Home » Warar »

147 Aryday Somaliyeed oo Ka qalin jabiyay Sudan

147 Arday oo Somali ah ayaa waxay ka qalin jabiyeen jaamcaddaha ku yaalla dalka Sudan . xalay ayaa waxaa loo sameeyay Ardadaas xaflad qalin jabin oo si heer sare ah loo soo agaasimay .

Bandhig aad u heer sareeyay ayuu soo badhigay Midawga Ardada Somalia ee ka jira dalka sudan iyadoo la adeeg sanayo qalab casri ah ayaa mid mid waxaa dhalo wayn oo ay si fiican u wada arkayeen ka soo qayb galayaashii xalfadda ayaa waxaa lagusoo bandhigay arday kasta iyo kuliyadda uu ka qalin jabiyay .

Hool ay leedahay Jaamacadda Ribad oo qaada 1200 oo qof ayaa meel laga istaago la waayay oo waxaa soo buux dhaafiyay marti sharaf iyo aradada iyagu ka dhigta jaamacadda dalka sudan halka aradada qalin jabisay ay saarnaayeen qayb sare oo ka mid ah masraxa jaamacadda .

Halku dhigga ay aradadaan ayaa ahaa ( Awoodeenu waxay ku jirtaa Midnimadeena ) muuqaalka guud ayaa ahaa mid heer sareeya iyadoo aanay marna ka muuqan astaamaha kala qayb sanaanta Somalia guud ahaan waxaa xafladda laga ruxayay calanka Somalia iyo ka Sudan .

Dhanka kale waxay indhahaygu qabteen Hablaha somalida ee sudan wax ka barta intii kasoo qayb gashay oo aad ugu amaanan xajinta dhaqanka iyo sumcadda hablaha Somalia, waxayna mudan yihiin hanbalyo aysan mudnayn qaar badan oo jooga Masar iyo Syria kuwaas oo inta badan hareer mara dhaqankii suubanaa ee somalida isla markaana dhex qaada dhaqamada soo guuriska ah .

sudaaan

Gudoon siinta shahaadooyinka Ardayda qalin jabisay ayaa waxaa hareeyay Heesta uu Fanaanka caanka Xassan Adan Samater sida Dareen kiciska leh ugu luuqeeyo ee Guddi iyadoo lagu cel celinayay erayada ( Umaddii Garaad lihi iyadaa is gar gaartee …)

Aadam Zaki
Algeria
Aadan17@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.