Home » Warar »

Muqdisho: Nolosha dadka guryahoodii ka barkacay oo laga dayrinayo


Muqdisho: Nolosha dadka guryahoodii ka barkacay oo laga dayrinayo

Haalkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa aad Isku Soo Taraya Dhibaatooyinka Xoogan E eSoo Wajahaya Barakacayaasha Soomaaliyeed Ee Ku dhaqan Inta U dhaxeeysa Magaalada Muqdisho Iyo Degmada afgooye Iyadoona Dadkaasi ay Guryahoodii Kaga Soo Careen Dagaalada Qaraar Ee aan Hakad lahayn Ee ka Soconaya Gudaha Magaalada Muqdisho.

Xeradani Waxa ay Kamid Tahay Xerooyinka ay Ku Dhaqanyihiin Dadkii Ka SooBara Kacay Gudaha Magaalada Mudisho Iyagoona Imanka Dadkani Dhibaato Nololeed oo aad U xun ay Ku Heysato Gudaha Xeradaan oo ku taal KM 20.

Sida aad Muuqaalkan Ka Dheehan Kartaan Gurayaha ay Ku Noolyihiin Dadkan SooBara kacay Waxa ay Ka Sameeysanyihiin Maryo, Baakado Iyo Ulo la Isku Tolay, Kuwaa Oo aan Awood U Lahayn In ay Dhalaanka Iyo dadka Dad’da ahba ay Ka Celiyaan Kuleeyka Cadceeda, Qabowga dabeeysha, Halka Xili Roobaadkana ayba Gabi ahaanba Dabeeyshu La Tagto.

Marka Laga Soo Tago Hoyga waxaa Sidoo Kale Dadkani Barakacayaasha ah ay Cariiri Xoogan Ku Qabaan Nolol Maalmeedka Iyadoona ay aad Ugu Adagtahay In ay Helaan Cuno Ku Filan Oo ay Ku Kaabaan Jirataanka Nolashooda Taa oo Sababtay In Dhalaan Badan oo Ku Nool Xeryaha Loo Barkacay ay La Kulmaan Nafaqo Daro aad U Xoogan Oo Mararka Qaarna Sababtaba In ay Dhalaankani U Geeriyoodaan.

Adeega Guud ee Caafimaadka ayay Gabii ahaanba Dadkani aysan U Suura Galin In ay Helaan Mana Jirto Haya’do Isku Daya in ay Ka Saacidaan Adeega Caafimaad Iyadoona Taasi ay Horseed u Noqotay In, in Badan Oo Kamid ah Dadkii Soo Barkacay ay Noloshoodu Halis Gasho, Iyadoona Dhalaanka Qaarna ayba U Dhintaan Cudurka Shuban Biyooydka Madaama aysan xerooyinkani Lahayn Musqulo Saxo Wanaagsan Marka Laga Reebo Hal Musqul oo la Isticmaalo Xiliyada Habeeynkiiya Madaama ay ka Sameeysantahay Jawaano Iyo Maryo Duuga ah Oo Ia isku Tolay.

Mid Kamid ah ah haweenka Ku Nool Xerooyinkan Loo Soo Barakacay ayaa Ka Warbixineeysa Xaaladeeda Noleed Ee Barakacayaasha….

wxayna cod dheer ku tiri waxaa na heyso nolo xumo ,wax deer ah ma heysano ,biyo ma heysano ,musqul ma heysano,waxaan ku nool nahay rafaad ,jaago dhibaato ,hoy iyo hu.la.aan ayaan nahay waxayna sheegtay in ay tahay haweeney guri joogto ah oo aanay jirin meel ay u shaqo tagto .

Xerooyinka ay Ku Noolyihiin Dadka Ka Soo Barakacay Dagaalada Magaalada Muqdisho ayaa ahayn Intaa Balse waa Kuwa maalinba maalinka Ka Danbeeysa ay Ku Soo Biirayaan Barakacayaal Hor Leh Halka kuwo Horay Ugu Noolaa XEROOYINKAANA AYBA Ka Sii Talaabayaan Xaduudaha Dalka Iyagoo Raadinaya Nolol Dhaanta Mida Soomaaliya.

Dhanka kale farxiyo oo ah hooyo haysata shan caruur ah ayaa sheegtay in ay maalinkii biil ahaan u helaan lacag dhan nus dollar oouu ninkeedu ka soo xamaalo gaari gacan ayna aad u adagtahay in ay ku marayso nolasha qoyskan buuxa…..

gaajo3

Inkastoo ay dadkani Ku Noolyihiin Xaalado aad U Daran ayaa Hadana Waxa aysan Wali Rajo Ka Qabin In ay Dib Ugu Laabtaan Guryahoodii Ku Yiil Gudaha Magaalada Muqdisho madaama ay wali socodaan dagaaladii horay ay uga soo barakaceen aysana muuqan cid ku howlan daminta colaadaha jira.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.