Home » Maqaallo »

SHEEKH SHARIIF: Ma Halyay badbaado baa mise Aalad loo adeegsanayo Burburka Soomaaliyeed | Aw-Osman

SHEEKH SHARIIF:  Ma Halyay badbaado baa mise Aalad loo adeegsanayo Burburka Soomaaliyeed.

AFEEF:

Waxaan in badan oo wakhtigayga ah u huray taageerista iyo kor u qaadista Haykal kasta oo dowladeed, aragtidaydaas ama mowqifkaygaas oo aan had iyo goor bud-dhig uga dhigayay “in dowlad xumi ay dowlad làaan dhaanto”.  Hadaba taas micnaheedu maaha in aan indho laàan ku raacno hogaamiye kasta balse waxaa lagama maarmaan ah in loo nasteexeeyo oo looga digo hadimo kasta oo isaga iyo inta uu hormuudka u yahay u horseedi kara ku dhicis hogg aan laga soo kaban. (kasoo qaad inaad safar ku jirto bas aad saaran tahay, darawalkii hurdooday ama si aan ula kac ahayd wadadii uga baxay idinkoo buur aad u dheer ka soo dagaya, ma aamusi lahayd mise waad qaylin lahayd adigoo u digaya darawalka adigoo hadafkagu yahay inaad badbaadisho dhamaan rakaabta kaaran gaadhiga).   Sidoo kale maaha hadii qof uu hanaanka maamul iyo maarayn ee hogaamiye wax ka sheego inuu wax ka sheegay shakhsiyada Hoyaamiyaha ama Qoyska uu asal ahaan ka soo jeedo oo u dhashay.  Balse Shariif kaaba qabiil maahee waa madaxweyne Soomaaliyeed.

Anoo hadaba tibaaxaya aaraartaas aan kor ku xusan ayaan rabaa inaan wax ka taabto dhowr arimood oo ku aadan hanaanka uu wax u wado Mudane Sh.Shariif iyo cawaaqibta laga dhaxli karo hadii uusan wax ka badalin wadiiqada uu ku socdo, turxaan bixina ku samayn siyaasadihiisa iyo saaxiibadiisaba, noqona nin aan talada shacabka iyo indheergaradka tixgelin.  

ARAGTIDII SHACABKA EE KU AADANAYD SH.SHARIIF:

Shacab Soomaliyeed oo badan ayaa kolkii Maxkamadaha Muqdisho soo ifbaxeen arkeena hogaamiye dhalinyar oo hadal macaan ayna ka muuqado naxariis iyo dibicsanaan ayaa waxay is tuseen inuu Sh.Shariif noqon karo halyay badbaadin kara Soomaaliya, midayn karan Shacabka isnacay oo isbaaradu kala dhextaan, nabad iyo midnimana u horseedi kara Soomaaliya.

Aragtidaas waxay ahayd mid ay dadbadani qabeen waase intii uusan qaban jagada Madaxweynenimo.   Dib ugu laaban maayo sida uu jagadda madaxweynenimo ku qabtay cida maalgelisay iyo ulajeedooyinka laga lahaa, balse waxaan hoos ku falanqayn doonaa oo qudha in riyadii shacabka ee ku aadanayd Shariifka rumowday iyo inay shacabku laf toobin ku hayeen.

SHARIIFKA IYO SIDUU UGA BAXSADAY WEERARADII XABASHIDA:

Shariifka wuxuu ka mid ahaa dufcadihii ugu horeeyay ee ka baxsaday saaxada dagaalka u dhexeeyay Maxkamadihii Muqdisho iyo TFG iyo Itoobiya.  Waxaa lagu qabtay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya dabadeedna warkii xigay wuxuu ahaa isagoo kulan qarsoodi ah balse ay saxaafada Soomaalidu soo bandhigtay la yeeshay Safiirka iyo Saraakiil kale ee Maraykan ah, talaabadaas tii xigtay waxay ahayd isagoo Hotel 5 Star ah ka jiifa Nairobi.  Meesha saaxiibadisii kale ay ukala qaybsameen mid dagaalka lagu dilo, kumo Kenyaatigu u gudbiyan Xabsiyada kaaraamarka ee Itoobiya iyo qaar ku dhintay weerarkii diyaaradaha Maraykanka, meesha in kaloo badana ay duurjoog u noqdeen iyagoo wacad ku maray inay Itoobiyaanka dalka ka soori doonaan.

