Home » Sports »

Faallo Sports: Yaa ka qayb galaya seminaarka Win Africa with Africa coaching course ee lagu qaban doono dalka Jabuuti?.

Faallo Sports: Yaa ka qayb galaya seminaarka Win Africa with Africa coaching course ee lagu qaban doono dalka Jabuuti?.

Nijmegen 27.09.2009. Wararka aanu ka helayno ilo kale duwan oo kale jooga dalka Soomaaliya iyo Qurbaha ayaa sheegaya in seminaarka loogu talagalay in kor loogu qaado tayada macalimiinta kubadda cagta kooxaha ka dhisan dalka Soomaaliya ayaa shaki badan laga qabaa qaabka looga qayb galayo iyo dadka xaqa u leh inay ka soo qayb galaan.

Ujeedada loo qabanayo seminaarkaan ayaa ah in macalimiinta kooxaha ka dhisan dalka Soomaaliya tayadooda aqooneed ee kubadda cagta kor loogu qaado isla markaana waxaa seminaarkaan bixin doono qubaro ka socoto FIFA & CAF, balse waxaa lagu qabanayaa dalka Jabuuti madaama dalka Soomaaliya aysan tagi karin macalimiinta ajanabiga ah ee bixinayso casharada ku saabsan kubadda cagta iyo sharciyadeeda, iyadoo tanina ay muujinayso in looga baxay balantii bishii Agoosto aaqirkeeda maamul Gobaleedka Puntland ay hore ula galeen madax ka socotey Gudiga Olampicada Soomaaliyeed(GOS) iyo Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya (XSKC), madaama ay isku afgarteen in wixii tababaro ah oo ku saabsan isboortiga dalka Soomaaliya lagu bixiyo magaalooyinka Puntland ee Nabadda ah, iyadoona la isku afgartey in bisha December lagu qabto magaalada Garoowe tartanka loo bixiyay ‘’cayaaraha Olampicada Gobalada Soomaaliya’’, balse waxaa halkaan ku cad in dalka Jabuuti lagu qaban doono seminaar ku saabsan barashada kubadda cagta oo heer caalami ah.

Su’aashu waxay tahay hadii Seminaarkiiba Puntland in lagu qabto laga weeciyay hadane Cayaaraha Olampicada Goballada dalka ma lagu qaban doono weeye , garoonka Garoowe ma ku dayactiri doonaan dhaqaalaha loogu talagalay dalka Soomaaliya ee Goal Project FIFA.
Jawaabtu waa Maya. Maya

Kooxaha ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa kalsoonidii kale noqday maamulka hada hogaamiya XSKC kadib markii khilaaf soo kale dhax galay maamulada kooxaha hoos yimaada xiriirka iyo madaxdooda sida Gudoomiyaha iyo Xoghayaha oo isku dhinac ah, halka 16 kooxood maamuladoodana ay ka codsadeen in Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada dalka Soomaaliya soo faragaliso muranka u dhaxeeya kooxaha iyo maamulka sare ee XSKC, isla markaana doorasho xor ah loo qabto hogaan cusub oo uu yeesho Xiriirkooda.
Seminaarkaan ayaa la qaban doono bisha soo socoto 25keeda Oktoobar socona doono ilaa laga gaaro 30 Oktoobar 2009, iyadoo lagu wado inay ka soo qayb galaan 25 naadi macalimiintooda, balse waxaa lagu marti qaaday qaar ka tirsan ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya oo hada ku nool dalalka Canada, USA, Sweden iyo dalka England, halka la filaayo in dad kale laga keeno magaalooyinka Nairobi iyo Jabuuti, madaama 16 naadi oo ka diiwan gashan xiriirka ay qaadaceen aqoonsigii ay u hayeen maamulka XSKC.

Hadaba yaa ka mid ah dadka lagu casumay inay ka qayb qaataan seminaarka lagu qabanaayo dalka Jabuuti ee ku nool dalalka Qurbaha, wararka aynu hayno waxay kale yihiin sidatan:

Dalka Sweden waxaa ka imanaya Bashiir Jeenyo iyo Yusuf Dhabareey oo labaduba ka kale tirsanaan jirey kooxaha Gadiidka iyo Jeenyo.

Dalka Mareykanka waxaa ka imaanaya Khaliif Riiko oo ka mid ahaa ciyaartooydii kooxda Badda iyo xulka Qaranka Soomaaliya.

Dalka Canada waxaa ka imaanaya Muqtaar Cuti iyo Yusuf Shaqaaq oo ka tirsanaa jirey Betroolka iyo Jeenyo “LLPP”

Dalka England waxaa ka imanaya Murudi Abanur Abati iyo Dahir Gacamay oo labaduba ka kale tirsanaa ciyaartooyda kooxaha Madbacada iyo Muqdisho iyo xulka Qaranka dalka Soomaaliya, halka Rabiic Musse uu isna si gaar ah loogu casumay inuu kaga qayb galo seminaarka.

