Home » Sports »

Ciyaar Xiisabadan oo Garoonka kubada Cagta ku dhexmartay Naadiyada Dowlada Hoose Ee Degmada Bosaso iyo Kooxda kubada cagta ee Telecom Puntland.

Ciyaar Xiisabadan oo Garoonka kubada Cagta ku dhexmartay Naadiyada Dowlada Hoose Ee Degmada Bosaso iyo Kooxda kubada cagta ee Telecom Puntland.

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah

Ciyaartan ku dhexmartay 2naadi ee Dowlada Hoose iyo Shirkada Telecom Puntland Garoonka kubada cagta ee Magaalada Bosaso ayaa ahayd ciyaar qayb kaah Ciyaarihii koobka kubada cagta ee Naadiyada Degaanada Gobolka Bari ay isku reebreebayeen,Waxaana NaadiyadanTelecom iyo Dowlada hoose ay ahayeen Simifinaalkii ciyaarta iyadoo ay Ciyaaruna kulalayd ayaa Xili afurkii ah waxaa loo dhigay Rikoorayaal ay 1 Gool ku keensatay Kooxda Dowalda hoose ee Degmada Bosaso islamarkaasina kooxka sidaas ku hananays inkastoo 1ciyaar ay u dhimantahayweli.

Ciyaarhan ka soconayey Magaalada Bosaso Ee Xarunta G/Bari ayaa ahaa Ciyaaro si wayn xiiso u lahaa Mudadii lugu jirey Bisha Ramdaan oo Naadiyo culculus oo hore uga mid ahaa Qaranka somaliya ee Xidigaha Kooxa Puntland ay Xitaa ku hadheen sida kooxda C/laahi Shiikh Xalwo kismaayo X447 oo ka mid ahaa Naadiyadii goor horeba la diray,Saxan iyo buuq ayaa laga dareemayey Garoonka kubada cagta ee Magaalada Bosaso Mudadii ayciyaarahani soconayeen iyadoo ay aad xiiso u lahayeen.

Ciyaartii ugu xiisaha badnayn ee Jilbaha laysu aasay ayaa waxa ay ahayd midii dhexmartay Naadiyada Dowalda Hoose ee Degmada Bosaso iyo kooxda Shirkada Isgaadhsiinta ee Telecom Puntland,Naadiyadan oo qaar kood hadheen badiba halka qaar kale ay keensadeen Kaalimo iyo dhibco macquul ah ayaa waxay kalaahayeen.
Group A
Kooxda Horseed
Kooxda Daljir
Kooxda Wasaarada Maaliyada Nuur xaaji Gudoomiyaha Xiriirka kubada cagta
Kooxda Telecom
Kooxda Dekedaha
Group B
Kooxda dowlada Hoose ee Degmada Bosaso
Kooxda Dowlada Hoose ee Degmada Carmo
Kooxda X447
Simiifanal waxaa u soo baxay oo ay ka soo bexeen Group A Dekedaha iyo Telecom
Group P Dolwada hoose ee Bosaso iyo Dowlada Hoose ee Carmo
Tariikhdu Markay ahayd 17/09/09 Dekedaha VS Dowlada Hoose Carmo -4-5 oo rikoorayaal ah ayaa waxaa ku badisay Dowlada hoose Carmo
Tariikh Markay ahayd 18/09/09 Dowlada Hoose VS Telecom -4-3 Dowlada hoose ee Bosaso ayaa waxay ku badisay Rikoorayaal

Maanta oo ay bishu tahay 20ka bisha oo ku beegan Maanta oo ciid ah waxaa wada ciyaaraya oo isugu soo haray Finalka Dowlada Hoose ee Bosaso VS Dowlada Hoose ee Carmo cayaartaas wixii Natiijo ah oo ka soo baxa iyo sida ay ugu kala guulaystaan koobkii ramadaanka caawa ayaan idiin soo Gudbin donaa Hadii alle idmo.

Gudoomiyaha Isboortoga Gobolka Bari Mustafe C/raxmaan (Majacase) ayaa Mahad balaadhan usoo jeediyey Shirkada isgaadhsiinta teleefonada ee Telecom Puntland Bosaso oo ah shirkada bixinaysa abaalmarinta koobka Ramadaanta ee ka koobnaa kooxa heerka 1aad iyo Heerka 2aad waana shirkada keliya ee ahmiyada siisa arimaha isboortiga waxbadana u qabatay ,Waxaana rajaynaynaa inay shirkadaha kalena ku dayan donaan waxa wanaagsan ee ay samaysay Shirkada Telecom,Sidoo kale Gudmooyiha Isboortiga kubada cagta ayaa Mahadcelin u soo jeediyey Gudiyadii garsoorka sida ay howshooda u guteen iyo Ciidanka SPU oo iyaguna nagala shaqaynayey Dhinaca Amaanka iyo xasiloonida Garoonka kubada cagta Mudadii ay tartanadani socdeen.

Waxaa kaloo uu Noo sheegay Gudoomiyuhu inay kooxa heerka 2aad ay ka koobnayeen 8koxood waxaana Final isugu soo haray Kooxda Halgan VS Laasqoray Tona Fish Ciyaartaas oo ka dhacaysa STeriom Bosaso 22/09/09 tartankaasna abaalmarintiisa waxaa bixinaysa Shirkada isgaadhsiinta taleefonada ee Telecom Puntland Bosaso,Inasha Allah taasna wixii Natiijo ka soo baxa waan idiin soo gudbin donaa.
Sidoo kale Gudoomiyaha isboortigu waxa uu sheegay inay shirkada Telefonada ee Tolecom Puntland Bosaso ay bixisay qalabka Garsoorka iyo kubadaha tartanku ku socdey.

Maxamed Axmed Ciise
Bosaso-Puntland Somaliya
geedi7@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.