Home » Maqaallo »

Ilaahoow waxaad nagu rogtay gali Odayadaas !!! | Zaki

Ilaahoow waxaad nagu rogtay gali Odayadaas !!!

Sideen uga sheekaynaa aragtida saxaafadda iyadoo aanay xor ahayn ? Sideen ugu sheegnaa Bulsho aanan Xor ahayn waxa dhacaya ? Sideen uga warami karnaa Hab dhaqanka Dadkeena tiiyoo nalaga xayuubiyay marhore Dhaqankii ?

Wadaadada Caafimaadka waxay u furtaan Xarumaha Daawaynta Dadka buka inay kula tacaalaan xanuunada haya laakiin qofka ugu horeeya ee ay dhibaatada kasoo gaarayso xarumahaas waa Bulshada bal ilaahay amarkii .

Odayaasha Dhismayaasha iyo kuwa soo dhoofiya Qalabka lagu dhiso waxay u dhisaaan Guryaha iyagoon marna eegin Baahidaada dhabta ah iyo inta Tabartaadu tahay dhaqaale ahaan iyo Deegaan ahaan intaba , lagama yaabo inuu ku waydiiyo Macalinka Dhismaha inaad u baahan tahay qalab Guriga soo galiya kulayl iyo qabaw midna iskuma dhibayo inuu kaala tashado qaabka aad jeceshahay waxyaaba ku dhibaya iyo waxa aad ka helaysid laakiin sida uu jecel yahay jeebkiisa ayaa soconaya.

Maal qabeenada dharka iyo huga keena suuqyada waxay kugu qasbayaan inaad iibsato nooca ay doonayaan ama ay xiran lahaayeen amaba ay kusoo arkeen markii ay safarka ku tageen Turkiga iyo Taiwan lagaba yaabe inay ka helaan qaabka uu u labisto Muhanad ama Michel Obama micne wayn adigu kuma fadhidid dhaqankaaguna maahan dhaqan la socon kara xadaaradda ku dhisan dharka akhlaaq iyo asluub midna lagama fikirine waxaa loo xusul duubayaa waa in la helo dhawr kun oo Doolar maalin ama dhawr .

Xukuumaddu waxay isku dayaysaa inay wax walba ayadu go’aamiso laakiin Xukuumada ayada laf ahaanteeda ayaan isla gaari Karin go’aan isdoortayaasha isdoortay ee ku bohoobay magaca xukuumada Somalia isma jecla inta aan la gaarin shacabakii dooran lahaa haddii ay is sharixi lahaayeen, waxaa u sahlaya inay is magacaabaan dadka Somalia ugu arxanka daran xishoodkii ayaa laga tagay ceebtii ayaa lagu faanay balaayoo dhan ayaa dhacday

Adiga iyo anigaba ma naqaano sidii aan u dhaqmi lahayn !! ama aan u noolaan lahayn ! hadalkeenu ma gaaro dhagaha Odayaasha noo taliya codkeenu wali ma uusan qaan gaarin oo xaq uma lihin inaan wax doorano maxaa yeelay aniga iyo adigaba dharka ayaa naloo galiyaa qaar dariskeena ahna waaba laga siibaa .
Hadaba sideen uga sheekaynaa wariyayaasha iyo warbaahinta ayagoon waxba haysan Aqoon Aragti iyo Madax Banaani Dhaqaale ? Sideebay Saxaafadu Bulshada ugu adeegi kartaa ayadoo aysan jirin Kalsooni dhextaalla iyada dhexdeeda ? Saxaafad dugsi dhexe ku jirta oo hadana baratanka dhinac qaldan ka soo gashay maxay soo kordhin kartaa ? saxaafad xabsi Qoriga ninka haysta ugu jirta iyo caadifad qabiil ? Saxaafad laga dilay laga dheereeyay intii iskool inay galaan nasiibka u yeelatay ?

Xagee ka heli karaa Muwaadinku Wuxuu uga baahnaan karo suuqa iyadoo la qadarinayo baahidiisa ? markuu ganacsaduhu kuu arko inaad tahay Sibraar ama Qariirad lacag ka buuxdo in lagala baxana ay tahay ama aad ula mid tahay Sac caana laga maalo soo murigo iyo ciil maahan soo maradu kugu gubatay maaha ?

Waxaa habboon inaysan saxaafaddu ku mashquulin oo kaliya Jah-wareerka Siyaasadeed ee ku dhacay somalida iyo wararka rasmiga ah , waa inay noqon karto qayb ka mid ah iskoolada wax laga barto , arimaha bulshada caafimaad tacliin iyo daryeelka bulshada waa inay noqdaan arimahaas kuwo meel wanaagsan kaga jira warbaahinta somalida, soo ma fiicna inay bulshada usoo badhigto dhib iyo dheef cidda keeni karta haddii ay bulshada hor imaadaan soo ma wanaagsana inay na barto saxaafadeenu inaan leenahay wax la yiraahdo cod oo aan wax dooran karno si aan dhibaatadan iska sii kordhaysa aan uga gudubno anagoo fiirinayna yaa fiican ee yuu yahay aanan dhihin ?

Sidee u dhaqmi doonaa jiilkaan ku caqliyaysatay xabad iyo xaaraan dagaal iyo dhac dil iyo kufsi ,xageen u marnaa jidka sidii aan u noqon lahayn dad la mid ah dadka adduunka ku nool karaamo barkeed xittaa .

Xoriyadda safaaxaddu waxaa loola jeedaa Bulsho xor ah oo aragti leh , markii la waayo cid difaacdana marna macquul ma noqonayso inaan ka sheekayno arigti iyo xoriyad waxaad doonaysid iyo waxaadan doonayn intuba waxay magan u yihiin xorriyada .

Xorriyaddu maahan inaad gashan kartid sarwaal iyo funaanad timahana qaawin kartid ama aad faruuryaha riinji guduudan marisid , maahan xoriyaddu inaad jeegada soo xiiratid dhagana biro gashatid sigaarkana dhuuqdid wax kalana aad samayn kartid ?

Xorriyaddu waa akhlaaq waa inaad dhaqankaaga haysan kartid ku dhaqmi kartid diintaada dadku inay kaa haybad sadaan kaana nabad galaan waa inaad la xisaabtami kartid madaxdaada waa inaad runta sheegi kartid beentana iska ilaalin kartid waa inaadan u dhaga nuglaan kuwa ku neceb waa inaad lahaan kartid hadal ama Oraah ,

Xorriyaddu maahan inaad biyo iyo baad waxaad leedahay adigoo ka ooman kana baahan aad dad qadeeyay casho uga dhigtid

Ugu danbayn madaxdeenu xagay noo wadaan maxayse naga damceen miyasan ogayn inuu jiro maalin la waydiin doono qof kasta oo ku dhintay Somalia ? miyaysan ogayn in qofkasta oo Somali ah xaq darana lagu dilo ilaahay ka caroonayo ? waxaan ka hadlayaa madaxda Somali oo dhan isu dooray ee aysan dooran Koonfur Woqooyi Galbeed iyo Bari intuba miyaysan ogayn in xisaabta Nicola sercozy iyo Ayman al Dawaahiri ay ka wayn tahay kana danbayn doonto Tan ilaahay. Ilaahoow waxaad nagu rogtay gali wiilashaas nalagu saliday Ilaahoow waxaad nagu ganbiday, gali odayadaas na iibsaday Ilaahoow waxaad nagu ganbiday, gali maangaabka na dillaalaya .

Anqaastii Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.