Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya oo Salaadii Ciida Tujiyay Madaxda qaranka iyo Dadweyne kale

Warsaxaafadeed
AXAD20-09-2009
Madaxweynaha Soomaaliya oo Salaadii Ciida Tujiyay Madaxda qaranka iyo Dadweyne kale

DAAWO: Sawirada Halkan ka daawo…

Villa Somalia- Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa Salaadii Ciida ku tujiyay una soo jeediyay khubadii Ciida Madaxda Sare ee qaranka, xildhibaano, qaar ka mida saraakiisha iyo Ciidamada AMISOM ee Muslmika ah iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha waxaa salaada ciida kala soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C.rashiid Sharmarke, Gudooyimaha Baarlamaanka Mudane Sheekh Aadam Maxamed Nuur, Wasiiro, Xildhibaano, Howlwadeenada dowlada iyo Dadweyne kalaba.

Madaxweynaha Khudbadii Ciida waxaa uu ku soo qaatay fadliga maalinta ciida, iyo fadliga soomka , qiimaha ay leedahay nabada.

Madaxweynuhu wuxuu ku booriyay Muslimiintii dhagaysanaysay khudbadiisa ciida in ay u cibaadeystaan ramadaanka ka dib sidii ramadaanka oo kale oo aysan is dhigan oo ay soomaan 6 maalin oo bishan Shawal ah.
Madaxweynaha oo ka hadlayay xaalada dalku uu marayo waxaa uu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed ineey is cafiyaan, hilmaamaan dhibaatooyinka, qof walbana ka dhowrsado oo uu iska ilaaliyo dhiiga walaalkiisa muslimka ah.

Gabagabadii Khudbada Madaxweynuhu wuxuu u duceeyay Muslimka guud ahaan gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed in eebbbe dhibaatada ka dul qaado, abaarahana nimco iyo aaran ugu badal, quluubtoodana isku soo dumo, khilaafka iyo fidnada ka dul qaado, wuxuuna u dardaarmey cabsida ALLE.

ciiid1

Madaxweynaha oo Khubdeeyanaya

Salaadii ka dib Madaxweynuhu wuxuu hanbalyada ciida ka gudoomay Raiiisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka Wasiirada, Xildhibaanada, Howl wadeenada dowlada, Madaxda Sar sare ee ciidamada qalabka sida, iyo dadweynihii salaada ka soo qeyb galay qaarkood.

ciiid2
Madaxweynaha Rasiisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Barlamaanka, iyo 2 Raiisul Wasaare ku xigeen

Waxaa xusuus mudan waa markii ugu horeeysay oo uu madaxweyne soomaaliyeed khudbadii ciida isagu aqriyo, salaadana tujiyo, waxaa kaloo xiiso badneyd Ciidamada AMISOM oo ku garab tukanaya walaalahooda muslmika ah oo ay u yimaadeen ineey kaalmeeyaan iyo salaadii ka dib marxabeynta iyo isgacanqaadka ka dhaxeeyay Soomaalida iyo Ciidamada AMISOM.

Dhamaad

C/qaadir Maxamed Cusmaan(Barnamij)
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya
================================
NB: wixii faahfaahin dheeri ah fadlan la soo xiriir:-
Telephone: 002521237314 -002525941071
Mobile: 0025250767575
Mobile: 0025215460417
Email: presidentialpress1@gmail.com


Madaxweynaha oo maanta Tujiyay boqolaal ruux oo isugu jiray, Wasiiro, xildhibaano, iyo marti sharaf kale

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa maanta tujiyay boqolaal ruux oo uu ka mid ahaa R/wasaaraha, guddoomiyaha Baarlamaanka, xubno ka tirsan inta badan xubnah golaha Wasiirada, xidlhibaano, askar ka tirsan kuwa Yugandha, haween iyo weliba marti sharaf kale kuwaasoo saak salaada Ciida Soonfureed (Ciidul Tifri) ku oogay gudaha xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa dadka tujiyay xilligii salaada, waxaana kadib halkaasi uu madaxweyne Sheekh Shariif ka jeediyay khudbo Carabi aheyd taasoo uu kaga hadlay arrimo ku aadan fadliga iyo maqaamka bisha barakeysan ee Ramadaanka oo ummadaha Islaamku ay maanta macsalaameeyeen.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo qaatay aayado fara badan oo Qur’aanka iyo axaadiith ku aadan muhiimada maalintan Ciidul Fitriga, wuxuuna shacabka xusuusiyay in maanta oo kale ay tahay maalinta xafiska.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa xusay in Diinta Islaamku ay tahay nabad iyo horumar, dadka qaarkiise ay u dhigeen si khalad ah uguna adeegsgadeen Islaamka intiisa kale.

Sidoo kalel, madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dadkii halkaasi ku oogay Salaada in lixda maalin ee Wadaca ee ka dambeysa Ramadaanku ay muhiimad gaar ah ka leedahay Alle agtiisa, isla markaana lagu taamiyeelayo wixii khaladaad ahaa ee Ramadaanka ka galay qofka Islaamka ah, isla markaana lagu daahir yeelayo 29-kii maalin ee la soo Soomay.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa ugu duceeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in Ciidan Ciideeda ay ku gaaraan Nabad, horumar, iyo barwaaqo wuxuuna ugu baaqay inay Alle u towbad keenaan ayna is cafiyaan gacmahana is qabsadaan.

Garaad Salaad Xirsi
Email: garaadcadde@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.