Home » Allman »

Quba Qall-Maanta Qabiilka Qaata Kii Qaranka | Allman

Quba Qall-Maanta Qabiilka Qaata Kii Qaranka!!.

Akhirste qormadeena waxaan kusoo qaadan doonaa dhibaatooyinka haysta qayb ka mid ah Saxaafadda Soomaaliyeed, Doorashadii dhowaan ka dhacdey Nayroobi iyo Iftiimin hab dhaqanka mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururadda Saxaafadda, inagoo ka eegeyna dhinacyo kala duwan soona qaadaneyna tusaalooyin dhowr ah, fadlan Akh-riste adigoo mahadsan deg deg door ma dhashee dhuux micnaha uu xambaarsan yahay maqaalka waa qayb kaa maqan ama kugu maqane.

Inta aynaan guda gelin qormadeena hadii aan Tafsiir yar oo kooban ka bixiyo cinwaankeena, Qalinku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu diyaariyo baahid guud xiliyadii hore kii dhexe, kan la joogo iyo kan soo socda,oo loogu diyaar garoobo, wuxuuna keydiiyaa oo xambaaraa xumaan iyo wanaag waqti kasta oo la joogo, mana qaato ruux aan aqoon sida wax loo qoro ama loo akh-riyo, inkastoo aqoontu lagu kala sareeyo.

Quba Qall-maanta Qabiilka Qaata Kii Qaranka!!, Waa erey ka mid ah ereyada ku yimaada kuwa si aadan fileyn uga soo baxa ruuxa bani’aadamka, sababtoo ah bani’aadamku inta badan xili kasta oo uu joogo wuxuu dareemaa wax ka maqan, waxyaabahaas ka maqan waxay isugu jiraan kuwo fudud iyo kuwo culus.

Hadii aan soo qaadano kuwa culus waxaa ka mid ah Hogaanka, bani’aadamku hadii uusan lahayn Hogaan uu ku hirto inta badan, wax baa ka halaaba, hadii uu helo hogaamiyena wax kasta oo uu sameeyo xumaan iyo wanaag wuxuu dusha ka saaraa hogaankiisa, sidaas darteed dhowaan markii aan maqley in magaalada Nayroobi lagu doortey hogaan Urur saxaafada qurbo joogta Soomaaliyeed oo ahaa wax si aad ah aan u tabayey ayaa maskaxdeyda ku soo dhacdey Ereyadan kor ku xusan.! Anigoo la yaaban wax aan kala kulmey Hoteel ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee dalka Jabuuti, xili goor dambe oo habeen ay tahay, dabadeed aan galey goob Internet ah, anigoo diraya warbixin ayaa waxaan eegey mid ka mid ah webab-ka Af-ka dalka Hooyo lagu daabaco dabadeed waan farxey waxaan si lama filaan iiga soo baxay ereyadaan Quba Qall-maanta Qabiilka Qaata Kii Qaranka!!, Akh-rista waxa aan weheshado oo aan mar walb la socdo waa Qormadaada, waxayna igu dhalisaa malaayiin fikradood oo dalka xaaladiisa ay ka mid tahay.

Qarniyadii tegey Qaaradaha aduunka kuwii qaatey Qall-maanta Qabiilka iyo kuwii Qooqay, waxay qoreen qaar baa loo khashuucaa qaarna waa lagu qoslaa, qaarna waa laga qiiroodaa qalalaasihii dhacay qaybta ay ku leeyihiin, qumane hadii aad tahay ku qanac intaas ee qaylo aan jirin iyo qabiil aan wax tareyn yuusan qarka kaa tuurine.

Hadaan qaato qadiyada Qormadeyda Qarnigii 19-aad qaaradaha aduunka qaar baa qarankoodii gumeysi ahaa oo u khashuuci jirey qaran aysan lahayn, kuna qaadan jirey kharash, isagoo qaraabadii adoonsan iyo khayraadkii dalkiisa la dhoofsanayo, adigoon qarxin ama aadan qixin horta ma qooraansatey waxa Qaribey Qarankeena.

Qalin leyda Qabiilkaay, ha qaadan Qormadaan qaybkasta aan sheego, waxaa qasey qabiilkaadee.

Qarankeenii dhisnaa qabiil baa dunshey, qasaya oo diidey ee Qalinka maku sheegnaa, mise waan qarinaa, mise waan ka qaxnaa?!!!.

Qaaradaha Aduunka qaar waa la qurxiyaa, qaar waa la qaribaa si aysan u noqon isku qayr, waxa lagu qaribayo waa Qalinkee hadaad qiratey, qalinka maku sheegnaa mise waan qarinaa, mise waan ka qaxnaa?!!!

Qarniyadii tegey qallmaantii lagu qaybshey qaaradaha aduunka weli wey qoyan yihiin, qadoodii ma dhamaan, qiyaasaha la sameeyo qaybta aad ku leedahay ma qaadey qarnigaan oo qalinka maku sheegnaa mise waan qarsanaa, mise waan ka qaxnaa!!!

Qayrkaa intuu boodayo, qabiilkaaduna qaran yahay, dib ma loogu noqon karaa qarniyadii tagey iyo qaadistii quursiga mise waan ka qaylinaa oo qalinka maku sheegnaa mise waan qarsanaa mise waan ka qaxnaa?!!

