Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo Cumraystay Madaxweynayaalna la kulmay

Warsaxaafadeed
Khamiis September 24, 2009

Madaxweynaha oo Cumraystay Madaxweynayaalna la kulmay

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Madaxweynaha soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed waxaa maalintii talaadada(22-09-2009) u suurta gashay in isaga iyo wafdigiisa ay gutaan cumro, Madaxweynaha ayaa markii ay cumradu u dhamaatay wacdiyay Wafdiga la socday ka dibna kacbada dhexdeeda ugu duceeyay Wafdiga la socday gaar ahaan guud ahaana dalka soomaaliya iyo Dalkaba in EEBBE ka dulqaado.

Madaxweynaha Maalintii Arbacada(23-09-2009) Waxaa uu ka qeyb galay furitaanka Jaamac casri ah oo la yiraa “Jaamaca Boqor Cabdla ee Sayniska iyo Tiknooloojiyada, oo lagu tiriyo jaamacadaha ugu casrisan uguna hormarsan aduunka.

furitaankaas oo ay ka soo qeybgaleen Boqoro, Madaxweynayaal ka kala yimid aduunka dacaladiisa Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Jaamacada waxaa uu yiri “Waa Jaamac nooceeda oo kale uu yar yahay, Waxayna Jaamacad noocaan oo kale ah ay xaqiijineysaa faaido badan”

furitaanka jaamacadu waxay ku soo beegmaysay sanadguuradii 79aad ee Boqortooyada Sucuudiga, sidaa darteedna Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Boqorka Boqortooyada sucuudiga iyo Shacabka Sucuudigaba uu u gudbiyay Hanbalyada, Dowlada Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliya ee ku aadan maalintaa ku weyn Sucuudiga.

cumro2

Madaxweynaha Waxaa uu uga mahad celiyay Boqortooyada Sucuudiga sida ay u garabistaagneyd soomaaliya, waxaana uu ka codsaday in xiligaan loogu baahi badan yahay garab gargaar bani’aadanimo, mid diplomaasi labadaba.

Madaxweynuhu wuxuu shirar goon gooni ah la qaatay Madaxweynayaal uu ka mid yahay Madaxweynaha Yaman, Cali Cabdulaahi Saalax, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Turkiga Cabdulaahi Gol iyagoo ka wada hadlay xiriirka soomaaliya iyo dalalkaas iyo sidii loo sii xoojin lahaa loona horumarin lahaa.

Madaxwyenuhu wuxuu ka anbabaxay xalay Dalka Sucuudiga isagoo gaaray dalka maraykana si uu uga qeyb galo shirka Qaramada Midoobay.

Dhamaad

C/qaadir Maxamed Cusmaan(Barnamij)
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya

==================================
NB: wixii faahfaahin dheeri ah fadlan la soo xiriir:-
Telephone: 002521237314 -002525941071
Mobile: 0025250767575
Mobile: 0025215460417
Email: presidentialpress1@gmail.com
==========================

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.