Home » Maqaallo »

Cali Xuseen Xirsi: Halgamaagii la’ illaaway

Cali Xuseen Xirsi: Halgamaagii la’ illaaway
 
Sida bahal raq dhawranaya oo, meel dhabbacanaaya
Hadba dhinac gumeysigu ka yimi, idin dhagraayaaye.
 
Taariikhda Cali Xuseen waa taariikh dahab ah, waa taariikh ku qotonta waddaniyad iyo halgan dheer oo soomaalinimo. Ayaan darraduse waxa ay tahay Cali Xuseen taariikhdiisii waa luntay, taariikhdiisa suugaaneed waxa ay la faylami lahayd ama u dhigmi lahayd tii Cabdillaahi Suldaan Timacadde, tii Barkhad Casa amaba tii Xaaji Aadan Af-qallooc, laakiin nasiib darro ta Cali Xuseen waa la’ hagraday oo la dayacay oo wax ka soo qaad loo yeeli waayey. Sida loo faquuqo  dadka la hayb sooco ee uu Cali Xuseen ka dhashay ayaa halgankiisiina loo hayb soocay oo loo quudhsaday.
Cali Xuseen Xirsi waxa uu 1913kii ku dhashay miyiga magaalada Burco, yaraantisiii wuxu ahaa reer baadiye kaalintiisa ka qaata hawsha reerka miyiga, sanadihii 1940 aadkii ee halgankii xorriyaddu ka bilowday Jigjiga, Muqdisho, Hargeysa, Beledweyne, Gaalkacyo iyo Wardheer wuxu u socdaalay magaalada Muqdisho waxaanu ka mid noqday oo ku biiray kacaankii Leegada ee loo yiqiin SYL. Waagaa Cali tegay Muqdisho dalku ma lahayn idaacado iyo joornaallo midna, mana jirin war tebiyayaal, halgankuna wuxu u dhutinayey makarafoon cod dheer oo farriintiisa gudbiya. Cali Xuseen wuxu noqday idaacaddii ama makarafoonkii halgankii Leegada. Marka aad dhugato gabayada iyo suugaanta Cali Xuseen waxa markiiba kuu muuqanaya in ay ahayd mid ka soo go’day qalbi waddinayadi ka buuxdo oo la ilmaynaya Soomaalinimo. Cali Xuseen waa kii lahaa:
Haddaan gabayga uurkoo buka iyo arami kaa keenin
Asaan olol xanuun iyo jacayl kugu igbaaraynin
Afkuun baad ka leedee tixuba Arar ma yeeshaane
 
Gabayada xusuusta gaarka ah leh ee Cali Xuseen tiriyey waxa ka mid ah gabayga FIIN oo sida ka muuqata uu tiriyey sanadkii 1954kii markii la dhaxal wareejiyey dhulka Soomaali Galbeed. Gabayaagu wuxu gabaygiisan ku waraysanayaa shimbirta loo yaqaannio Fiinta oo uu arkay iyada oo aad u ooyaysa. Gabayaagu gabaygiisa wuxu ku caddaynayaa in shimbirtani ka ooyeyso dalkeedan la dhaxal wareejiyey halka qaar ka mid ah dadkiisii ay weli ku mashquulsan yihiin qabyaalad iyo qolo qolo waxaanu yiri:
 
Fiin yahay adaa ololayoo, oohin ciirsadaye
Haddii aan laguu imanin waad, aammusi lahayde
Maxaad aragtay waan kula qabaa, uurku taallada’e?
Waxay tidhi “Ilaahay haddaad, aad u garanayso
Oo aad Islaam tahay iddaa, waan irdhaysnahaye.”
Waxaan idhi “Qofkii i abhiyaa, wuu ammaan heliye
Ashahaadada iyo waan aqaan, aayaddii Nebiye
Hayeeshee ilmada kaa dhacdiyo, umalka guudkaaga
In yar iiga sheeg waxaan rabaa, inan ogaadaaye.”
Halgamaagu si uu dadka Soomaaliyeed u tusiyo urugada iyo xanuunka gumeysiga ayuu Fiintan ula hadlayaa, wuxu ku bilaabayaa maxaad la oynaysaa ee ku helay, iyaduna way abhinaysaa oo waxa ay leedahay haddii aad ilaahay taqaanno I daa waxa I haya ma ogide, gabayaagu sidaa kaga tegi maayee wuxu weydiinayaa waxa haya ee ay la oynayso, markaas ayay ciilkii iyo umalkii hayey oodda ka qaadaysaa iyada oo leh:
 