Ma qareen qabiil baa tahay, ma qodayaashii qabuuraha qarnigaa tahay, ma qaadiyadii qariyey qur’aankaa tahay, intaas qas ah iyo kuwo kale oo aan qarin qalinka maku sheegnaa, mise waan qarsanaa, mise waan ka qaxnaa?!!.

Tan iyo markii ay bur burtey dowladii dhexe ee Soomaaliya, dalka waxaa ka qaxay in badan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed oo isugu jira siyaasiin, qaybaha kala duwan ee saraakiisha ciidamada qablabka sidey, aqoon yahanada diinta iyo kuwa maadiga, waxgarad, fanaaniinn, saxafiyiin, ganacsato, iyo shacbi kale oo leh Rag, Haween iyo caruur, dhlinyaro waxayna tageen daafaha caalamka.

Qaybahaan kala duwan ee tagey caalamka hore waxay u lahaan jireen Ururo ka jirey dalka gudihiisa, marka laga reebo ciidamada qalabka sida iyo siyaasiinta dalka maamulayey, in badan oo ka mid ah qaybahaan kala duwan ee muwaadiniinta Soomaaliyeed markii ay tageen caalamka waxay sameysteen Ururo kulmiya oo u dooda xuquuqdooda misana hormariya, taasina waxay keentey in la dhiso wax la yiraahdo Jaaliyado oo wax weyn ka bedeley xaalada guud ee dalka iyo tan shacabka dibadda joogey, waxayna Indhaha caalamka ku soo jeediyeen halka uu marayo dalka Soomaaliya iyo gurmadka bani’aadaninimo ee looga baahan yahay, kadib markii ay dalka ka dhaceen masiibooyin dabiici ah, kuwo ay abuureen Hogaamiye kooxeedyadii iyo soo gelitaankii ciidamada Ethopia.

Inkastoo dadaalkii Jaaliyadaha dibadda ay wadeen uu noqdey mid aan isku xirneyn iyaga dhexdooda waxyaabaha qaar, hadana guul baa la gaarey inta badan, taasina waxay na xuusineysaa in shacabka Soomaaliyeed uu wali nool yahay, islamarkaana uu u baahan yahay hogaan mideeya oo daacad ugu adeega, taasoo aan wali la helin, habkii iyo wadadii lagu gaari lahaa, waxayna u muuqataa mid aan soo muuqan halka loo marayo.

Doorashadu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee maanta dunida lagu maamulo oo lagu dejiyo xasaradaha soo jireenka ah, kadib markii la ogaadey in kelitelisnimadu aysan ahayn mid keeneysa Horumar dhinac kasta ah, si loo helo fikir ka duwan kii hore ee maamulka hayay, taasina waa nooc ka mid ah ilbaxnimada ama garashada bani’aadamku gaarayey maalinba maalinta ka dambeysa, inkastoo qarniyada soo socda laga yaabo in la helo wax bedela oo ka wanaagsan habkan doorashada.

Dhowaan waxaa dalka kiiniya ka dhacey doorasho la yaab leh, taasoo soo jiidatey in badan oo ka mid ah Bahda wararka fidisa ee Soomaaliya iyo qaybo kale oo ka mid ah warbaahinta caalamka, runtii doorashadan ma ahayn mid lagu dooranayey Madaxweyne, Gudoomiye Baarlamaan, balse waxay ahayd mid lagu dooranayo Gudoomiyaha Ururka Saxaafada Qurbo Joogta Soomaaliyeed oo ah, hab aan wali ka dhicin dalka Soomaaliya gudihiisa iyo dibadiisa mid la mid ah, waana wax lagu farxo oo looga gudbo kala qoqobnaantii ay sameeyeen Hogaamiye Kooxeedyadii dagaalka dalkeena iyo kuwa Saxaafaduba.

Xubnaha doorashada soo qaban qaabiyey, doorashada sameynayey iyo labada musharax waxaan ugu hambalyeybnayaa sidii wanaagsaneyd ee loo soo diyaariyey, sida ay u dhacdey iyo sida uu ugu qancay musharaxa kale ee laga guuleystey, waxaan hubaa in doorashadu aysan ku ekaan doonin waqtigan oo la qaban doono kuwo kale oo is-daba jooga guushuna waa taas ee ma ahan maxaan u qaban waayey?, aniga hebel hadii uusan ahayn ma aqoonsani IWM, inkastoo taasi aysan dhicin.

Waxaa kale oo aan si weyn ugu hambalyeynayaa oo aan u mahadcelinyaa Rug cadayaashii saxaafada Qaranka Soomaaliyeed ka soo qayb galkooda, dhiiri gelinta ay inoo sameeyeen iyo tusaalooyinka ay na siiyeen, anigoon mid mid u kala saareyn, waxaana hubaa ka shekh-si ahaan in kaalintiina ay wali banaann tahay oo loo baahan yahay sidii Qarankii Soomaaliyeed dhismihiisa loola jaanqaadi lahaa aad nagu hogaamisaan la idiinka doonayo, hawsha adinkaa bilaabay, hadana wali wade iney dhameystiraan ayaan ka codsan lahaa oo aysan ku ekaane doorashada Ubaxa cusub ee Saxaafadda, si ay u noqoto ilbaxnimada la idiinka dhaxley mid mira dhasha, waayo Kubada Cagta waxay leedahay tababare joogto ah, Gool haye IWM.

