Home » Warar »

Farriinta Abuubakar as-saddiq ee Munaasabada Ciidul Fidriga sanadkan 1430 H

Farriinta Abuubakar as-saddiq ee Munaasabada Ciidul Fidriga sanadkan 1430 H

Allah ayaa mahad oo dhan iska leh oo inoo fududeeyay Soonka bisha Ramadaan iyo istaagida habeenadeeda, Allaah ha inaga aqbalo camalka suuban.

Waxaan muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan ummadda soomaaliyeed ugu bogaadineeynaa Munaasabada ciidul fitriga sannadka 1430 H
Kuna aaddan 9-20-2009 allaha ha inagu gaarsiiyo teeda kale cimri barakaysan iyo caafimaad qab.

Walaalayaal muhimadda Abubakar As-Saddique Islamic Centre (AAIC ) waxay ku soo koobmeeysaa arrimaha hoos ku qoran:

  • 1- In la ilaaliyo lana xoojiyo caqiidada toosan iyo Diinta Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan soomaalida u soo qaxay Waqooyiga Mareeykanka.
  • 2- In faca soo korayo lagu barbaariyo wadada dhexdhexaadka ah ee ay ku salaysantahay Diinta Islaamka ee aan lahayn xagjirnimo iyo gaabin midna.
  • 3- Ladagaallanka cudurka ummaddaan kala dilay, isku laayey,qixiyey,cadawgeediina u loogay oo ah qabyaaladda, laguna bedelo walaaltinimada islaamka iyo isjacaylka.
  • 4- In lagula dhaqmo ummadaha kale dhaqanka Islaamka, ficil ahaanna loo tusiyo, wanaagga Islaamka, samaaxadiisa iyo xaqdhowrkiisa ummadaha kale, looguna yeero nuurka Islaamka.
  • 5- Taakuleeynta,talasiinta, ka warqabka; waayeelka, qoysaska agoonta ku daadsan kuna dayacan qurbaha ee aan lahayn wax ka warqaba una kaalmeeya.

Waxaan dhammaan ummadda soomaaliyeed ee ku nool Minnesota iyo gobollada kale ee Maraykanka uga mahad celinaynaa taageeradii, isdhinactaggii iyo difaaciddii xaruntooda iyo culimadooda kaddib markii ay warbaahinta Islaamka neceb ku furtay buuqa kuna sheegtay in laga dhoofiyo
Dhallinyarada, taas oo caddaatay in aanay xarunta AAIC wax shaqo ah ku lahayn.

Waxaan ugu yeeraynaa walaalaha Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan gudo iyo dibadba isjeclaadaan, isu tanaasulaan khayrka isu kaalmaystaan, xumaanta meel ugasoo wadajeestaan gudo iyo dibadba.

Waxaan wadaadada xusuusineeynaa in ummadda soomaaliyeed iyaga ay u xayirantahay kana sugayso in ay kasoo baxaan kaalintii ay waligood u hayeen ummadda una horkacaan midnimo iyo walaaltinnimo, waa ineey ka digtoonaadaan in aan lagu wareejin xumaantii iyo burburkii rag kale ka geeysteen waddanka mudo ku dhow labaatan sano, taasoo ku soo noqonaysa dacwada iyo diinta Islaamka in lagu kalsoonaan waayo.

Ugu dambeeyntii waxaan Allah weeydiisaneeynaa in uu nagu hago khayrka nagana badbaadiyo sharta iyo sheeydaanka.

Ciid wanaagsan

Allaha naga aqbalo camalka suuban.
Sheekh Cabdiraxman Shekh Cumar Sh. Axmad

craxman
Sheikh C/raxmaan Sheikh Cumar oo akhrinayey khudbadii ciidul fidriga 1430

Waraysiga Sheikh C/raxmaan ee Ciidul Fidriga Dhegeyso Halkan ama soo rogo (mp3)

Halkan ka dhegeyso Khudbadii Sh. C/raxmaan Sh Cumar ee Salaaddii ciidda (Dhegeyso) ama soo rogo

Sidii looga ciidey Minneapolis & UK .. iyo Fariin Sheikh C/raxmaan u jeediyey Soomaalida

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.