Home » Sports »

Ururinta Kayd Taariikheedka Garsoorayaasha Cayaaraha Soomaaliyeed oo la bilaabey

Ururinta Kayd Taariikheedka Garsoorayaasha Cayaaraha Soomaaliyeed oo la bilaabey

Waxaa la bilaabay ururinta keydTaariikheedka Garsoorka cayaaraha kala duwan ee Soomaaliyeed, iyadoo ilaa iyo hada ku dhawaad 5 Garsoore ay soo gudbiyeen warbixino taariikhdooda ka hadlaya iyo sawirro,sidaa daraadeed dhamaan garsoorayasha cayaaraha kala duwan ee Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka gudhiisa iyo dibadiisa, kuwa shaqeeya iyo kuwii shaqada ka fariistayba waxaa lala socodsiinayaa in ay arrintaas soo da dajiyaan.

Hadaba waxaa garoorayasha meel kasta oo ay joogaanba lagu war gelinayaa in ay soo gudbiyaan warbixin ku saabsan taariikh nololeedkooda iyo sawirro si loogu diiwaan geliyo keyd taariikheedka garooska cayaaraha kala duwan ee sooamaliyeed oo hada la bilaabay in la aruuriyo.

Sida lala wada socdo waxaa caalamka daafihiisa ku kala firirsan garoorayaal Soomaaliyeed kuwo hore iyo kuwo hada shaqeeyaba waxaana bahda garsoorka Soomaaliyeed iyo ururka saxafiyiinta isboortiguba ay ku howlan yihiin sidii loo sameyn lahaa keyd taariikheed rasmi ah oo garsoorka cayaaraha kala duwan ee Soomaaliyeed ay leeyihiin, waxaana lagama maarmaan ah in la helo kuwa taariikhahoodu hada naga maqan yihiin.

Arrintan waxaa gacan weyn ka geysanaya Xasan Wiish oo ah garsoore Danish-Somaili oo heerka labaad ka soo gudbay,waxaana muhiimadu ay tahay in la helo keyd rasmi ah oo loogu soo hagaago taariikhda garsoorayaasha cayaaraha kala duwan ee Soomaaliyeed,sidaa darteed waxaa dhamaan garsoorayasha Soomaaliyeed laga codsanayaa in ay soo gudbiyaan taariikkhdooda iyo sawiradooda.

Waa markii ugu horeysay ee taariikhda inta la ogyahay la bilaabo ururinta keyd taariikheedka garsoorayaasha cayaaraha kala duwan ee Soomaaiyeed oo dhawaana loo sameeyay website u gaar ah.www.somalireferee.com

Hadaba garsoorihii qoraal iyo sawirro soo diraya waxaa uu ku soo hagaajin karaa cinwaanadan :

somalireferee@hotmail.com

somalisportspress1@hotmail.com

iyo agodah@hotmail.com

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.