Hadii aan u soo noqdo musharax looga guuleystey xilka Ibraahim Daa’uud Gentellman waxaan leeyahay wad hawsha aad bilowdey oo haka daalin adigaa inoo bilaabeye, xilka qaadistiisu wey fududahay, laakiin fulintiisa ayaa dhib leh ee saaxiibkaa xilka qaadey garab ku sii fulinteeda si aad markaada xilka u qaado.

Saxafiga Soomaaliyeed sanadihii ugu dambeeyey waxaa soo wajahay xaalado khatar ah oo u baahan in isaga nafsad ahaan loo badbaadiyo, Xili waxaa jira badbaado u baahan mihnadaha iyo xili la badbaadiyo shekh-siga, maanta saxafiga soomaaliyeed labaduba ma haysto marka dhabta laga hadlo, sidaas ay tahayna wey nool yihiin oo wey soo jeedaan, waayo waxaa jira xaalado khatar ah oo aan indhaha laga jeedin Karin iyo garashada bani’aadamkuba, inkastoo kuwa geysanaya ay yihiin Insaan aan sax ahayn.

Ma doonayo inaan ka sheekeeyo xaaladaha guud ee haysta shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, balse waxaan doonayaa inaan ka sheekeeyo inta aan ka xasuusto saxafiga soomaaliyeed iyo hawshiisa, sababtoo ah waa kan keliya ee maanta dalka iyo dadka baaba’aya ilaaliya oo isha ku haya, iyadoo ay baaba’een wax kasta oo uu lahaa qarankii Soomaaliyeed, xadgudub yada xuduudaha dalka ka dhaca waxa la socda waa Saxafiga.

Saxafiga marka uu la kulmo dhacdooyinka qaar waxaa la soo gudboonaada xaalado isugu jira naxdin, fikir, cabsi iyo wer wer badan oo mararka qaar uusan la seexan Karin, hadii uu gudbiyo dhacdadii uu la soo kulmey, sababtoo ah kii wax dili jirey oo wax dhaawici jirey oo la sheegi jirey warkooda khasaarihii uu geystey, hadii markiisa la taabto ma ogola in la sheego, waayo saxafigu shaqadiisa waa inuu labada dhinac u sinaado, waxaa lagu wargelinayaa warkaas ma sheegi kartid, waa marka loo naxariisto, hadii kale inta loo aamuso ayaa markii uu gudbiyo dhacdadii, isagana markiisa laga gudbiyaa dhacdo kale oo ka naxdin badan kuwii hore.

Waxyaabaha ugu yaabka badan oo ugu naxdinta badan waxay tahay inta lagu soo Waco, ayaa lagu leeyahay halkaas shirbaa ka jira ee imaw, hana soo daahin ayaa lagu wergeliyaa saxafiyiinta Soomaaliyeed, marka ay yimaadaan waxaa lagu sameeyaa wax ka baxsan waxa aan awoodinba inaan ka sheekeeyo, sababtoo ah wali qaar baa hawsha sidaas kuwada, waxaa kale oo igu dambeeya naxdintii iyo werwerkii I hor imaan jirey mararka qaar, waxaana dhacda qaar in isla goobtaas lagu dilo qaar ka mid ah ama lagu Af-duubto ama sidey u dhan yihiin xabsi lagu guro, iyadoo aan la kala saarin mid dembi leh iyo mid aan dembi lahayn oo dhowr bilood lagu hilmaamaa xabsigii lagu gurey, marka xiga iyadoo aan wax maxkamad la soo taagin ayaa la soo fasaxaa oo aan loo qiimeyn xitaa inta la haystey iyo waxa lagu haystey oo aan cadeyn.

ruuxii mar la kulma arin noocaas oo kale, sow ma haboona in uu ka waantoobo su’aashu waa haaaaa, balse kama waan toobi karo hadana waa inuu tagaa!!, waayo waxaa la leeyahay hebel xagee jiraa ?!!, ma jiro ruux jawaab bixin kara mararka qaar oo sheekadu waxay noqoneysaa, ruuxii isagoo aan hadalka dhameysan oo aan jawaabtii helin ayaa wuxuu leeyahay « ma murtadiintii buu jiraa »?!, halka kuwa kale ay leeyihiin « ma kuwii argagixisada ahaa buu jiraa »?!.intuba waa soomaali waxa sidaa leh, Waa Yaab Yaabkiisa !!!.