Waxay tidhi “Inkaar buu ku go’ay, odagi Soomaale
Awlaaddi uu dhalayna waa, sida adoogoode
Hadday ul iyo diirkeed yihiin, rag iska eegaaya
Afrikadan ma joogeen nimaan, aabbe ku lahayne
Ayax kuma dhaleen kaymihii, ubaxa weynaaye
Anna aydii aan joogi jirey, kama abraareene.”
Shimbirtu waxa ay cabbiraysaa uurku taallo weyn oo haysa oo ah in Soomaali goblantay, Waxay leedahay dhibaatada dhacday gumeysiga dalka qabsaday, qaxa iyo qaxoontiga dad iyo duunyo ku dhacay iyo eedaadkaba waxa aabbe u ah dadkii Soomaaliyeed oo aan midaysnayn. Hadda la soco taariikhda shimbirtu ka hadlaysaa maaha sanadkan 2009 ee waa 1954kii. Markaas ayaa Cali Xuseen u garaabayaa oo odhanayaa waa runtaa:
 
Waxaan idhi “Irdii nalaga qaad, aad ahaan jiraye
Waataa la kala iibsadaan, nala ogeysiine
Ooddaaba laga goynayaa, Idhankii Laasoode
Meeshaad ilmaa dhigan lahayd, uun kalaa degaye.”
Shimbirtii Fiintu oohinteedii ayay sii wadataa waxay leedahay maaha dadka Soomaaliyeed in aanay midaysnayn oo keli ah laakiin sida ay isugu daran yihiin ee ay eebada ama mindida isugu sitaan baa oohin kale ah:

Waxay tidhi “Dhulyahow eheledaa, ma laha iimaane
Ilaaleeyey oo dunida waa, ugu il liitaane
Iyagaa ableyda isu sida iyo eebo xoog badane
Intey Ayro kala qaadayaan, aarsan mahayaane.”
Fiintii su’aal bay dib isu weydiisay ay leedahay oo ay leedahay dadkayga cudurkani goorma ayuu ku dhacay:

Waxay tidhi “Ilaahay hadduu, duul arrin u diido
Oo uu Ibleys gebi ka rido, sooma ururaane
Qalbigii engegey waanaduu, orod ku dhaafaaye
Goormaa inkaartani heshey ee, lagu alhuumeeyey?”
Cali Xuseen markaas ayuu biyo dhacayaa oo uu leeyahay mushkiladdu maaha shacabka ee waa hoggaanka, waxa ay u xoog badan yihiin kala qaybinta dadkooda, waxaanay u nugul yihiin uumiyaha ama ummadaha kale. Wuxuuna abwaanku gabayga ku soo gebegebaynayaa maxaanba kaga daalayaa ummaddii Soomaaliyeedba edeg edeg loo oodye, waxa cajiib ah kelmadda Edeg oo astaan u ah yaraan, dirsooc iyo qoqob. Waxaanu leeyahay:
 
Waxaan idhi “Arbiyo laguma oga, geesi aynaba’e
Iniinaha kelyaha iyo wadnaha, iini kaga taalle
Aanada tolkood bawga roon, uumiyaa kale’e
Maxaan ararta kaga daalayaa, edeg na loo gooye.”
 
Waxa jira gabay kale oo uu tiriyey abwaanku oo la yiraahdo Danab. Gabaygaas Cali Xuseen wuxu kaga hadlayaa xoogga midnimada iyo wadajirka. Wuxu si farshaxannimo leh u daliishanayaa guusha gobanimada oo uu saldhig uga dhigayo in ay ku timi midnimadii iyo wadjirkii ummadda Soomaaliyeed isaga oo leh debi adag dhiniciisa kale waxa yaalla dadkii midaysani dhinaca kale ayay uga bixi karaan:

Derbi adag docdaa waxa ka yaal, danina kaa hayso
Duul wada socdaa waa ridaan, waana dumiyaane
Dad is raacsan baa maalintii, diley waraabiiye.
 
