Home » Warar »

Kabtan Suuriyaan ah oo Muqdisho lagu dilay iyo AMISOM oo Dhaawacday ganacsade Soomaaliyeed

Howgalada burcad badeeda oo soo gaaray dakada magaalada Muqdisho iyaga oo dilay kabtan markab waday .

Taliska ciidamada AMISOM ee fadhigoodu yahay gudaha dakada weyn oo faah faahin ka bixiyey howlgalo ay xalay ku qaadeen burcad badeed afduub la rabtay markab laga leeyahay dalka Banama oo kusoo xiranayey dekadda Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Bariijiye Bahuuko oo faah faahin ka bixinayey fal isku day afduub markab laga leeyahay dalka banama oo ay Kooxaha burcad badeeda Soomaalida xalay ku doonayeen in ay ku afduubtaan Markab Ganacsato somaliyeed u rarnaa kaas oo ku soo xirtay dekedda Wayn ee Magaalada Muqdisho, kadib markii burcada laga soo badbaadiyey.

Markabkaan ayaa marayay meel aan sidaa uga fogayn dekadda Muqdisho.

Mr Bariijiye Bahuuko Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa warbixintiisa ku daray in ay burcadu weerar ku qaadeen xalayto kuwaas oo isku dayayey in ay ku afduubtaan Markab ganacsi oo doonayey in uu ku soo xirto dekada weyn ee Magaalada Muqdisho .

Afhayeenka AMISOM ayaa warkiisa ku darey in ay ka badbaadiyeen Markaabkaasi kooxaha burcad badeeda Soomaalida kadib markii ay shaqaalaha Markabka ka heleen xogta Markabkaasi.

“ Qaar kamid ah shaqaalaha Markabkaasi saarnaa ayaan ka helnay qaylo dhaan, gaar ahaan Milkiilayaashii Markabkaasi iyagoo nagu war galiyay in Kooxo burcad badeeda ah ay damacsanaayeen in ay afduubtaan Markabkaasi,sidaasi daraadeed waan ka hortagnay weerarka Kooxahaasi,waana soo badbaadinay Markabka,hadana markabku waxa uu ku xiranyahay Dekadda Muqdisho.”ayuu yiri afhayeenka Ciidama AMISOM Bariijiye Buhuuko.

Dil loo geystay kabtankii markabka waday iyo dhaawac so gaarey ganacsade somaliyeed oo markabku u rarnaa

Intii uu socday falka afduubka makabka ayaa waxaa burcad badeedu dileen kabtankii markabka oo dhalashadiisu aheyd dalka Siiriya ka dib markii uu ka dhaga adeegay in uu markabka u kaxeeyo badweynta .

Gaari ka mid ah kuwa gargaarka deg deg ah oo siday meydka kabtankii markaba ee xalay ay dileen burcad badeeda somaliyeed, ayaa markii uu marayey agagaarka garoonka diyaradaha Adaan cade internetional airport kuna sii jeeday garoonka si meydka loogu duuliyo dalkiisa, ayaa Ciidamada AMISOM rasaas ooda uga qaaday gaariga siday meydka Kabtanka ka dib markii ay ka shakiyeen waxaana dhaawac culus ka soo gaarey gancsade Soomaliyeed oo uu u rarnaa markabku, ganacsadahaas oo waday meydka kabtanka doonayeyna in uu geeyo dalka Siiriya .

Sida ay shegayaan dad joobgoogayaal ah ayaa saxaafada u sheegay in gariga markii uu gaaray ilinka hore ee garoonka ay ciidamadu rasaasta labeegsadeen mana jirin wax digniin ah oo ay cidamada AMISOM bixiyeen .

Ma jiraan weli cid kahadashay arintaa dhinacyada dowlada iyo Ciidamada AMISOM oo ku aadan dhaawaca ganacsadahaan loo geystay iyo falka lagu rasaaseeyey gaariga ka mid ka ah kuwa gargaarka deg dega ah

Sida wararku shegayaan gaarigii aambalasta iyo meydkii saarnaa ayey la wareegeen Ciidamad AMISOM waxaana isaga cararay saraakiishii caafimaadka iyo darawalkii balse markii danbe ayaa lagu so cleiyey gacanta ganacsatada somalida .

Kabtankaan ayaa xalay ku geeriyooda gudaha markab uu waday oo laga lahaa dalka banama isaga oo badeecado kala duwan ka keenay dalka isu taga imaaraadka carabta, ka dib markii burcad badeed afduub la damacsanaa uu falkoodi fashilmay.

Markabkaan ayaa u rarnaa ganacsato Somaliyeed waxaana ku dhaawacmay askari ka tirsan dowlada KMG, waana markii ugu horeysay ee fal noocaan oo kale ah ka dhaco gudaha dakada iyo garoonka.

Arintaan ayaa ku soo aaday xili ay xeebaha somaliyeed ay buuxaan in ka badan sodon markab kuwaas oo dhamaantood sheeganaya in ay la dagaalamayaan burcad badeeda Soomalida ah

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.