hadii aan isku dayo wax yar waxyaabihii aan la kulmey oo maskaxdeyda ku reebey raad aan hilmaameyn ayaa waxay tahay « Koox joogtay madaxtooyadii baydhabo waa sanadkii 2007-2008-da ayaa waxay igu qabeen qandaraas habeenada qaar oo aan xusuusto, waxayna isoo wici jireen xiliyo dambe, waxa aan deganaa hoteel, waxaana sariirta ii dhow jiifa mid iyaga la shaqeeya oo aan ogahay inuu subax kasta riboor iga geeyo, marka ay isoo wacaan kuwii isaga kooxdiisa ahaa, hadana markey isoo wacaan wuu igu xanaaqaa, waa yaab taleefoonka maad naga xirtid ama meel kale la tegtid, yaad xiliyadaan la hadashaa ayuu I leeyahay?!!, anigoon u jawaabin ayaan barxada hoteelka la tagaa, marka aan eego telkii mise waa kooxdiisa ma dhaafi karo qabasho la’aan waayo waxaan ka baqayaa in wax ka weyn igu dhaco, xiligaasi waa xili ruuxu uu hurdadu aad ugu jecel yahay hadii lala hadlo wuxuu doono sheega, xiligaas ayaa wareysi la iga qaadayaa wax aan ogahay iyo wax aan ogeyn intaba la I weydiinayaa, taasoo markii la iga dhameysto sheekada la doonayey laygu yiraadaa adiga wax baad khaladaa oo ma sheegtid sida runta ah, marka aan wax ku weydiiyo ee nabadeey!!, waxaana ahaa nin xabsi kor ka feydan maalin iyo habeen dhex socda.

Waa yaab markii aan ku soo noqdo goobtii jiifkeyga waxaa ii shidma mowjadaha dagaalka ka jira dalkeena sida aan uga gudbi lahaa iyo shacabka dhibaatada haysata sida laga yeeli lahaa, waxaa kale oo intaa iisii dheer taleefoon aan nambar lahayn oo isoo waca galabtii, duhuradii iyo 3-saac habeenimo oo aan garaneyn ruuxa iska leh kaasina wuxuu igu waali jirey nala shaqee anigoo aan garaneyn waxa aan kala shaqeeyo oo uu ii sheegayo, ruuxaasi mararka qaar wuu I caayi jirey marna wuxuu dhihi jirey wax aan afka soomarin Karin xitaa, waxaana ugu jawaabi jirey idil ama iska key daa aniga cidna lama shaqeynayo waayo beri ayaad noqoneysaa madaxweyne ama sarkaal hebel anigana dhibka ayaad igu dhaaafeysaa marka maxaan faa’iidey ereygaas markaan iraahdo aad buu uga xanaaqi jirey ruuxaasi, hadaba saxafiga Soomaaliyeed waxa haysta waxaas iyo wax ka badan, marka loo eego teyda oo aan maanta halkaas ka joogo dhul nabad ah, waloow kuwo khariban ay Emailo waali ah ii soo diraan, intii aan soomaaliya joogey waxaan ahaa ruux inta badan akh-rista ducooyinka Nabigeena Muxamed (NNKH) uu inooga tegey oo sidaas ilaahay igu soo badbaadiyey, walaahi markii aan Jabuuti imid mudo lix bilood kadib ayaan xasuustey Buugaag muhiim igu ahaa xageyga oo shandada iigu jirey iyo CD-yo sawiro iigu keydsanaa, ma ogi halka lagula baxay iyo cida la baxdey, taasina waxaa ugu wacan waa waxa ka jirey halkii aan ku noolaa xiligaas.

Saxafiga Soomaaliyeed waxaa kale oo intaa u dheer ma haysto mushaar ku filan, ma haysto damaanad qaad sharciyeed, kuma jiro wax la yiraahdo Caymis ama In shuuransi, marka laga reebo dadd yar gaar ah, hadii uu dhaawacmo ma helo wax noloshiisa lagu baxnaaniyo intaas iyo in kale oo badan oo aan sheegi Karin iyo kuwo kale oo ii harsan ayaan dalkii Hooyo kaga soo tegey, waxaan imid Jabuuti, waxaan ugu imid koox kale oo ila mid ah oo soo carartey, balse igu dhaamay soo horeynta keliya, markii aan isku dayey in aan ka mid noqodo, waxaa iga horyimid wax wax u dhimaya Mihnada Saxaafadda, waan aamusey waxaan u tagey Ururr saxaafad Soomaaliyeed oo aan islahaa wax bay dhaamaan ragan kale, balse ugu dambeyn waxaa la iisoo dhejiyey Kaarka rajo xumida.

maalmo yar kadib waxaan ogaadey ragii soo cararey in lagu siiyey digniin ruux Saxafi ah oo cusub oo aad soo dejin kartaan ma leh halka aad joogtaan, digniinn taasi waxaa bixiyey qaar ka mid ah Ururkaas mas’uuliyiinta sida ay ii sheegeen dhalin yaradii aan isku midka ahayn, balse amarkaas markii dambe wuxuu isu bedeley in laysku eed eedo ama laysu dhiib dhiibo, hawshiina waxay noqotey in la kala firxado,

Waxa aan waxaas uga sheekeynayo arrimahaas, waa hubaa inay jiraan kuwo kale oo ila mid ama iga daran la kulmey, Akh-riste saxafi hadii intaas oo dhan aad soo martey ha kuu ahaato waano.

waayo kooxaha wax dila ama Af-duubta, adiga ma qabiil ahaan ayey kuu raadsanayaan mise Mihnad ahaan ayey kuu raadsanayaan?!, laakiin hadii Mihnad ahaan ay kuu raadsanayaan maxay tahay waxa ku kala qoqobey adiga ?!! qayba koox gaar ah ula safatey, waxaan hubaa in badan oo asxaabteyda ahna ogyihiin dhibaatadii Saxaafadda soo gaartey ee Baydhabo in ay qayb ka ahaayeen xubno saxafiyiin ah oo joogey xiligaas.

