wax dhaama malaha haduu xilkiisa u dhamaadayna ma jiro mana la helaayo,mid isagoo kale ah ilah ayaa na dhaafiyay beerlaawe oo itoobiyaan ku soo hogaamiyay shacabka muqdisho wax hada sheydaamada ahna waa kuwa daba dhilifka ah oo,sheydaamada shabaab la yiraa taagersan iyo odeyga macan-gaga. ah oo xisbul qasuuq la yiraa,ilaahey ayaa cilmi baray sheeq shariif ugakana baahna taageero,munaafiqiinta meeshaan daac daacsaneyso iyo jufooyinka doonyaha ku soo galay muqdisho,oo kooytada ah
asc waan idin salaamay dhamaantiin salaanta islaanka anigu ma aaminsani dawlad wax layiraahdo hada in ay kajirto wadankeena waxaan aaminsanahay in ay nagu dul shaqaystaan dawladaha reer galbeedka ninka laleeyahay sh.shariif waa maqaarsaar ama dabadhilif shacabka soomaaliyeedna wuxuu ka jecelyahay hadalka maraykanka amaba reer galbeed oo dhan yaanan kala reebine waxaaba taas kasii daran israeil baaba lagayaa baa in uu nagu soo hogaa miyo waana munaa faq gaalada buuna is ka gadaaa waxaase aniga igala liita dadka ilahada taageer san waxayna ku taageer sanyihiin waa qabiil ee waa og yihiin in uu munaafaq yahay taasna waxay ka dhaxleen jabwayn oo ayna ka soo waaqsan doonin waligood
Meel Soomaali shaqo ku leedahay oo aan wax ka faaiido waxaa iigu dambaysay, iskuulkii hoose ee Taleex ee xamar ku yiilay, waxaa ii xigay website-ka kan, waa websiteka Soomaaliyeed, ee wax cilmiyaysan soo qora, oo wax laga faaiideeysto. Mahad-sanidiin.
Sheikh Shareef marka hore ma ogyahaay in uu madxweyne u yahay Soomaaliya oo Soomaali dooratay. Shreef wxaa doortay Reer Galbeed dan gaar ah leh, welina dantoodii kama dhamaysan, marka ay danta ka dhamaystaan isagoo qolof ah ayaad arki doontaan oo caruurta iyo Islaamaha dhimanaya wixii uu ka lufluftay gurri xun oo Afrika meel kamid ah kula gabanaya sidii kuwii ka horeeyay, Shareefka iyo waxa lasocdaba hadafkooda koowaad waa aduunya doon ee maha dad,dal iyo diin doon ah. Shariifka Puntland keliya ayuu madaxawyne u yahay iyadana dagal ayuu kula jiraa, yaa ii sheegi kara meel kale oo uu ka taliyo ama uu tegi karo oo aan ka ahayn puntland iyadana tegisteeda ceeb ayuu u arkaa, kumana jirto agendaha burcada la shaqaysa iyo kuwa ku shaqaysta toona. Soomali talk weey ku mahadsanyihiin sida ay dadka ugu iftiimiyaan waxa jira iyo danta guud ee umada, nasiibdarose wexey tahay dhegahay ay ku dheceyso oo aan wax maqlayn.
Shariif axdiyadii hore ayaa la weeydiinayaa meeshuu marshay. Arintu waxa weeye Abkay doolidiloow dad nool muu u daahaa.
Wa Salaamu calaykum wa Raxmatu-laahi wa Barakaatuh.
Mohamed
walaalayaal waan idin salaamay salaanta islaamka a s c ka dibna waxaan idinkaga digayaa inad ka fogaataaan oo aad aflagadada iska dhaaftaan waad ogtihiin in sh,shariif u yahay nin muslim ah qofka muslimka ah in lacaayo diinta waa ka xaaaraan marka waxaan idin leeyahay inad caayda ka daysaan sh,shariif waad ogtihiin wax qabadkiisa ma waxaad rabtaan wiilashan yar oo wejig aduuban inaad wax u dhiibatan o mar hore la qalday oo aan diinta 99% mas alo ka haysan marka walaalayaal waxaanidin leyahay inaad taagertan dowlada shariif ama fursad siisaan inta yar e u hartay si ay u mujiso wax qabadkeeda
Asc, salan iyo mahad celin bahda somalitalk.