SHIRKII JABUUTI IYO DOORASHADII SHARIIFKA:

Doorashadan siday ku dhacday iyo siduu Shariifku uga soo baxsaday Asmara waxaan filayaa inaysan sheeko badan inooga baaahnayn, balse waxaa xusid mudan sadex qodob oo kala ah:

  1. Soomaalidu waxay tiraahda ushaada nimaad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa, sidaa awgeed Hassan Daahir oo islahaa hogaanka mucaaradka u sii dhiibo Shariifka dabadeedna hadhow ka fara moriiji ayaa Shariifku farasyoonka uga booday Xassan Daahir, shariifkuna isagoo magacii hogaanka mucaadarka isticmaalayna ayuu iska xaadirshay madasha shirka Jabuuti (hadimada jabuuti ee ku aadan Soomaaliya, cida shariifka soo xarigelisay iyo dadka lagu heshiisiinayay jabuuti waa arimo aan maqaalkaan lagu soo koobi Karin balse qofkastoo indheergarad ahi uu beerka ka ogsoon yahay)
  1. Nuur Cadde oo aha aaladii lagu burburshay TFG, haystayna balan qaad ah inuu noqon doono Madaxweynaha Mustaqbalka , ilaa 3 Malyan oo doolarkan kaga baxday doorashada ayaa heshiis hoosaad la galan Shariiifka kaas oo ahaa in uusan shariifku is sharixin labada sanno ee ka dhiman maamulkii TFG-na loo daayo Nuur Cadde , Shariifku wuu ku wacad furay isaga ayana is sharaxay
  1. Kadib markii Shariifka la siiyay 50% unuu xubnaha Baarlamaanka gacantiisa ku soo qorto ayay soo shaac baxday ulajeedaha laga lahaa shariifka iyo sida loogu salaxay ama loogu fududeeyay qabashada jagada Madaxweynenimo. (qofkasta wuu dareemi karaa in xataa habar iisho dhalin kartay rigoorahaas loo salaxay goolka aan boortiyeeriga lahayn, difoosayaasha badana u sacaba tumayeen)

DOORASHADII KADIB:

Waxaa dad badan oo indha indheeya siyaasada Soomaliya iyo intii taageersanayd Shariifkaba lafilanwaa iyo fajaciso ku noqotay kolkii uu shariifku talaabadii ugu horaysay oo uu qaaado noqotay inuu tago Itoobiya isagoo qoslaya oo la fadhiya Zanaawina lagu soo sawiray saxaafada Caalamka. 

Isla kulankaas ayaa Zanawi wuxuu shaaca ka qaaday inay saaxiib yihiin Shariifka, kolkay saaxiibeen iyo xiriirka labada masùul inta uu qoto leègyahay intaba Eebe un baa garan karan.  Balse waxaa hubaal ah in safarkaas, qosolkii iyo dhoolo cadaytii iyo saaxiibtinimda laba oday intuba inay dhawac sumcadeed iyo siyaasadeedba u gaysatay Shariifka, sawir iyo sife aan hore shacabku u ogayna ka soo ifbaxday Sheekh Shariif.

  Farqiga maamulka Shariifka iyo maamulkii ka horeeyay:

Maxkamadihii Muqdisho qodobada halbowlaha u ahaa la dagaalankoodii ku jihaysnaa TFG uu hogaanka u hayay Col. Cabdulaahi Yusuf waxay ahayd sidan:

  1. In uu dalka soo geliyay Amxaaro
  2. In dalka shisheeye ugu yeerayay isagoo ku andaconayay inay  Al-Qaacida Joogto Soomaaliya
  3. Iyo inuu dalka keenay ciidamo shisheeye sida Ciidamada Afrikaanka ah

Hadaba tan iyo intii uu Shariifku xilka qabtay maxaa iska badelay arimahaas kor ku xusan, maxayse tahay mowqifkiisa ku aadan sadexdaas arimood:

  1. Aadan Madoobe oo ah raìisul baarlamaanka iyo wasiiro badan oo ka mid ah dowlada shariifka ayaa ku dhawaaqay kana codsaday inay Itoobiya iyo dhamaan dalalka dariska ahi ku soo galaan gudaha Soomaaliya 24 Saacadood Gudahood, (meesha xiligii TFG ay baarlamaanka uu hormuudka u ahaa Shariif Xariif ay ugu codeeyeen cod aqlabiyad ah qaateena goàan ay ku codsanayaan in dalalka deriska ah oo ay ku jirto Itoobiya soo galaan Soomaaliya).
  2. Shariifka iyo Dowladiisu waxay kusoo celceliyaan in ay dalka joogto Al-Qaacida, sidaa awgeed taageero lala soo gaaro si ay ula dagaalanto, inagoo og in kolkii uu mucaaradka ahaa inkiri jiray arintaas iyada ah
  3. Mowqifka dowlada Shariifku waa in Ciidamada Afrikaanka ah ay dalka sii joogaan.