Intaas dhib ah oo aan laguu ogeyn wey ku haysaa, mise kooxihii aad ka soo carartey iyo kuwo la mid ah miyaad wax ka sugeysaa hadana?!!, mise kooxda daneyteyaasha saxaafaddaa ayaad ku biireysaa?!!.

Murti Soomaaliyeed ayaa Oraneysa “Dantii Mooge Maro Duug Horteed Ayuu dhamaadaa”, ku talo gal gudoomiyaha cusuboow dhibtaas haysata Saxaafada Qurbo Joogta waxa ay ka soo carareen in dhibkaas uu yahay, walina uusan joogsan dhibkii oo waxaa ugu dambeeyey kii lagu diley Alle ha u naxariistee Muqtaar Maxamed Hiraabe oo dilkiisa kadib dalka ay ka soo baxdey ku dhowaad 20 wariye oo hawlo muhiim ah u hayey dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo booskoodiina wali banaann yahay, loona baahan yahay in laga fikiro inta ku hartey dalka sidii loo badbaadin lahaa, kuwa soo badbaadeyna loo sii hormarin lahaa, maadaama Aabayaashii dhaley bahda warbaahinta xiligan qaar kood ay dhinteen, qaarna ay Odayaall noqdeen, halka kuwo kale ay la jiifaan xanuunn iyo kuwo la daalaa dhacaya waayaha jira oo og waxa nahaysta, misane qaabkii wax naloogu sheegi lahaa la baqaya kuwa qaar oo aan ogahay halka ay joogaan oo u baahan in la badbaadiyo, maadaama ay yihiin qayb ka mid ah saldhigyadii saxaafadda Soomaaliya.

Sababtoo ah Saxaafadda waa la jeediyey, ma ahan nin qori sita oo keliya in laga hadlo, ma ahan in laga hadlo dadka tujaarta ah sida ay doonayaan, ma ahan in laga hadlo sida ay doonayaan NGO-yada gudaha iyo kuwa kale ee caalamka oo ku tagri fala magaca Ummadda Soomaaliyeed, saxafigu waa inuu ilaaliyaa dalka, dadka, diinta iyo dhaqanka Soomaaliya ee soo jireenka ahaa.

Waxaa maalin walba laga hadlaa dadka la diley, la dhawaacey, la dhacay, la kufsadey, la barakiciyey IWM, anagoo og kuwa xabadda haysta in aysan raali ahayn wax ka sheegista arrimaha qaar, waxaana ku khasabnaa oo aan ku dhiiranaa in hubka uu dhigo ama joojiyo waxa uu wado anagoo adeegsaneyna Minahdeena, hadaba maxaa diidey mid aan wadan Hubb inaan ka hadalno ficilada khaldan ee uu geysto, mana ahan wax khaldan ee dhacey oo keliya inaan ka hadalno ee waa inaan ka hadalnaa wax kasta oo ku socda wado khaladan.

Anigu Qalinka aan sito umma sito inaan dhaqaalo fara badan ku aruursado, cidaan doono ku weeraro ama wax ka sheego dowlado kale oo caalamka ka mid ah, iyadoo aysan wax u dhimin jiritaankeyga Ummaddeed iyo tan dalkeyga, waxaana filayaa in badan oo ka mid ah raga aan isku Mihnada aanu nahay in ay ogyihiin arintaas ee waxaan u sitaa inaan ilaasahdo dalkeyga, dadkeyga iyo diinteyda inta aan awoodo, waxaana ku ilaalinayaa Qalinkaas anigoo aan u dan lahayn dhaqaalo, mansab siyaasadeed, mid qabiil, mid deegaan beeleed, Urur siyaasadeed IWM, waxaa wax la diido ah in la duugo taariikhda deegaanada kala duwan oo dalka Soomaaliya uu leeyahay nooc kasta, waxaa wanaagsan in la ilaaliyo, magacooda, tirada dadka ku nool, dhaqankooda, caqiidada ay aaminsan yihiin oo aad moodo in raga qaar ay duugayaan xaqiiqooyinka ka jira Soomaaliya, iyadoo loogu daneynayo dowlado kala duwan iyo Qabiilo Soomaaliyeed oo hilmaamey Haybadii Qaranka Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka oo aan cidna lagu waxyeeleyn jirin, marka laga reebo kuwa ay bayaanisey in la iska ilaaliyo Diinteena, taasoo waliba leh shuruudo add adag, runtii marka aad dhexgasho qaybaha Warbaahinta Soomaaliya, waxaa kaaga soo dhex baxaaya waxyaabo badan oo u baahan in laga feejignaado, qaarkood waxay u dhacaan si ogaal la’aan, qaar waxay u dhacaan si bareerr ah oo hawshooda ayaaba sidaa ah in ay ku shaqeeyaan.