Gabayga Danab oo ka mid ah gabayada ugu farshaxansan ee Cali Xuseen tiriyey erayada ku jira ee qaaliga ah waxa ka mid ah:
 
Markay calanka noo doonayeen, danabbadii dhaartay
Daandaansigii maalintii, lays duqeynaayey
Hanoolaatadii lagu dalbaday, daalinkaan eriney
Diigaanyadii weerartaad, dixida mooddeysey
Meydkii la daadshiyo kufriga, dooxatadu laysay
Digti shalayto dubbihi laysla dhacay, dhiiggi dixanaayay
Ninkii doobta laadlaadin jirey, daqarki loo geystey.
Dakanooyinkii laga gutiyo, godobti duugowdey
Dunidaa ogeyd waxa ku dhacay, daalinkii shalaye
Goortuu dirkiisa u cabsaday, dacar na loo qooshay
Dirqi buu ku dhiibiyo xumaan, dawladnimadiiye
Duhur buu ka tegey aqalladii, uu dakayn jiraye.
Derbi adag docdaa waxa ka yaal, danina kaa hayso
Duul wada socdaa waa ridaan, waana dumiyaane
Dad is raacsan baa maalintii, diley waraabiiye.
 
Markii gumeysigii baxay ee dalkii Soomaaliyeed xoroobay, isla markaana uu noqday qaran ka mid ah qaramada adduunka, Cali Xuseen meel iskama seexan kamana nasan halgankii ee wuu sii waday, wuxu u jeediyey halgankii kululaa ee uu gumeysiga kula jiray in mid la mid ah uu ku toosiyo maamulayaashii qaranka taladiisii la’ wareegay oo ay taariikhdu xustay in ay si khaldan u maamuleen aayihii ummadda. Waxa kale oo uu mar kasta u taagnaa dareensiinta shacabkii fikirkii neo-colonialism ka ee ahayd gumeysigii albaabka ka baxay ee haddana daaqadda ka soo galay si uu weli gacmaha ugula sii jiro dalalkii uu gumeysan jiray.
 
Gabayga HASHII oo uu abwaanku tiriyey sanadihii 60 maadkii waa gabay aad mooddo in uu hadda ka hadlayo, waa gabay marka qofku akhriyo uu gariirayo. Halgamaagu wuxu dareensiinayaa qof kasta oo Soomaali ah in damacii gumeysigu aanu weli dhammaan ee uu maalin walba midab cusub la soo baxayo erayada ma guuraanka ah eek u jira waxa ka mid ah:
Dhulkayaga kuwii qaybsadaye, cunaye dheeftooda
Aan shalay ka dhiidhiyey haddeer, yey dhergaan weliye
Dhuun bay ku nuugeen waxaad, dhaqan lahaydeene
Xaggee buu dhallaankiinnu qaban, loo dhadhamo diidye?
 
Gabayga Hashoo oo meelo badan taabanayana abwaanku wuxu ku leeyahay:  
In dhoweyd “Dha’dii” gabay ka tegey, dhehashadeediiye
Hadba aniga oo dhaafay baa, laygu dhiriyaaye
Markaasaan dhab baa loo hadlaa, dhagaxyo tuuraaye.
Hashii aan dhibaato u marraye, dhididka loo saydhay
Dhurwaagiyo libaaxuba Hashii, uu dhadhamin waayay
Hashii dhiigga loo daadiyaan, ugu dhammaanaynay.
Khalqiga u dhintiyo shalay Hashuu, dhaawac tirabbeeley
Soomaal dadkuu dhalay Hashuu, aad u dhicinaayay
Dheddig iyo laboodkaba Hashii, aan dhexdow xidhannay
Dhuun-dhawrta naagaha Hashaan, laga dhaqaalaysan.
Kanooniga Hashii loo dhex maray, dhegaha jeexaaya
Baaruud dhacaysiyo Hashii, dhuxullo loo jiidhay
Hashii dhiilladeedii gu’yaal, baxay dhawaaqeedu.
Hashii dhawr quruumood kacdee, laysu keen dhaafay
Xaq nimuu ka dhumay Eebbahay, waw dhoweyn jiraye
Dhiif nagu gabowdiyo Hashii, dhirifku soo hooyey.
Ma dhurmannin nimankaan lahaa, way u dhiidhiyiye
Dharbaaxada gumeysiga ninkii, hoos u dhugan waaya
Aan maanta dhaxalkiisa deyin, way la dheeliyiye.
Dhoomaha kuwii nagu rartaye, dheegga naga saaray
Nimankii na dhaansaday sidii, dhoocillada geela
Dhulkayaga kuwii qaybsadaye, cunaye dheeftooda
Aan shalay ka dhiidhiyey haddeer, yey dhergaan weliye
Dhuun bay ku nuugeen waxaad, dhaqan lahaydeene
Xaggee buu dhallaankiinnu qaban, loo dhadhamo diidye?
Markii calanka dheer laga deldeley, daarta dhaladeeda
Ma dhaqaaqin cadawgiiye wuu, dhuudayaa weliye
Kaa dhoofi maayaan haddaan, dhaar la maqashiine.
Dhan kaley ka soo weerareen, dhaqashadeenniiye
Sida bahal raq dhawranaya oo, meel dhabbacanaaya
Hadba dhinac gumeysigu ka yimi, idin dhagraayaaye.
 
