Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo Booqasho ku aaday Boqortooyada Sucuudiga – Sept 21

Warsaxaafadeed
Isniin September 21, 2009

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku aaday Boqortooyada Sucuudiga

Villa Somalia- Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa saakay u anbabaxay Dalka Sucuudiga ka dib markii uu ka helay martiqaad Walaalkiis Boqor Cabdulaahi Bin Cabdul Casiis (Boqorka Boqortooyada Sucuudiga).

Madaxweynuhu inta uu Sucuudiga ku sugan yahay waxaa uu ka qeybgalayaa furitaanka Jaamacad caalami ah oo la yiraa “Jaamacada Boqor Cabdalla ee Sayniska iyo Tiknooloojiyada” oo looga faaidyen doono dadka sucuudiga iyo dalalka saaxiibka la ah sida soomaaliya in ardaydoodu ay tacliinta sare ku qaataan.

Wafdiga Madaxweyaha waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Cabdi Gaandi. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay, Wasiirka arimaha Gudaha Mudane Sheekh C.qaadir Cali Cumar iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Mudane Maxamed C.laahi Oomaar.

Dalka Sucuudigu waxaa uu ka mid yahay dalalka ay soomaaliya xiriirka soo jireen ah ay leeyihiin, waxaana ay booqashadaan sii xoojineysaa xiriirka soke ee ka dhaxeeya labada hogaamiye, labada shacab iyo labada dalba.

Madaxweynuhu ka hor intii aanu dhoofin waxaa uu soo booqday xarunta Ciidamada AMISOM, isagoo halkaa kula kulmay Saraakiisha ugu sarsareeysa, soona indha indheeyay goobihii uu qaraxu ka dhacay(17-09-2009).

Madaxweynuhu waxaa uu kulan la qaatay hogaanka sare ee ciidamada AMISOM, waxaana uu ka dhageeystay faahfaahin dheeri ah, dhibaatadii gaartay, ciidamada AMISOM. Hogaanka sare ee AMISOM ayaa Madaxweynaha intuu kulanka uu socday ku wargeliyay in dhibaatadii soo gaartay aysan wax u dhibin ayna sii labalaabayaan adeega ay u ahayaan ummada soomaaliyeed.

Gabagabadii kulankaas ayaa Madaxweynuhu uga tacsiyeeyay geeridii iyo dhibaatadii soo gaartay Ciidamada AMISOM, isagoo u sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan hilmaami doonin sida ay u garabistaageen in dalkeena dowladnimadu ka hano qaado.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu kulan gaaban la qaatay sarkiil ka tirsan Qaramada midoobay.

Booqashada Suucuudiga ka dib Madaxweynahu wuxuu usii anbabaxi doonaa Dalka Maraykanka si uu ugu qeyb galo kulan madaxeedka Qaramada midoobay.

Dhamaad

C/qaadir Maxamed Cusmaan(Barnamij)
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya

================================
NB: wixii faahfaahin dheeri ah fadlan la soo xiriir:-
Telephone: 002521237314 -002525941071
Mobile: 0025250767575
Mobile: 0025215460417
Email: presidentialpress1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Madaxweynaha DFKMG oo Booqasho ku aaday Boqortooyada Sucuudiga – Sept 21 "

  1. Maxamed Soomaali says:

    Mr farxaan Shariifka waagii maxkamadaha uu madaxda u ahaa asagoon wax ilaalo ah la socon ayuu Muqdishu meeshuu doono mari jiray ma is waydiisay sababta ku kaliftay inuu baabuurta gaashaman ku dhuunto shacabkna laayo jawaabteeda anaa kuu haya Shariifka wuxuu qandaraaska kala wareegay Mr C/laahi Yusuf. Shacabka Soomaaliyeed uma baahna dowlad madaafiic ku xasuuqda taa dowlad la’aan ayaa dhaanta.

  2. Farxaan Cali Jimcaale says:

    Jawaab walaal shiikh shariif baad eedeeyneeysaa ma xum qof aab eed lahayn majiro liikiin ma isweydiisay wax dhaama ee aad ku badalatid mahaysaaa???
    Hadaadan hayn laba dhib kii yar baa la qaataaa???

  3. Maxamed Soomaali says:

    Sheekh Shariif amisom tacsi waa u diray ma xuma waa wax aan fahmi karno. su’aal shacabka Soomaaliyed ee aan waxba galabsan ee madaafiicda lagu laayey tacsi ma u diray Shariifka mise shacabka wax qiimo ah uguma fadhiyaan.