Saxafiga Soomaaliyeed waxa ka dhigey halbeega xabadda hadii aan is-weydiiyey marka laga reebo kuwa xabadda dadka ku xaalufinaya waxaa iisoo baxay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin, in ay jiri karaan suxufiyiin u dhashay dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo doonaya in waxa ay doonaan ka sheegaan soomaaliya, sababtoo ah Suxufiyiintan falka noocaa geysanaya waxaa ka mid ahaan kara kuwa dowladaha caalamka la shaqeeya oo doonaya Soomaaliya in ay noqoto meel aduunka oo dhan aan laga maqlin magaceeda iyo muuqaalka shacab ahaan halka ay ku nool yihiin, inkastoo aan wali garan danta ugu dambeysa ee ay ka leeyihiin, taasina waxaa ka hortaagan in badan oo ka mid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa jira qaar badan oo sirdoonka dowladaha caalamka ka mid ah oo iyagana aan dooneyn hawsha ay ka fushanayaan Soomaaliya in aan la ogaan, waxaa kale oo jira Rag diidaya sida wax u dhacayaan in la ogaado oo waliba qayb ka ah waxa socda, sidoo kale waxaa jira aqoon la’aan haysata shacabka Soomaaliyeed qiimaha Saxafiga uu leeyahay, waayo hadii ay fahmaan, waxaan qabaa in ay yaraan lahayd sida ay hada wax u socdaan oo waxayba ka aaminsan yihiin dhibkuba in ay qaby ka yihiin, waana sax marka kuwa aan soo sheegey qaarkood loo eego, xaqiiqduse wey ka fogtahay arintu.

Inta aysan xoogeysan saxaafadda Soomaaliya, dalka iyo dadka waxaa laga sheegi jirey wax aan u qalmin in laga sheego xitaa Eeyaha, waxaa nalagu miithaalin jirey wax aan dooneyn inaan ka sii sheekeeyo, taasina waxaa gaacan ku siin jirey kuwo kale oo Soomaali ah, islamarkaana eeganaya dhareerka yare ee ka daadanaya wax uu ku ceshado, arrintuna waxay ahayd mid sii cakiranta.

Marka aan sii dhex galey saxaafadda waxaan ogaadey in ay aad u jecel yihiin wararka aysan wada haysan warbaahinta caalamka, markaan dib u eegay waxaa maskaxdeyda gashey in dagaaladii ka dhici jirey qaybaha magaalada muqdisho xiliyadii Hogaamiye Kooxeedyada in ay hurin jireen warbaahinta dibadda ee dalka ku yimaada sharci la’aanta ama u yimaada Hogaamiye Kooxeed si uu wareysto, sababtoo ah waxa Baasaboor la’aan kaa dhigey waa saxafi shisheeye oo aan u naxayna dalkaada iyo dadkaada, kadib markii uu ogaadey waxa ka socda Suuqa Bakaaraha qaybtiisa Cabdalla Shideeye, kuwa falkaas geystey ha ogaadeen in dembiga ugu weyn ay ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed, lana ogyahay falka ay ku kaceen si ay u helaan lacag.

Inkastoo nidaam la’aanta ay qayb weyn ka tahay Baasaboor la’aanta, hadana waxaa u sababb ah arrimahaas aan soo sheegey iyo Hogaamiye kooxeedyadii, Marka xiga kooxahan wax dila ama Af-duuba hogaamiyahooda wuxuu haystaa Baasaboor Dublamaasi ah, mid ka mid ah kooxdiisa hadii ay wax gaaraan siduu doono ayuu ka yeelaa, meesha uu doonayo si dhakhso ah ayuu u geeyaa meelaha caalamka u dhakhaatiirta wanaagsan, waxa la doonayo in la ilaaliyo waa waxaas iyo wax ka daran, mana ahan in ay dalkeena noo ilaaliyaan kuwo aan u dhalan, waayo qabiilku wax ma ilaaliyo ee Qaran baa wax ilaaliya, tan kale kuwan isku sheega mas’uuliyiinta, iyagaa wax dila, waxna dhaca, kufsada maleeshiyaadkooda, hadana Baasaboor la’aan kaa dhigey, hadii aad isku daydo in aad dalka ka baxsato, kuma shaqeeyo dalallka caalamka, kii idilayeyna meesha doono ayuu ku tagaa Baasaboorka uu wato nooc kasta uu yahay, taasina waa dembi kale oo ay dunidu naga gashey, waxayna u baahan tahay xisaab, sababtoo ah waxay xero inoogu oodeen kawaalayaashii dalka iyo dadka Soomaaliyeed laynayey.

Markii ay xoogeysatey saxaafadii Soomaaliya oo ay noqotey awoodaha ugu waaweyn ee maanta dalka Soomaaliya ka jira, waxay hawshu kusoo gebagebowdey in la ugaarsado, la dilo, la handado, la xiro oo la caburiyo, balse sidaas kuma aamusin, mana ku aamusayaan hadii Alle Idmo oo waxaa soo baxay kuwo aan ka gaban iyo kuwo ka fogaadey oo dagaalkii hore ay ku jireen mid ka daran galey.

