Home » Warar »

Safiirka soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan oo Cambaareeyey Qaraaxyadii lala beegsadey Xarunta Amisom

Safiirka soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan oo Cambaareeyey Qaraaxyadii lala beegsadey Xarunta Amisom

Safiirka Dowlada Federaalka u fadhiya Magaalada khartoum ee xaruunta wadanka sudan Prof: Mahdi Abukar ayaa si kulul u canbaareeyey falkii ismiidaminta ahaa ee dhawaan lagu weeraray xarunta ciidanka nabad ilaalinta u jooga caasimada soomaaliya ee muqadisho.

Waxa uu sheegay safiirka in uu si wayn u canbaareenayo falkaasi Ismiidaaminta ahaa isagoo ku sifeeyey mid wuxuushnimo ah oo aan ku banaanayn ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida ,isagoona tilmaamay in aan laga gaarin dantii laga lahaa qaraxaasi sida uu safiirka aaminsan yahay.

Prof: Mahdi Abukar safiirka soomaaliya u fadhiya sudan ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee dhawaan lala beegsaday Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya aysan waxba u dhimi doonin dadaaladii iyo qorshayaashii nabad ku soo dabaalida dalka ay ka wadeen ayna halkeedkii ka sii socon doonaan.

sidoo kale safiirka ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan arinkaan foosha xun,islamarkaana aysan fiirsan waxa socda oo kaliya balse waxa uu tilmaamay inay shacabka soomaaliyeed ka bixiyaan Jawaab ku aadan waxa ay ka wadaan gayiga soomalieed. Kooxaha Mucaaradka

Sikastaba ha ahaatee Hadalka safiirka wadanka sudan u fadhiya dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmo ka hor qaraxyo Ismiidaamin ah lagu weeraray Xarunta ugu wayn ee Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyadoona Mas’uuliyada qaraxyadaasi ay sheegteen Xaraktu Shabaabul Mujaahidiin.

W/D: Axmed C/laahi Yuusuf{Axmed Cadde}
khartoum – sudan
00249922363815

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Safiirka soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan oo Cambaareeyey Qaraaxyadii lala beegsadey Xarunta Amisom "

  1. AbuGaaloEri says:

    ASC.
    Aljunuun funuun. Prof. madaxweyne r/wazaare IWM aan garanahayn shaqadooda.

    Yaa akhi Amison afhayeenno idinka muxtarifsan ayey leedahay mushaharna ku qaata shaqadooda ee dadka shaqadooda inta u deysaan bal mid kale doon-doonta.