SHAN GEESLE: Markii uu arkay libintii gobanimada oo jar ka sii laalaadda oo dadkii talada hayey u guntadeen baabuur gud guduudan, baarar iyo qoob ka cayaar, ayuu waa caadada lagu yaqaanno gobanimo doonka e Cali Xuseen mar kale guntaday waxaanu yiri:
 
Calanyahow shanta gees lihi: Ilaahay guul ha ku siiya oo: Cadowgaagu ha guura oo: Gurigaa lagu saaray: Weligaa ku gabow!
 
Soomaali baan ged aqaan oo : Guubaabo iiga dhammatay oo
Geesi kuu diriraaya iyo : Gacal baanad lahayn: Gafuurtaagga qabiilkiyo: Iyadoo is gubeysiyo: Geel ay qaaddo ha joogto’e : Iney kuu garbo yeesho: Ay giijiyaan xadhiggaaga : Marna taa garanmayso: Sacabkaa la garaaciyo : Orodkaa la gucleeyiyo: Feestadaa gudaheenniyo : Farxadda lagu guuley: Gamba kuuguma taallo : Garaadkaa ka hallaabayoo: Labadooda gacmood bay : Midba geed ku xidheen: Gabgabtooda ha eegin! : Intey kuu guntanayso: Shisheeye isku gudbeyso : Baarkii laysku guraayay: Yaa gabdhaa ula dheeli? : Fatuuraadka guduudan: Qaar go’aa ka caddaadiyo : Kuwa aad goray mooddiyo : Qaar gadaasha u dhuubanoo : Ka dheereeya gamuunka oo: Aan la gaadhi karaynnin: Yey ku gaardiyayaane: Bal yaa kuu gurmanaaya?
Wax badan baan gogoshayda : Ciilkoodii gam’i waayaye: Ilaahay baa ku gargaariye: Gurboodka haatan kacaayiyo: Nasriga Guulle ka sug!              
Soomaaliya gumeysigii wuxu u qaybiyey 5 qaybood Xaaji Faarax Oomaarna waa kii lahaa dalkaygu wax 5 meelood loo qaybiyo ka yar, dadkayguna wax la rarto ka itaal yar. Cali Xuseen markii la soo gaadhay sanadihii ugu dambeeyey ee noloshiisa wuxu dib u milicsaday geesiyaashii dalkan u soo halgamay xorayntiisa, wuxu dhugtay dalkii oo weli kala maqan oo dad Soomaaliyeed ay weli ku jiraan gacan gumeysi oo fool xun oo ku haysa xasuuq, cadaadis iyo cidhib-tir. Iyaga oo habeen walba ku seexda cabsi iyo caloolyow. Markaas ayuu tirinayaa gabayga la yidhaahdo DALKAN oo aynu ku soo gebegebaynayno qormadeenan gaaban:

Dalkan Reer Hargeysa iyo Xamar, labada daawaystay
Dulligii rag baa uga guntaday, oo dagaallamaye
Dadaal baannu haynnaa hadduu, Eebbe nala doono
Wixii dibadda jira saaddambaa, laysu soo dumiye.
Aan intaa ku soo gebegebeeyo qormadii gaabnayd ee ka waramaysay halgamaa Cali Xuseen Xirsi oo ahaa gabayaagii halgankii gobanimadoonka ee SYL.
 
Haddaan gabayga uurkoo buka iyo arami kaa keenin
Asaan olol xanuun iyo jacayl kugu igbaaraynin
Afkuun baad ka leedee tixuba Arar ma yeeshaane (Cali Xuseen)
 
Waxa qoray Cismaan Al Xakiim
heemaal@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.