Gudoomiyaha Cusub Wariye Maxamed Cabdullaahi Siidii marka hore waxaan kuugu tahniyadeynayaa xilka aad qaadey inuu ilaahay kuu fududeeyo, sidoo kale waxaan kugula dardaarmayaa Wariyeyaasha Soomaaliyeed hadii dalka ay ka soo baxaan waxay u baahan yihiin gar gaar bani’aadanimo maadaama laguu doortey Qurbo joogta Saxaafada Soomaaliyeed Kiiniya, inkastoo aan dhihi lahaa in laga dhigo Ururrkan guud ahaanba Qurbo joogta Saxaafadda Soomaaliya meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa kale oo lagaa doonayaa in aadan marin wadadii lagu yiqiiney Ururadii kala duwanaa ee sida Hogaamiye Kooxeedyada u kala qoqobnaa iyo saameyn la’aantooda, Asxaabtaada waxay u baahan yihiin siminaaro ku saabsan qurbaha in la siiyo, waxay keloo u baahan yihiin sii kobcinta aqoontooda saxaafadeed iyo isku xirkooda guud, kooda gaar ahaaneed koox kasta meesha ay joogto, sidoo kale waxay u baahan yihiin Diiwaan gelin inta dibadda Joogta, xilka laguu dhiibey ma ahan war la qoro, faallo la diyaariyo ama wareysi la qaado, inkastoo kuwaasi ay yihiin kuwo aad u culus, laakiin waad soo martey xumaan, dhib, wanaag wax kasta oo ay yihiin ee xilku intaas wuu ka culus yahay, soomaalidu waxay tiraahdaa ruux ku jecel ayaa talo ku siiya ama ruux ku doonaya ayaa talo ku siiya, aniga adiga kuma taageersani ee waxaan taageerayaa nidaamkii laguugu doortey oo ahaa wax aad iisoo jiitey, cida soo qaban qaabisey, ka soo qayb galayaashii gundhiga Saxaafadda Soomaaliya qaarkood iyo sidii wanaagsaneyd ee uu ugu qancay saaxiibkaada kula tartamayey.

Waayo, shekh-si taageeridiisa wax badan oo dhibaato ayey leedahay, waxaana inoogu filan halka ay Soomaaliya maanta taalo oo ah shekh-si taageeridii ay sameeyeen ayey wax walba uga halaabeen ama nacaybkiisa, sababtoo ah Maxamed Siyaad hadii uu xumaa, maxay tahay waxaan ka dambeeyey, marka hadii aad nidaamkaas dhowrto wax badan taariikh-du wey ku xuseysaa adiga iyo saaxiibkaa, hadii kale waa Allif macallin tirey, waxa aan la hadlayo ma ahan adiga kaliya ee waa kuwa kaa dambeeya ee doonaya in ay wax doortaan ama la doorto, ma doonayo Ururrkan inuu noqdo sida kuwa jeebabbka lagu wato oo kale oo Hoteelada loogu tumasho tago, waxaa la donayaa dalkii iyo dadkii lumey kuwa baadi doonaya in aan la bay lihin.

Saxaafadda Soomaaliya kuma dhalan nin jecleysi, qabiil u dood, dagaal ooge u doodid ee waxay ku dhalatey in ay u hadasho oo raadiso Xornimadii dalka iyo dadka Soomaaliyeed, maanta saxaafadda jirta waxay ku kala xiran tahay wax lagu sheego Al-shabaab, Ahlu-sunna, Xizbul Islaam, Burcad Badeedd, Galmudug, Puntland, Soamliland iyo Dowlad midnimo Qaran, inkastoo ay jiri karaan kuwo kaloo hoose oo aan qalinka ku xusin, dhamaan ragaasi sheeganaya mas’uuliyada kooxahan kala duwan goor ay ahaataba xaalku sidaan uma ahaan doono ee waxaa la doonayaa in khaladkooda la tuso oo halkii hagaagsaneyd lagu duwo, sababtoo ah Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho waxa hubb ka dhigista ku sameeyey markii hore waxay ahaayeen saxaafadda, maxkamadaha waxa kiciyey waxay ahaayeen Saxaafadda waa marka xaqiiqada laga hadlo, sidaas darteed markii la ogaadey awooda saxaafadda waxa dhacay waan aragnaa ee fadhiga ka kaca yar iyo weyn meel kasta oo aad joogtaan Quba Qalinka Qabiilka oo Qaata Kan Qaranka !!!.

Nayroobi oo ah goobta lagu dhisey Ururrkan oo lagu doortey Gudoonkiisa, waxaa lagu xasuustaa oo lagu doortey Madaxweynihii TFG-da Co/Cabdullaahi Yuusuf si xalka Soomaaliya buuqiisa loo yareeyo, balse maxaa ka dambeeyey, hawshii wali wey taagan tahay, waxayna mareysaa Jeeblayaasha Qarxa, in markoodii jago ay ku doonaan madax maryo lagu duubey iyo mootaro lagu laayo Naafadii XDS oo la ogyahay qiimaha uu leeyahay dhiigooda bilaashka loo daadiyey, waligeyna hilmaamimaayo arrintaas, waayo waa kii noloshiisa aan wax ku bartey, kuna soo barbaarey, ilaa uu ka dhaawacmo !!, waxaana xiligan iga socda ilmo aan awoodin inaan celiyo, walaahi bilaahi talaahi been iga ma ahan.