Dhanka kale waxaa jira macalimiin kale oo aan lagu casumin inay ka qayb galaan seminaarka oo codsaday inay ka qayb galaan kuwaasoo haysta shahaadooyin caalami ah oo laga aqoonsan yahay FIFA iyo dalalka Yurub, halka lagu casumay dad aan waligood qaadanin hal shahaado Sports islamarkaana aan wax koox ah ay gacanta ku hayaan aysan jirin, marka laga reebo Dahir Gacamay, Muriidi iyo Rabiic oo aan oran karo macalimiin kooxo muuqda oo dhisan maamula halka Hassan Hussein, Gaduudoow oo haysta shahaadooyin waawayn loogu diiday codsigooda ah inay rabaan inay ka qayb galaan seminaarka loo qabanaya macalimiinta kooxaha Soomaaliyeed.

Waxaase is xasuusin mudan sababta keentey in qaarna lagu casumo,qaarna laga reebo seminaarka ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya ee ku nool dalalka Galbeedka uu aadayaan dalka Jabuuti in wax la is waydiiyo?.

Waxaa England ku nool macalimiin kooxo maamula hadii sharuudu tahay in qofka ka qayb galaya seminaarka inuu koox haysto, kuwaasna waxaa ka mid ah Axmed Bile iyo Zakariye Baliile oo maamula kooxda Ilamos oo ka dhisan magaalada London, Baaba Jay, Aballiisha iwm ah, halka ay jiraan macalimiin tiro badan oo layliyo kooxo ka dhisan wadamada Holand, Sweden, Norway, Denmark, Finland, USA & Canada aan looga yeerin inay ka qayb galaan seminaarka Jabuuti.

Docda kale waxaa jira tuhuno faro badan oo laga qabo qaabka loo maamulo guud ahaan Isboortiga dalka Soomaalia, waayo gobalada dalka wax talo ah ama cid ka qayb galayso oo aan ku aragnay liiska dadka lagu casumay inay macalimiin yihiin ma jirto, balse xogta aynu hayno ayaa ah in la kale fadli yeelo ciyaaryahanadii dalka Soomaaliya ka daafici jirey garoomada caalamka.

Waxaana xiriir ila soo sameeyay qaar ka tirsanaan jirey ciyaartooydii magaca iyo maamuska ku lahaa dalkeena oo kale jooga meelo kale duwan kadib markii ay ka warheleen qaabka XSKC madaxdooda ay u maareyeen ka qayb galka seminaarka barashada sharciyada kubadda cagta iyo qaabka loo bixiyo tababarada, waxayna ii sheegeen inay ka xun yihiin in ciyaartooydii caanka ahayd ee joogta dalka gudihiisa sida Cambar, Shiiqaaloow, Senegal, Abdi Kuus, Abdalla Quuq, Jaylaani Khaliif Shaarkeey inaan lagu tixgalin Isboortiga dalkeena isla markaana looga faaidaynin seminaarada iyo tababarada noocaan oo kale ah, halka ciyaaryahano kale oo qurbaha waxay ku hayaan aysan jirin marti qaad iyo qarash loogu diraayo inay ku soo bashaalaan Jabuuti halka kuwii la rabay in looga faaideeyo fursadaan ee ku nool dalka gudahiisa loo siinin.
Marka hadii ciyaaryahan ciyaaryahan ma tahay lagu casumaayo oo aan dadka Soomaaliyeed Aabe iyo Hooyo loogu kale yeelaynin, waxay ila tahay waxaa lagu casumi lahaa Kabtan Shaash, Biyoolay,Mohamed Ismail, Siciid Ceyroow, Daysane, Biriq, Cadde, Amaan, Oday Mursal, Eenow,Cantar Jeenyo,Nuur Amiin,Abdi Nur,Turumbo, Omar Ganjab, Macalin Musse, Macalin Khaliif iyo kuwa kale oo fara badan oo aanan halkaan ku soo xusi karin.

Hadii Siyaasadii camal isboortigii loogu dhaqmaayo dalkeena Soomaaliya goormuu ka baxayaa dhibaatada haysata isla markaana caalamkan horumarey wax la qayb sanayaa, waayo sideedaba Isboortigu waa ka qayb gal lagu doonayo in dadka la iskugu soo dhaweeyo laakinse waxa noo muuqda ma ahan inaan ka aamusno waana sababta aan wax uga qoroya maalin kasto, si qaladaadka jira aan ugu baxno isla mar ahaantana maamulada jira ay isku xisaabiyaan.

W/D:Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
Nijmegen Holand
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.