Waxay aniga ila tahay shiikh shariif, in uu yahay maqaar saar un, cid soomaali ah oo doortay ma’aay jiraan, waxaase layaab leh barlamaanka xaranta ah ee 550 jeebka uu kale soo baxay shariif yirina barlamaan soomaaliyeed baad tihiin ee idoorta, yeey matalaan? yaa soo doorta? 275 mooyee in ta kale waa wax la soo dhoob dhoobay waxaana ka dambeeyay ninka ku magacaaban in uu unka wakiil uga yahay soomaaliya, markii aan qiimeeyay walad cabdalle wuxuu iila muuqdaa in uu yahay, hogaamiye kooxdaydii soomaaliya oo kale.
Shariif mudo yar baa u hadhay dhoo dhoobitaankii uu meesha ku joogay, waxay oron lahaa shariifoow xaran baad shalay meesha ku timid cid ku dooratay ma aay jiraan ee yaan la’gugu arkin meesha ee isaga dag.
Soomaalidu ama wadanka soomaaliya wuxuu u baahan yahay dowlad caadil ah oo ah fadaraal iyo in soomaaliya laga soo dhiso hoos gabolada si hadhoow aay u sahlanaato in kor lays kugu yimaado, laakin hadii mar waliba kar wax laga soo dhiso hagaagi maayo, gobol waliba ama gobole kasta oo is raaci kara waa in aay maamul soo dhistaan oo aay waliba u madax banaandaan dadka dagaanka u leh
wabseetkaan waa kan buunbuuniya duleelada yar ee dowlada , magafi waa ilaah , qof aan qaldamin ma jiro , ma waxaad jecishihiin in somali aynan nabad noqon , mise waxaad sogee illaa uu qof tolkaaga ah madaxweyne laguugu doorto
Asc Salaanta islaamka kadin waxaan boogaadin & amaan usoo jeedinayaa maamulka somalitalk taa kadib.Ninkan madaxweynaha wadakeena ku magacaaban ma ahan mid shacabkeena doortay ee waa mid kuyimid walad abdalla qorshihi uu dajiyey,taa kadib waxqabadkiisa waan aragney waa mid u heelan inuu wadankeena iibsado sifo uu dhaqaalo u helo una nixi maayo dan & duunyaba maalinkasta yaa amison shacabkeena ku gumaadaa dariqyada muqdisho,haduu muwaadin xaqiiqi yahay soomuusan iscasileen marka waxaan u aaminsanahy inuusan naftiisaba xo aheyn intee lagu akey dowlad shireysa oo ay dhinacyada kataagan yihiin ciidamo ajnabiya,sideen kutaageera dowlada ay horboodayaan shaiif sakiin,ibbi,janaqoow,abdishakuur
bahda somaltalk waa udub dhexaadka difaaca xeerarka iyo xuduudaha somalia waxaana la dhihi karaa waa dhalinyarta kaliya ee maanta utaagan waajibaadkooda qarameed inay fuliyaan aad iyo aad ayeyna umahadsanyihiin waxaana ku dhiiri galineynaa haddan nahay dhalinyarta somaliyeed inay si wadaan howshooda siina laban laabaan.
