Home » Gabay »

Duullaamadii Bari – Gabay Waddani ah | Stanza

Hindisaaga: Abwaan Axmed Furre Aadan-garaar (1900 – 1970)
Magaca Gabayga: Duullaamadii Bari
Habeentiriska: 1935 – qiyaas ahaan.

F.G: Waxaan gabaygan qiimaha badan ee taariikhiga ah ka qoray Cabdi Axmed muxumed (Cabdi Joqor) 21/9/2009. Sida aan ka wariyey odayga aan gabayga ka qoray oo ii sheegay inuu gabaygu intan ka dheeraa balse uu meerisyadan ka xusuusta, wuxuu hindisaagu gabaygan digashada ah ugu dardaarwariyey daliskii Abyssinia markii Talyaaniga ka taagroonaaday. Ka sokow afmaalnimada xeelka-dheere ee Allaha u naxariistee Axmed Furre, wuxuu gabaygan marag u yahay colaadda guunka ah ee Soomaalida iyo Itoobiyaanka dhaxtaalla qota-dheerideeda. Wuxuu Cabdi Joqor oo ay abwaanka isku qoys yihiin ii xaqiijiyey in Axmed Furre ay Itoobiya ku ridday 5 sanoo xadhig ah gabaygan dartii. Wuxuu odaygu qirayaa iney jiraan gabayo kan la mid ah amaba ka miisaan culus oo Furre tirshay balse lumay sababtoo ah buu yidh, “Wuxuu ka dhashay beesha Gabooye ee la quursada”, waa siduu hadalka u dhigaye. Sidey doontaba ha ahaatee, waxaa waajib naga saaran yahay inaan ururinna suugaanta sooyaalka ku suntan ee Soomaaliyeed. Akhristow haddaad is-oran laheyd Stanza muxuu abwaanka u buunbuuninayaa ma isku heyb baa, waa may ee Stanza waa nin Ogaadeen ah balse aaminsan in halyey kastoo Soomaaliyeed qiimihiisa lagu qaddariya quursigana lala dagaallama, qarankana la mideeya. Buunbuunnina ma ahan ee gabaygu waa birimo.

Duullaamadii Bari Amxaar, duuban baa u kacaye
Nin-waliba dareys gaaban iyo, dab iyo soodh qaadye
Dixda Qarandi dawyada Nugaal, hilada daaceeda
Daabiyadaha waa kii ka simay, dagalka ciideede
Iney waliba sii duruksadaanna, wey damacsanaayeene
Dalmacaani iyo sheekhyadaa, Dooy ka soo rogaye.

Dunji geesh ah duul wada cad iyo, gaalo diricleeya
Iyo Kaaro duudduu galaba, dulundulceynaayo
Burmo danab la moodiyo garneyl, layska dabadaayey
Intaasaa diyaar looga dhigay, duhur-dharaareede
Waa kaa Amxaarkii dawakhay, danafta waallaaye.

Waa doogganoo kale raggii, daatay Xananleeye
Darabtooda haadkii cuneey, dacarti haaysaaye
Duufaanka dhacayuu Hamdana, dibad u hoydaaye
Waa kaa Natiile u dibjiray, diilalyiyo roobe
Laye daanyihii baa Jigjiga, loo dawariyaaye
Hadduu Durane dacawgii ku ciyey, waan ku diirsadaye
Doofaarka doofaarku dhalay, dawlad ma aheyne
Dixiri bey ahaayeen ku jira, dooxya caana lehe.

Daartuu alkumay buu is-yidhi, daakhilka u dhaafe
Dacwad lagama qaadine naftuu, dacatinaayaaye
Dahabkiyo quruushtii markii, Daarad lagu soormay
Wallee labada daan iyo gacmaha, siima kala daayo.

Sidii weylo deyr hore dhashoo, diririq naafeeyey
Waa kaad ku wada dooxanteen, dulici dheeraaye
Dug intaan idhaahdaan hurdada, daa’in ku ahaane
Darintiyo barkimadaa I sii, lay dakana-reebye.

Ururintii Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa’uud (Stanza).
ayaandhalad5@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.