DIB U HESHIISIIN: 

Iskadaa in hogaanka Shariifku mideeyo dibna u heshiisiiyo kooxaha kala duwan ee isku haya siyaasada Soomaaliyee waxuu maamulkiisu horseed u noqday in xaafadihii waqooyiga Muqdisho eee nabada ahaa gaar ahaan xaafadihii ay deganaayeen dadka ay isku haybta yihiin laga qaxo qax aan hore loogu arag xaafadaas.  Sidoo kale in ay dadkii hore uga qaxay ceelasha Biyaha iyo Lafoole sii labad jibaarmeen, iska daa inay Muqdisho dib ugu laabtaane.   Sidoo kale is ka daa in maamul Shariifku ku sii fido gobaladda kala duwane ee dalkee waxaa abuurmay kalsoonidaro iyo cabsi gobolada qaar ku khasabtay inay isku dhiibaan Al-Shabaab , meesha gobaladii kalena ay ka qabsadeen mucaaradku sida sida Hiiraan, Bay iyo Bakool, Gedo, iyo Sh.Dhexe.  Taas waxaa sii dheer khilaafka iyo kalsooni darada maamulka Shariifka iyo Puntland, arimahaas oo loo aanaynayo saaxiibada ku wareegsan shariifka, hadii khilaafkaasi sii socdona waxaa hubaal noqonaysa in Maamulka shariifku ku soo koobmi doono Villa Somalia oo qudha.

SHARIIF XARIIF, DULAAL Dr. IBBI iyo GENERAL INDHA CADDE:

Waxaa cajiib ah markaad eegto xulafada ku wareegsan Shariifka , lataliyayashiisa gaarka , rafiiqyada sirta iyo talawadaaga la ah Sh.Shariif, kuwaas oo ilaalo gaar ah ka haya Shariifka dhagihiisana u diidan inay maqlaan wax aan ka ahayn xikaayaadkooda iyo qusacbalaadka ka macaan malabka.

Sawirkaad Waxaad ka aragtaa awooda Dowlada oo ah:  Madaxweyne Shariif, Raiisal Wasaare Sharmaarke iyo madaxa Raìisal Baarlamaanka Aadan Madoobe.  Hadaba suàashu waa ragma labada nin e kale:  Yaa kale hee!!!, waa labadii Macalin, lamaanayaashii far iyo faraanti, labada aan ka faaruqin xafiiska iyo aqalka Maraxweynaha waa Shariif Xariif iyo Dulaalka Weyn Dr. Ibbi.  Sawirkan waxaa la soo qaaday maanta oo taariikhdu tahay 20 September 2009.

SHARIIF XARIIF/SAKIIN:

Waxaa dad badan aaminsanyihiin in intii uu shariifku ahaa mucaaradka in maalgelin badan uu ka helay Shariif Xariif oo ah khabiir ku takhasusay , jilaafada, xulafo abuurka iyo xaalufinta hantida qaranka, ganacsadi saadaalinkara meesha ku haboon maalgelin, taas oo aakhirka shilinkasta uu u dhali karo 500.

Berri ayaa waxaa laga sheegay in habar buufis qabta ku noolayd miyiga , waxay isbaaro dhigan jirtay ama istaagi jirtay wadiiqooyinka reer guuraaga, dabadeed markay aragto safar ama geedi hayaamaya ayay odhan jirtay xagaad u socotaan, markay u sheegaan ayay waxay ugu jawaabi jirtay “Kula Lug“.  Sidaa awgeed waxaa shariif xariif boosteejo u ah wadamada dariska ah sida Nairobi iyo Dubai, halkaas oo uu ka wado howlo badan , sidoo kale wuxuu goobahaasi ku sugaa hadba safarka ama waftiyada soo baxa si uu ugu lug darsado, waxaaba Saxaafada Soomaalidu ugu yeertaa Waardiyaha Madaxweyne Shariif.  fadlan eeg sawiradan Ishu iyadaa macalin ah:

