Home » Warar »

C/laahi Soomaali, Tifatiraha Idaacada Codka Nabada Muqdisho, oo Beeniyey war ka baxay VOA oo la sheegay in uu kaga horjeedo xarakatul shabaabul Mujaahidiin

Tifaftiraha Idaacadda codka nabadda ee Muqdisho C/llaahi Yaasiin Jaamac (Somali) ayaa maanta beeniyay inuu idaacadda VOA-da laanteeda Afka Somaliga kasii daayay war uu kaga horjeedo xarrkatul shabaabul Mujaahidiin.

Halkan ka Dhegeyso Shirkii Jaraa’id ee C/laahi Soomaali (Sept 26, 2009)

Halkan ka Dhegeyso Hadalkii laga sii daayey VOA (Sept 24, 2009)

Wariyaha oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in 24/09/2009 laga sii daayay barnaamijka subaxnimo ee VOA-Somali war uu ku saxiixan yahay magaciisa iyo naynaastiisa gaarka ah.

“Kooxda Al-shabaab waa inay la heshiisaa dowladda Somalia, shacabka u turaan oo ay xabbada ka joojiyaan” ayuu sheegay Wariye C/llaahi Somali inay ka mid ahaayeen erayadii laga sii daayay Idaacadda iyadoo magaciisa la adeegsanayo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in warka uu intaas ku darayay in kooxda Al-shabaab ay joojiso dilalka: culummada, aqoonyahannada, siyaasiyiinta, saxafiyiinta iyo shaqaalaha hay’daha gargaarka oo waxtar u ah bulshada Soomaaliyeed.

“Wararkan waxaa faafiyay kooxo beenlowyaal ah oo adeegsaday magacyga, waxayna doonayeen inay aniga iyo xarrkatul shabaab iska keen horkeenaan, waana been aan anigu wax raad ah ku lahayn” ayuu yiri Tifaftiraha Radio Codka Nabadda.

Sidoo kale wariye C/llaahi Somali wuxuu sheegay in warkaas ujeedadiisa rasmiga ah ay ahayd in xaqdarro lagu daadiyo dhiig qof Islaam ah oo aan waxba galabsan, isagoo sheegay in wararka beenta ah ee la faafiyay ay intaas ka badan karaan.

“Aniga waxa shaqo aan ku leeyahay warkii laga sii daayay VOA-da laanteeda Afka Somaliga ma jiro, waxaana ahay suxufi aan wax lug ah ku lahayn arrimo Siyaasadeed, jecelna inuu xirfaddiisa ku shaqeysto” ayuu Wariye C/llaahi Somali yiri.

Dhinacyada dalka isaga soo horjeeda ayuu ugu baaqay inaysan rumeysan hadalada noocaas oo kale ah oo aan runta sal ku lahayn, lagana leeyahay fikirado gurracan oo qarsoon.

Wariye C/llaahi Yaasiin Jaamac (Somali) oo la weydiiyay su’aal ahayd in Xarrakatul shabaab Al-Mujaahidiin oo warkan uu lid ku ahaa ay lasoo xiriireen iyo in kale ayaa ku jawaabay:

“Aniga ayaa la xariiray xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab, runtii xubnihii ku sugnaa waxay muujiyeen mas’uuliyad, waxaana u sheegay in warkaas aanan aniga qorin, balse la igu been abuurtay, anigoo u sheegay inaan beeninayo”.

Talo soo jeedin.

: Wariye C/llaahi Somali ayaa ugu baaqay laanta Afka Somaliga ee VOA inay ka fiirsato wararka ay sii daynayaan oo lagu diro E-mailada, isagoo xusay in war laga sii daayay idaacadda uu nafka qofka khatar ku keeni karo.

Sidoo kale qofkii qoray warkaan oo uu sheegay inuusan garanayn ayuu ugu baaqay in ka fogaado arrimahan oo kale oo keeni kara in dhiig la daadiyo, wuxuuna sheegay in qofkaas ujeedo walba oo uu warkaan ka lalaa uu ka digtoonaado.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.