Home » Maqaallo »

Fashilka dhow iyo fartiinta shacabka | Cali

Fashilka dhow iyo fartiinta shacabka…………..(faaalo)

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha xukuumadiisu 9 ka bilood jirsatay waxaa shacabka rer puntland u dhaga taagleynayeen waxa ay xukuumadani ka badali doonto mastaqbalkii puntland e mar mugdiga galay,
Madaxweyne faroole oo ka mid ahaa raggii isbadalka ku hadaaqayey intuu ololaha doorashadu socotay ayaa ku guuleystay xilka madaxtinimada puntland, madaxweynuhu wuxuu isla markiiba soo magacaaabay xukuuumad ay ka dhex muuqdaa dad aqoon iyo kartiba leh inkastoo xubnihi uu magacaabay qaarkood ka cududaarteen in ay qabtaan xilalki uu umagacaabay hadana waxaa la oran karaa waa xukuumadi ugu badneyd e abid ay ka mid noqdaan dad aqoon iyo khibrad ba uleh in ay bulsho xogaamiyaan, madaxweynaha iyo xukuumadiisu waxay balan qaaden in ay wax badan ka badali; doonaaan horumarka iyo horusocodka gobolada iyo degmooyinka maamulku ka taliyo, balse waxa arrintu isbadashay markii ay sii laba kacleeyeen caqabadihi la rabay in xukumadu wax wayn ka badashay sidaa , tahriibkii, burcad badedii, amaandaradii, inkasta oo faaladeydu aysan ku saaabasayn qodobada caqbadaha ah e an taxay hadana waxaaan jecaleystay in an wax ka taabto fashalika dhow e xukuumada madaxweyne farole ku soo fool leh…

fashilka dhow:

xukuuumada madaxweyne ayaa waxay ku dhowdahay wax ka qabadka ifafaalo colaadeed oo ka soo guuxaya qaybo ka tirsan gobolada dowladda puntland, sidoo kale cadaalad darro gaamurtay oo ay uga tageen xukuumadihi hore gobolada puntland qaar ka tirsan, tusaale ahaan madaxweyne faroole wuxuu maalmihi la soo dhaafay magacaabay taliyaha ciidamada police ka puntland, taliyaha qaybta gobolka mudug, gudoomiyaha gobolka mudug, taaas oo loo magacaabay 2 beelood oo ka tirsan beeleha dagan gobolka mudug waxayna arintasai meesha ka saaraysaa balante madaxweyne faroole oo ahayd in aqoon iyo hab cadaalad ku salaysan uu wax ku maamuli doono aqoontuna ay shaqayn doonto, madaxweyn faroole ayaa qaaday wadooyinkii ay faleen xukuumadihi ka horeyey e ahaa in beel kasta kursi gaar ah leedahay ayna sidii uheysato taaas oo ah mid mesha ka saaraysa balan horay uu u qaday madaxweynuhu.
5 bisha Augost ayey ahayd markii wasiiirki warfaafinta allaha unaxariiste warsame cabdi shirwac (seefta bananka) ay dabley hubaysan ku toogteeen bartahama magaalada galkacyo taaas ayaana ugu wayneyd safarkii madaxweyne faroole e gobolka mudug, isla 24 bisha ayaa wiil uu dhalay gudoomiyhi hore e gobolka c/nuur geesey oo loga shakisana in u ku lug laha dilki wasiirka uu isla bartahamaha magaalada ku toogtay wiil la heyb ah wasiirki warfaafinta , arrintaas ayaa sii murjisay markale dhibaatadi ka dhacday gobolka, madaxweyne c/raxman maxamed maxamud (faroole) ayaan culeys ku saarin beelihi dhibku ka dhex dhacay in ay soo dadajiayaan in la soo qabto burcadda geeystaya falalka amni xumo.
Arrimaha ka aloosan gobolka mudug ayaa horseedi kara dhibaaato baahsan oo aysan xukuumada madaxyne c/raxman farole xal u heli dooonin kuna fashilmi doonto hadii aysan hadda wax ka qaban.

calioo

Dagaalada ufayn:

Ufayn ayaa hadda waxaa ka taagan dagaaalo 2 beelood oo walaala ah oo wada daga deegaankaas, xukuumada md c/raxman farole ayaan wali ku guuleysan in ay wax ka qabato colaadaas heshiis waarana dhex dhigto 2 daas beelood, madaxweynaha iyo xukuumadisa ayaa hadi aysan taasna wax ka qaban waxay ku noqoneysaa fashilkii 2 aad ee soo wajaha maamulkiisa curdanka.

Fariinta shacabka

Guud ahaan shacabka iyo aqoonyahanada iyo jaaliyadaha ka soo jeeda deeeganada puntland ayaa waxay meel kasta ka soo dirayaan sidii loga hortagi lahaa dhibaata dhacda xal kama dambays ahna loo heli laha si heshiis waara uu uga dhex dhaco hujuunka coladed e jira, aniga ahaan waxaan door biday in an fikirkeyga ku soo gudbiyo halkaan iyo sidi horumar lagu gaari karo, waxana soo qoray qodobo kooban oo ku saabsan sida xalka dhabta lagu heli karo e guud deeganada puntland..

1.in madaxweynuhu uusan ka soo uusan ka soo guurin magaalada galkacyo inta xal loga helaayo dhibaatooyinki ka dhacay gobolka mudug, hadii uu ka soo kaco asgoo arintaas xalina ay ku xigi karto colaad aan la fileyn oo ka aloosanta gobolkaas maamulka puntlandna saamaynta ugu wayn ku yeesha.
2.in madaxweynuhu qodobka koobaad ka xoogana ku saaro beelaha ay gacantu kala gaartay sidi ay usoo qaban lahaayen gacan ku dhiiglayaasha xalaaleystay dhiig qof muslim ah oo an waxba galabsan si ay meesha uga baxdo mad madow iyo colaad soo kala dhex gasha beelaha walalaha ah e wada daga gobolka.

3.in beelaha ku diriraya fayn uu udiro madaxweynuhu gudiyo ka kooban 3 waji kuwaas oo kala ah culumu’awdiin, xildhibano iyo wasiiro ka so wada jeda 2 beeelod, iyo isimo laguna qanciyo labadas beelod oo walalaha ah in uusan gacan ka hadal dambe dhex marin xal kama dambays ahna laga soo gaaro arintaas ka tagan ufayn.

4.in madaxweyuhu ku dhawaaqo shirwayne guud oo la isugu keenayo beelaha puntland daga oodhan si loga wada tashadu arimaha difaaca, wada daganaanshaha, isku xirnaanta, meeshana loga saaaro mugdiga ku kala dhex jira bulshada puntland dagan.

Gabo gabo

Guud ahan waxan ugu baaqayaa shacab waynaha rer puntland in ay gacmaha is qabsadana kana waantoobana wax amniga puntland wax yeeleyn kara meeshana aysan marnaba soo galin xurgaf iyo colaad, kana shaqeeyan nabadda iyo wada noolaanshaha bulsha waynta ku bohowday dowladda puntland, jaaliyadaha iya aqoonyahanada rer puntland ee qurbaha waxaan ka codsanayaa in ay maalgashi iyo shaqooyin ka abuuran wadanka si loo xakameyo dhalnta qoriga sidata horumarka an higsanaynana aanu ku gaarno insha allaaah..

Dhamaan akhristayaasha waxan ka codsanaya wixi khalad ah e ay arkan In ay iga raali ahaadan ma gaffe waa rabbi SWC

Cali axmed cali
calibaale@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixa

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.