Sidoo kale akhri taariikhdiisa kooban iyo waxa ay ka sheegeen Xubnaha weli damiirku ku haray ee ku jira Baarlamaanka maanta:

DR. IBBI

Waxaa shariif Xariif ka Sii daran Macalinka weyn, DR. Ibbi, wasiirkaas oo ku caan baxay Xaraashka badaha iyo badeecadaha .  hadii dowlad caadil ah oo shacabku awood leeyahay, baarlamaankuna tayo leeyihiin iska daa in Dr. Ibbi wasiir sii ahaadee, waxaa la soo taagi lahaa Maxkamad Khiyaano qaran, maxaa yeelay waa ninka ka danbeeyay fadeexadii Xuduub badeedka Kenya loo saxiixay sidoo kale dacwada qalfoof badeedka Soomaaliya ninkii qalinka ugu duugay dulaalkana ka ahaa in Norway oo u danaynaysa Kenya howsha loo xilsaaro.  Fadeexadii ugu danbaysayna waxay ahayd inuu Jabuuti u saxiixay inay la wareegto wax aysan shuqul ku lahayn taas oo ah samayn xarun la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya iyo Xarunta Tababarka Ciidanba Badda ee Soomaaliya. 

Hadaad rabto inaad dhagahaaga ku maqasho Dr. Ibbi iyo caqliyadiisa fadlan daawo fiidiyoogaan:


Ka daawo Halkan (http://www.youtube.com/watch?v=9wHsv88dre0)

Fadlan akhri maqaalkaa la magac baxay Dr Ibbi ma Dulaalbaa mise waa Masuul Dowladeed

JENERAAL INDHA-CADDE:

Wamaa adraaka Indha Cadde!!!!!   Waa ninkii dhow iyo tobanka sanadood xooga iyo xasuuqa ku hayay Shabeelada Hoose, Waa ninkii xasuuqyada ka gaystay Kismaayo, gubay Dhooblay, waa ninkii ku goodinayay inuu jowhar dhulka la simi doono, waa nin ku caan baxay gabood fal, iyo hadba meeshay ka hilaacdo inuu u hayaan raaco.  Kadib markii ay Al-Shabaab u qoreen dil, uguna goodiyeen Xassan Daahir ama Dagaal ama inuu soo wareejiyo Indha Cadde ayuu habeen madow ka guureeyay warshada Baastada isagoo ku hoytay Xarunta Madaxtooyada , kama soo wareegin laba maalmood kolkuu isku magacaabay jagadda wasiiru dowladaha wasaarada gaashaandhiga, barigii mucaraadka uu ku jirayna wuxuu sheegtay Jeneraal.  Waxaa cajiib ah in Raìisal wasaaruhu uusan ka warqabin xilkaan, balse maadama uu Indha Cadde Jalmaday jagadda ayuu Shariiku ku yiri Mr. Sharmaarke fadlan sii waxa uu rabo.

Iska daa in Indha Cadde la geeyo xarunta dhaqan celiskee wuxuu maanta noqday afka Dowlada, nin ka afdheer Wasiirka Warfaafinta, Ka goodin badan Abaanduulaha Ciidanka.

Sidoo kale waxaa hubaal ah talaabooyinka noocaan oo kale ah inay keeni karto in xogta ciidan si fudud u gasho gacanta mucaaradka maadaama aan dhaqancelis la gayn , la hubin daacadnimadooda iyo ulajeedaha ka danbaysa isa soo dhiibkooda midna, sidaa awgeed waxaa muuqata dowlad sidii wadadii halaq mareenka maalinba mid soo galo labo casho kadibna dib ugu laabto safkii kale ee mucaaradka waxaa tusaale ugu filan ku xigihii ama gacantii midig ee Indha Cadde Sh. Cameey oo yiri waan ka toobad keenay wixii aan ku dhacay ee ahayd taageerista Shariifka iyo Dowladiisa.

