Home » Warar »

Warsaxaafadeed: Safarka Madaxwaynaha ee Maraykanka iyo Shirkiisii Golaha Wasiirada

Warsaxaafadeed: Booqashada Madaxweynaha Madax ee Maraykanka

Muqidsho : Warfaafinta gudaha iyo dibadaba waxaa ku soo laablaabtay warar aan ku dhisneyn xaqiiqada oo ku saabsan Booqashada Madaxweynaha Soomaaliye Mudane Shariif Sheekh Axmed ee uu ku tagayo Maraykanka.

Waxaan warfaafinta gudaha iyo dibadaba u xaqiijineyaynaa in Madaxweynuhu ujeedada uu u aadayo Maraykanka ay tahay ka qeybgalka Shirka Qaramada midoobay oo ka dhacaya Magaalada Newyork.

Waxaan warfaafinta Dibada iyo kuwa gudabahaba u cadeeynaynaa in wararka sheegaya in madaxweynuhu ka horqudbeeynayo Congress-ka aysan ahayn xaqiiqo, sidoo kalana ay tahay war aan jirin in madaxweynuhu qado ku leeyahay Aqalka Cad ee Maraykanka.

Jadwalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Kulamada uu la qaadanayo Madaxda Maraykanka ah waxaan idiinla soo socdsiin doonaa mar danbe.

Warfaafinta gudaha iyo dibadaba waxaan ugu baaqaynaa in ay wararkooda sal ugu dhigaan run iyo xaqiiqo, kana fogaadaan mala awaalka iyo faafinta warar aan jirin.

Dhamaad

C/qaadir Maxamed Cusmaan(Barnamij)
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada

Warsaxaafadeed : Kulanka Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada

Muqdisho – Talaado: 16-09-2009: Kulan aad u xasaasi ah oo ay yeesheen golaha wasiirada oo uu horkacayay Mudane Cumar C.rashiid Sharmarke- Raiisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo talaada ah ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.
Shirka ayaa ku saabsanaa warbixin uu madaxweynihu siinayay iyo talooyin wax ku ool ah oo uu madaxweynuhu la wadaagay Golaha wasiirada.
Shirkan ayaa waxaa ugu horeeyntii lagu hordhaariyay Madaxweynaha labo wasiir Dowlo oo kale ah:-
1- Mudane C/laahi Sheekh Cali
Wasiiru dowlaha Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.
2- Mudane C/laahi Yuusuf Cigaal
Wasiiiru dowlaaha Wasaarada Dastuurka iyo Arimaha Federaalka.
Waxaana madaxweynaha ku hordhaariyay Wasiirka Cadaalada Mudane C.raxmaan Maxamed Faarax Janaqoow.

Safaradii Madaxweynaha

Dhaarintaa ka dib Madaxweynuhu wuxuu warbixin ka siiyay Golaha wasiirada Safarkii Madxweynuhu ku tagay Dalalka Qadar, Imaaraadka iyo Jabuuti, waxaana uu tilmaamay madaxweynuhu in guulo dhanka sii xoojinta xiriirka soomaaliya iyo dalalka Carabta ah laga soo gaaray iyo in laga filayo in kaalmo balaaran oo baniaadanimo la soo gaaraan dalka soomaaliya, taakuleeyaana dowlada soomaaliya.

Xilka Saaran Wasiirada

Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in golaha wasiiradu saran yahay xilweyn waxaana uu yiri isagoo arinkaa ka hadlayay “Waxaa dusha idinka saran masuuliyaad waaweyn, waxaana ugu horeyn laydinka rabaa in wasaaradihiina aad waajibka idinka saran gudataan, oo aad waxqabad la timaadaan, dhanka kale inaad dib u heshiisiinta dowr weyn ka ciyaartaan, iyo inaad shacabka u muujisaan fikradan qaldan ee dagaala lagula jiro dowlada oo ah inaan dagaalkani sidaad la socotaan uusan ahayn mid diin, iyo ineysanba jirin sabab loo dagaalamo bacdamaa dowladu ay qaadatay shareecadii islaamka”

Madaxweynuhu wuxuu ku booriyay Wasiirada ineey aad uga howlgalaan xafiisyadooda wasaaradaha oo waqti badan siiyaan wasaaradahooda.

Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in ay tahay in Amaanka Wasiirada uu hoostago Wasaaradaha Amniga iyo Arimaha Gudaha lagana dejiyo siyaasad guud si aysan u dhicin in wasiir walbaahi intuu doono oo ciidan ah ka dhigto ilaalo.

Gargaarka Shacabka Dhibaateysan

Madxweynuhu waxaa uu tilmaamay in dowladda ay masuuliyad ka saran tahay shacabka qaxay ee dhibaataysan kuwa abaaraha ku haystaan dhamaan Jamhuuriyada soomaaliya lagana doonayo ineey golaha
wasiiradu ay siyaasad iyo qorshooyin cad cad ka sameeyaan isagoo farta ku fiiqay in:-

1- Shacabka iyo ganacsatada lagu booriyo ineey ka qeyb qaataan kaalmeynta shacabka.
2- In golaha wasiiradu ay ka fikiraan sidii loo aasaasi lahaa Hay’ad uruuriso Sakada si dadka

dhibaataysan loogu gudbiyo “Diiwaanu Sakaad”.

Ciidamada Qalabka Sida

Madaxweynuhu oo ka hadlayay arinta ciidanka ayaa yiri “Waxaan wadnaa waa fikrad ah in dalkeena ka hano qaado dowladnimo waxayna u baahantahay in loo helo awood ciidan oo suura gelisa in dowladdu ay keento amaan iyo cadaalad”

Madaxweynuhu ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in ciidamdada qalabka ay helaan daryeel dhan walba ah sidoo kalana ay ubadkoodu helaan daryeel marka ay ku geeriyoodaan danta qaran isagoo ku taliyay in la sameeyo Hay’ad daryeesha Agoonta Ciidamada Qalabka sida.

Midnimada Dowlada

Madaxweynuhu wuxuu ku booriyay Golaha Wasiirada in gudahooda wada shaqeyn ka jirto, oo aysan dhicin in ay warfaafinta dhaliil iyo dhaleeceyn isku mariyaan. Dhanka kale waxaa Golaha wasiirada uu ku booriyay in ay wada shaqeyn la yeeshaan baarlamaanka, si mar walbo loo ilaaliyo midnimada dowlada laamaheeda kala duwan.

Dhamaad

C/qaadir Maxamed Cusmaan(Barnamij)
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya
======================================================
NB: wixii faahfaahin dheeri ah fadlan la soo xiriir:-
Telephone: 002521237314 -002525941071
Mobile: 0025250767575
Mobile: 0025215460417
Email: presidentialpress1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.