mida kale aragtideyda kusaabsan mowduucaan waxaan isleeyahay in xilligan munaasib aheyn inu ka dego shariifka jagada ayado aan laheynin qof kale oo wax qabad kii uu sameeyay ka weyn sameyn kara inlahelo mooyaane somaliduna waxey tiraahda markey arkaan arrin ka daran tii hore”salamu calaa xujjaaj”taas anigo ka cararayo somalida waxaan leeyahay aan garab istaagno madaxweyneheena oo aan gudano waajibkeena wadaniyadeed wixii uu asiga ku khaldan yahayna marku wadanka dago ayaan laxisaabtameena maantay lama joogo xilli laxisaabtamo waxaa lajooga xilli uu wadankeena badbaadin naga rabo ee illahayan idinku dhaarshee caruurtiina utura hooyooyinkiin geedaha kuhoos dhalayo aan badbaadino oo xeebaheena badbaadis naga rabee aan badbaadsano wallahi haddi kale wixii lo wada cararayo lama wada heli doono aniga waa kaas fikirkeyga somali badanna inay ila qabto aan jeclahay wassalam
sc wr wbk somalitolk wa dad si fican shaqadooda uwada walaalayaal nasiibka ay heleen ugu mahadceliya sc wr wbk
ASC. waxaa xusid mudan in uu jiro xaddiis saxiix ah ee odhanaya ” qofkii shaqsi Muslin ah ku tilmaama GAAL isagoon hubin gaalnimadiisa, in qofka hadalka iska yiri iyo qofka lagu yiri midkood uu GAAL dhab ah yahay amaba noqon doona beenta uu sheegay darteed”.
Sheekh Shariif iyo Sheekh Xassan Daahir Aweys iyo Sheekh Xasan Turki, waxay shalay dad muslimiin ah ku tilmaami jireen Gaalo. Maantana iyagaa isku leh dhexdooda, Sheekh Shariif waa gaal, Sheekh Xasana isna waa gaal maadaama uu ku dhaqanka shareecada Islaamka diiday, Sheekh Xasan Turki isna waa gaal maadaama dowlada taagta daran ee Sheekh Shariif ku soo dhoweyn kari waayey Jubbooyinka. Su’aasho waxay tahay yaa idin siiyey awoodaas aad cidaad rabtaan ku gaaleen kartaan, kuwaad rabtaana Jannada ku geyn kartaan.
Waxaa xusid mudan Dhamaan aqristayaasha qiimaha leh ee ku xiran Somalitalk una baahan in ay ogaadaan, Arrintan laga hadlayo sharciga iyo sharci darada, xeerarka iyo xeer hoosaadka, Axdiga iyo qanuunka u degsan DFKGS iyo Baarlamaanka buuxa dhaafiyey ee xildhibaanada buufiska qaba u badan yihiin, intuba waa hal bacaad lagu lisay.
Waxaana ku raacsanahay shaqsiga qoraalka iga sareeya ku sheegay Soomaalidu in aysan aheyn dad ku fiican dhowrista sharuucda dalka u degsan, midka dunida u degsan iyo kan ugu sarreeya ee Alle sbwtc. aadamiga u dajiyey. Maadaama ay intuba jabiyeen.
Ould Abdalla, UN, AU, IGAD, Ehtiopia, Djabouti iyo Kenya iyo kuwa la halmaala waa munaafiqiinta kuwooda oogu daran ee ay Soomaaliya ka degi la’dahay, ee sidaa u ogaada Soomaaliyey.
Wa Billahi Towfiq
Allow Soomaali Samata Bixi, Adigaan Naxariistaada Laga Dhargin.
ASCWW.,
salaan kadib, waxaan aad ugu xumahay in walaalaha webka Somalia talk ay inta badan xarash u hayaan madaxda sare iyo guud ahaan doowladda soomaaliyeed ee islaamiga ah, hala fekeree intee bey ku arkeen qodabka dhahayo in madaxweyne shariif waxuu dhacayaa October 14 keeda, iyadoo aan ognahay in ay mudada u bilaabaneyso bishan bartamaheeda, aniga shasiyan waan aqriyey axdiga kmg ah waxaan kujira qalad xaga qoraalka ah, walaalayaal soow maadan arkin in baarlamaanku loo kordhiyey waqtigiisa, waxaan anigane qabaa oo si sax ah u cad in Sheekh Aadan madoobe u dhamaatay xiligiisa, isaguna wuu xaqiijiyey safarkiisii ugu horeeyey ee uu kuyimid kenya isla markaana uu wareysi siiyey Weiyaha BBC da Yuusuf xasan, waxuuna sheegay in waxii kadanbeeya 28/08/2009, uu ku egyahay xilikiisa, haddii xiligaas ay xildhibaanada u doortaan uu qaban doono hadddii kalne uu kamid yahay xubnaha baarlamaanka, taasna waan idiin faa, ideynayaa ogada.