GUNAANAD:

Waxaa hubaal ah in dowlada maanta jirtaa ay qarka u saaran tahay burbur, waxaa hubaal ah in Sheekh Shariif laga inkaar galabsaday oo uusan ahayn nin xilkaan diyaar u ahaa, inagoo og inuusan maalin gelinkeedna Alla ha ka dhigee uusan hore uga soo shaqayn mansab iyo haykal dowladeed, in ay ku xeeran yihiin dad aan u qalmin darajooyinka ay hayaan (Shariif Xariid, Dulaal Dr. Ibbi iyo General Indha Cadde) kuwaas oo ka hortaagan inuu arko xaqiiqada dhabta ahee dalku ku sugan yahay, kuwaas oo ku afuufa dhagaha Shariifka ruwaayado iyo sheekooyin aan sii waari doonin,  ragaas oo iska daa guul ay u soo hoyiyaane fadeexad iyo sumcad xumo dheeri ku sii ah maamulka Shariifka , maalin kasoo ay sii joogaana sabab u ah in taageero shacab iyo mid muxaafidba uu shariifku ku waayo.

Waxaa kaloo hubaal ah in rag shacabku u arkayeen mutacalimiin la soo baxay firfircooni sida Mr. OOMAAR iyo PROF. GAANDI shaqadii laga eryay meshiina ay isugu soo hareen shimbarayahow heesa, taas oo dhabar jar ku noqon karta dowlada uu hogaanka u yaho Sh.Shariif

Waxaa kaloo xaqiiq ah in hadafkii shisheeyuhu ka lahaayeen Shariifka la gaaran taas oo ahayd kala qaybinta awooda Mucaaradka, balse aad moodid in istraatiijiyadaasi ay Mucaaradkii u noqotay fursad maxaayeelay iyaga ayaa maamula Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya meesha uu Shariifkuna ku godoonsan yahay Villa Somalia.

Waxaa kale oo hubaal ah in aysan muuqan awood ciidan oo uu haysto shariifku ama caalamku keeni doono taas oo uu kaga guulaysan doono Mucaaradka mintidka ah diyaarkana u ah inay u dhintaan hadafkooda.

Hadaba inagoo tixgalinayna dhamaan qodobada kor ku xusan maxaa la gudboon Shariifka:

  1. Inuu si rajulnimo ku jirto xilka uga dego, cadeeyana inuu ku fashilmay ahdaaftii uu shacabka u balan qaaday (taas haduu ka madax adaygo ilayn xukunku waa macaanyahee)
  1. Inuu shaandheeyo maamulkiisa dad tayo, karti iyo aqoon dowladnimo lehna u magacaabo xilalka muhiimka ah, sidoo kale xilka ka eryo dhamaan dadka fartu ku godan tahay ama fadeexadaha iyo godobta ka galayn qaranimadii Soomaaliyeed
  1. In uu ruwaayada shisheeyaha ka baxo gogol Soomaaliyeedna dhigo taas oo dalka lagu qabanayo heshiisna lagu dhexdhigayo mucaaradka iyo Dowlada , isagoo la kaashanaya Culimada Ixtiraamka ku leh mushtamaca dhexdooda iyo Maamulada jira ee kaleba
  1. Inuu la soo baxo maskax furfuran , hurdaada ka kaco, dhalanteedka iyo wacadfurka shisheyahana ka waantoobo, kana xoroobo talooyinka guracan iyo isku wareejinta ragga kor ku xusan iyo kuwa la halmaala
  1. Inuu ka hadlo raaligelina ka bixiyo khaladkaadkii ay dowladiisu ka gashay shacabka Soomaaliyeed sida Fadeexada Heshiiska Badeed iyo Baayacada Jabuuti , una hogaansamo mowqifkii raganimada lahaa ee Baarlamaanku ku diiday arimahaasi
  1. Inuu ka waantoobo wadooyinkii iyo hadaladii ay ku halaagsameen kuna hungoobeen maamuladii isaga ka horeeyay , hadii kalena uu ogaado inuu jidkoodii ku danbayn doono
  1. Inuu tago, la shaqeeyo, taageerana u muujiyo gobolada aysan ka talin mucaaradku si ay dowladiisu u hesho taagerada maamuladaasi, sidoo kale dowladiisu ka waantowdo waxkasta oo dhibaato u soo jiidi kara xiriiradaas (yareeyo safarada dibada , wakhtina geliyo safarada gudaha).

Farah Aw-Osman
Awosman@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

………..

Eritrean president Isaias Afwerki’s interview with Channel 4 Television London … Watch Video here…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.