Home » AmiinYuusuf »

Sidee Shacabka Soomaaliyeed u arkeen weerarkii Mareykanka ku qaadey agagaarka Baraawe | Amiin

Sidee Shacabka Soomaaliyeed u arkeen weerarkii Mareykanka ku qaadey agagaarka Baraawe

Ma aha markii ugu horeysey ay ciidamada Mareykanka duulaan ku soo qaadaan dhulka Soomaaliya waxaa horey u dhacay dhowr duulaan kuwaas oo ka kala dhacay Dhoobleey , Baraagaal iyo Dhuuso Mareeb oo lagu diley Aadan Xaashi Cayrow oo ka mid ahaa Masuuliyiinta ugu sareysay Xarakada Mujaahidiinta Al- Shabaab , hadaba midka ka dhacay Agagaarka Baraawe Gaar ahaan Tuulada Roobow oo uu Mareykanku uu sheegey in ay Bartilmaameedsadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa shacabka soomaaliyeed waxay ka bixiyeen aragtiyo kala duwan qaarkood waxay sheegeen mid xadgudub ku ah Qraranimada Soomaaliyeed waayo waxa ay yiraahdeen waxaa hubaal in aan wax ogeysiiin ah la siinin Dowlada federaalka nin odey ayaa waxaa uu yiri “Fiiri dib ugu laabta Taariikhda markii duulaanka lagu qaadey dalka ciraaq Mareykan wax wargelin ah ma siinin Dowladii ay saaxiibka ahaayeen ee Ingiriiska wuxuuna Mareykanka ku gaabsadey “ Waxaan heley Dagaalka Bilowgiisa iyo ,Dhamaadkiisa taasoo u la jeedey in ciidamada sirdoonka heleen Guri uu ku dhuumaaleysanayey Sadaam Xuseen wuxuu laabta is ka yiri”Haddii aad dishaan Sadaam Dagaalka halkaa ayuu ku dhamaanayaa iyadoo aysan ku dhiman Ciidamo Mareykan ah balse xaqiiqdii Ilaa iyo hadda weli Ciraaq dagaal kama dhamaan marka maxaa moodeysaa Dowlada Shiikh Shariif oo ah Dowlad iska tag daran in la soo ogeysiinaya weerar uu Mareykanku qorsheeyey iyadoo Dowladihii uu saaxiibka lahaa uu sidaa u galayo

Dad kala oo aan la sheegeystey ayaa igu qaba in weerarka Mareykanku qaadey uu ahaa mid fuleynimo ah oo Doc ka Wareen ah ee waxaa loo baahna mid ka fool ka fool ah si loo kala baxo ee ma wanaagsana in maalin kasta aad dalka ka soo gasho gees taana waxaan u aragnaa mid cabsi ku dheehan tahay qaar kale oo dhinaca Dowlada u janjeera ayaa qaba in weerarkii Mareykanka uu qaadey uu ahaa mid loo baahnaa oo muddo la sugayey hase yeeshee Dowladda federaalka weli kama hadlin weerarakaas in kastoo uu Mareykanku uu sheegey in uu weerarkaan kala tashadey Dowladda federaalka

“Mareykanku wuxuu weeraradaan uga dan leeyahay in uu soomaali ka aarsado waayo weli wuxuu ka samri la’ yahay wixii qabsadey Sannadkii 1993 oo xilgaa wadooyinka Muqdisho lagu jiid jiidey Askar Mareykan ah” Ayuu yiri wiil dhalinyaro ah oo ka careysaa weerarkii ka dhacay agagaarka Baraawe isku soo wada duuboo shacabka soomaaliyeed ayaa ku kala aragti duwan weerarada iska soo dhacyowga ah ee uu Mareykanaka uu ka geysto Gayiga Soomaaliyeed waxayna Mareykanka u soo jeediyeen in uu joojiyo weerara noocas ah waayo ayey yirahdeen waxay dhibaato ku yihiin Shacabka soomaaliyeed bal fiiri kii ka dhacay Dhoobley waxaa ku baaba’ay dada soomaaliyeed aan waxba galabsan sidoo kale kii dhacay Dhuuso Mareeb waxay waxyeelo ka soo gaartey dad shacab ah sidoo kale kii ka dhacay Baargaal waxaa waxyeelo ka soo gaartey dad soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Sidee Shacabka Soomaaliyeed u arkeen weerarkii Mareykanka ku qaadey agagaarka Baraawe | Amiin "

  1. mohamed omar says:

    marka ugu horeyso waxaan idin shegayaa somali waa dal dadka oo idil leeyihin waad aragtaan in malin kasta xududaha laga soo talaabayo waxii la doono laga yeelayo dadka somlida inta bada waxey noqdeen jaajuus u jaajuusa dalkooda ee taasi ogaada

  2. Muneer says:

    wa arrin xad gudub ku ah madax banaanida ,iyo marti soorka labadaba,waxa kaloo iiga baxay meesha in is dhigasho badani ka jirto..dayuuraduhu bilihii ugu dambeeyey waxay kor duulayeen brave merca iyo chismio intaba Alah baa qadaray balse digtooni bay u baahnaayeen..

  3. xalaal quute says:

    Soomaali ma dad baa mise waa dugaag, dugaagu xataa jinsigooda ma cunaan.
    dugaag isaga iscuna cid kale arxan uma gelayee wa in madaxa la jebiyaa meeshii lagu arkaba. soomaaliya dad maleh ee cid kastaba wey iska iman kartaa, waxay rabtey ku sameyneysaa. qabyaaladda aad cabudaan ha idinka saarto baba’a iyo halaaga. Waxaa soomaaliya halkan dhigey badow inaga dhexdeena ah oon miyir lahayn, din, dadnimo, iyo soomaalinmo midna aqoon, oo xaran lagu soo canqariyey, hiddahooduna yahay isdil,dhac iyo boob. yaa waxaan cawaanka wax noogu darey?