tankale markasta waan u mahadcelineynaa Somalia talk haddii aan ahay mid kamida h aqristayaasheeda muhiimka ah.
nooli kulnto iyo kulandanbe oo xiiso leh.
asc wr wb aniga waxay ila tahay qolada Baarlamaanku waxay ka baqayaan hadday wax qodqodaan in 550 kale lagu badalo. waayo ayagaba annagu ma doorane ragbaa dhistay.
Somalitalk aadbaan u ugu bogaadinayaa qoraalada dhaxal galka ah ee ay ka diyaariyaan arimaha soomaaliya waxaan leeyahay dadaala waxaad tihiin kayd soomaaliyeed.
Soomaalidu goormay baraarugi doonaan, waxaan isleeyahay sida soomaali loo ihaanaystay ma jirti caalamka cid loo ihaanaystay.
xagee lagu arkay si uu madaxwayne u noqdo ninkaan rabno baarlamaankaan laba jibaaraynaa? barina sooma afar jibaarayaan? yaa siiyay awoodaas walad cabdalla iyo cidda la shaqaysaa?
War aayaheena aan ka tashano, qabiil aan ka gudubno, reer galbeedka iyo hal maasha waxay ka shaqaynayaan waligoodna ka shaqaynayeen sidii ay dhibaatadeena hadba shaati cusub ugu galin lahaayeen, qabiil-dawlad goboleed, dawlado gacan ku rimis ah, wadaado ay qaarkood la shaqeeyaan, axmaaro ahlu suunno sheeganaysaa…
intaas waxaa kaaga sii daran dhibabkii la inoo sameeyay ayaan kala taageeraynaa.
aadbaan ula yaabnahay soomaalida.
Assalaamu Caleykum maamulka Somalitalk
Salaanta kadib, walaalayaal waxaad mar kasta buun buunisaan dhibta iyo dul duleelada dowladda tabrta yar ee Soomaaliya maanta ka jirta, walaalayaal ma ka fikirteen haddii maanta la dumiyo maamulkan awaooda yar ee adduunku aqoonsan yahay, maxaa xigi doona, taasi waa halka Soomaali oo dhan laga hayo ayna ka bogsan la’dahay, walaal sow kam baqeysaan in meel cidlo ah ay ku soo dhacaan shacabka soomaaliyeed oo ay waayan meel ay u ciirsadaan.
Hadda ayay qaati ka taagan yihiin dirirtan aan dhamaadka laheyn ee kuwo ka horjeeda dowladda oo dowladiina inay ridaan doonaya inay iyagiina is ridaan doonaya oo cid inay noolaatoba aaney dooneyn.
Walaalayaal caqligu ha shaqeeyo Alle ka cabsina ku dara qoraaladiina oo isku daya inaad wax dhistaan wax dumin haddii lagu horumarayo dalkeenan beylahay ee Soomaaliyeed ayaa ku bogsan lahaa.
Soomaalidu Ma aha dad waxay ku heshiiyaan ee ku dhaqma, dad sharciga ay ku sheeyeen qadariyana maaha, u malayn maayo in uu Shariifka iyo xulifadiisu aqbalayaan sharciga horyaala oo markay doonaana axdiga ku meelgaadhka ah bay isticmaalan markay doonaana waxay yidhaahdaan sharcigaasi nama khuseeyo