Home » Warar »

Dagaal mar kale saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho .

Dagaal mar kale saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho…

Isniin: Sept 28, 2009: Dagaalkaan oo aan la ogeyn waxa uuka bilowday ayaa u dhaxeeyo ciidamda AMISOM ee fadhiisinka ku leh kuliyadii abaanduulka ee Jalle Siyad iyo xogaga dowlada ka soo horjedo iyo joogitaanka ciidamada shisheye ee gudaha somaliya wuxuuna hada dagalku xoogiisii ka dhacay isgoyska dayniile Magaalada Muqdisho.

Fadhiisinka ciidamada AMIOSOM ee kuliyada ayaa dad goobjoogayaal ah waxay sheegayaan in weerar lixaad leh ay ku qaadeen xoogaga islaamiyiinta ee dagaalka kala soo horjeedo waxaana la maqalayaa dhawaqa rasaasta iyo madaaficda la isku weydaarsanayo goobta uu dagaalkuka socdo.

Iska horimaadkaad ayaa ku fiday xaafadaha soone key,warshada caanaha ,shiirkole ofishaale iyada oo ay rasaastuna gaareyso deegaano ka fogfog halka uu dagaalku ka socodo ,waxaana jirin cidfaafaafhin ka bixisay dagaalkaan oo aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ag ee uu geystay.

Sidoo kale wararka ka imanaya goobta dagaalka ayaa sheegaya in la arkayo ciidamo badan oo qeyb ka ah kuwa dagaalamaya oo kaliye waxaana joogsaday dhamaan dhaqdhaqaaqyadii dadka rayidka ah iyo gaadiidka oo wadoyinka oo dhan ayaa cidlo ah.

Inkasta oo la maqlayey dhawaqa rasaasta noocyadeeda kala duwan iyo Madaaiicda goobta ayaa hada waxaa siyaraanaya gugaca rasaasta oo siiyaraaneysa.

Dagaalkan ayaa u muqdo mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah sida ay sheegayaan dad ku sugan xaafadaha dagaalku ka dhacay saaka.

Wixii war ah ee ku soo kordha waxaan idinkuugu so gudbin doonaa wararka danbe ee naga war suga inshaa alaah

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dagaal mar kale saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho . "

  1. Nasir says:

    dagaalkadaan waa na dhibeen dal iyo dibadba. wax walibana waa qaseen. shariir iyo sharbaab iyo hisbul daneyste allah hanaga qabto oo dhamaantood ku shaqeysanaya magaca islamka si qalad ah dan loogu raadsaday?

    allow waad u jeeda kuwan