Home » Warar »

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia oo Deeq lacageed soo gaarsiisay Naafadda Xooga Dalka ee ku jirta Cusbitaal Martiini ee Muqdisho

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Australia oo Deeq lacageed soo gaarsiisay Naafadda Xooga Dalka ee ku jirta Cusbitaal Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah (GUJI)

Waxaa maanta deeq lacageed oo dhan 500-oo Doolar la soo gaarsiiyay Naadafada ku jirta Cusbitaal Martiini ee Muqdisho, iyadoo deeqdaasi lacageed ay soo dhiibeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Australia.

Soomaalida ku dhaqan dalka Australia ayaa waxaa deeqdaasi uga wakiil ahaa oo soo dhiibay Xasan Axmed Dhicisow oo dalkaasi ku dhaqan, iyadoo uu isna u soo wakiishay inuu Deeqdaasi gaarsiiyo naafada ku jirta Cusbitaal Martiini Abshir Yuusuf Dhicisow.

Munaasabadii deeqdaasi lagu gudoonsiinaayay Naafadda Martiini ku jirta ayaa waxay ka dhacday isla xarunta Cusbitaalkaasi, gaar ahaa Qolalka ay jiiftaan Naafadda mid ka mid ah, maadaama ay saakay ay ahayd xilli ay Da’yeen Roobab.

Wakiilka ay soo wakiisheen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Australia inuu gaarsiiyo Naafadaasi Abshir Yuusuf Dhicisow ayaa gudoonsiiyay deeqdaasi Naafadda ku jirta Cusbitalkaasi, iyadoo qadka Taleefanka uu isna soo galay Wakiilka Jaaliyadaasi ee dalka Australia Mudane Xasan Axmed Dhicisow oo Naafadaasi ku wergeliyay inay Jaaliyadda Australia ay ku dadaali doonto inay wixii karaanlooda ah ay u qabtaan naafadaasi.

Xubno ka socday Naafadda Martiini ayaa iyana halkaasi ka hadlay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cabdi Dhabar iyo Maxamed Ismaaciil Cabdi oo iyana si weyn ugu duceeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia, iyagoo Alle uga baryay inuu sii yo badal Kheyr badan.

“Waxaan ka codsanaynaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka Caalamka inay ku daydaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, islamarkaana na soo caawiyaan” ayuu yiri Maxamed Ismaaciil Cabdi oo ka mid ah Gudiga Naafadda ku jirta Cusbitaalkaas oo halkaasi ka hadlay.

somdfk5

Dhanka kale waa deeqdii ugu horaysay oo la soo gaarsiiyay Naafadda ku jirta Cusbitaalkaasi tan iyo markii xaruntaasi Madfac lagu weeraray uu ku dilay naafadii ku jiraty qaarkood, iskamarkaana ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah nafadaasi oo haatan cusbitaalada muqdisho yaal.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.