Waxaana dhacdey mooryaantii harka cad dadka dili jirey oo dhici jirey, iyagoon wajiga xiranin, in iyagiina maryaha madax ku duubtaan si loogu saariyo Jeeblayaasha Qarxa xitaa cabsi ha u yeelaane falkaas iyo faduulba ka ahaa lama oga, sidaas oo kale yaan la idiin saarin kala dirka Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaan ku talin lahaa, dadd baa ku hawlan in la kala diro Wariyayaashee.

Ma’uuliyiinta Ururrka Qurbo Joogta Saxaafadeed Soomaaliyeedoow meel kasta aad joogtaan, ma ahan wax lagu arkey Kitaabka Alle, Sunada Rasuulka (SCW) iyo Taariikhda Islaamka oo dhan meel dhigeysa, madax cimaamad lagu duubto oo lagu caayo Islaamka ama lagu dilo, marka laga reebo munaafiqiintii kuwaasoo la wada ogaa calaamooyinka uu u yeeley ilaahay iyo bayaaninntii Rasuulka (SCW).

Waxaan keloo Gudoomiye Wariye Maxamed Cabdullaahi Siidii iyo xubnihiisa kale u sheegayaa xilka la idiin dhiibey in uusan noqon mid aad ku shaqeystaan ee waa in dadka loogu shaqeeyaa, tan kale waxaan u sheegayaa dhacdo la yaab leh oo aan la kulmey anigoo jooga Hoteelka Caalamiga ah ee Kempniski abaaro 1:18Pm oo habeenimo, taariikhduna tahay 10/09/2009, ayaa waxaa dhacdey in aan ka soo baxo kadib markii Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku soo degeen hoteelka, si aan wax uga ogaado socdaalka Madaxweynaha iyo xubnaha la socda.

Markii aan ka soo baxay qaybta hore ee soo dhaweynta Hoteelka oo ay joogaan ilaalada soo dhaweynta Hoteelka iyo shaqaalaha kale ee qaabilsan isla soo dhaweynta oo aan dhowr tilaabo ka soo dhaqaaqey aana joogo meel wax yar ka baxsan isla goobtii aan ka soo dhaqaaqey ayaa waxaa goobtii yimid gaari yar oo ay saaran yihiin Cumar Faaruuq Cismaan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururrka NUSOJ iyo xubno ay ka mid ahaayeen Cabdi Sheekh Maxamuud (Cabdi Gaafaa), Maxamed Faarax Talyaani, Maxamed Bashiir Sheekh Cabdiraxmaan iyo Mustafe Xasan oo isna ka mid ah dhalinyarada Saxaafada Jabuuti oo ka tirsan Ururrka Jabuuti lagu Aas aasay oo ay Soomaaliya qayb ka tahay.

Markii ay ka soo degeen gaarigii Cumar Faaruuq Cisman iyo Mustafe Xasan ayaa Cumar Faaruuq waxaa uu igu yiri “haye ma iska dhaaftey caydii?!” waxay igu noqotey filan waa oo dhakhso uga ma jawaabin, balse markii dambe ayaan waxaan ugu jawaabey “adigaa bilaabay cayda, ileyn wax kale ma hayee”, balse isagu hadalkii intuu joojiyey ayuu xageyga usoo dhaqaaqey isagoo leh “yaah”, waxaana is hortaagey isaga Mustafe Xasan oo ku yiri “iska dhaaf” iyo hadalo kale oo aan maqleyn xiligaas, waxaana u raaciyey hadalkeygii markii aan arkey in la cel celinayo “waad mahadsan tahay”, dabadeed waan ka soo dhaqaaqey.

Akh-risteyaasha Soomaaliyeedoow sida ka muuqata sheekadan oo xaqiiqdii ninkani hadii uu igu heli lahaa dalka Soomaaliya sidaan oo kale jaanis la mid ah kan muxuu sameyn lahaa?!, iyadoo Jabuuti la joogo ayuu sidaan igu sameeyey oo waliba Hoteel Caalami ah oo wax walba ay ka muuqan karaan sida ay wax u dhaceen, xitaa wuu la sugi waayey inta aan banaanka ka soo baxo ama aan meel kale isku aragno.

Runtii arrinta noocaas oo kale waa wax aan la qaadan Karin anigoo aan waligey adeegsan wax cay ah oo ka soo horjeeda ninkan igu eedeeyey inaan caayey, waxaana hore u maqli jirey ereyo isaga lid ku ah oo ficilada noocaan oo kale iyo kuwo adeernimo ah uu u adeegsado dadka ka soo horjeeda ficiladiisa guracan, balse waxaan aniga xaqiiqsadey markii uu xageyga u soo dhaqaaqey iyo hadalada uu igu yiri, waqtiga la joogo iyo meesha uu igula hadlayo waxa laga sheegey in wax ka jiraan.

Cumar Faaruuq ma ahan nin aan isku haysano jago Madaxweyne, Ra’iisul wasaare, mid Wasiir, Xildhibaan, Gudoomiye Gobol, mid Degmo, Janann-nimo iyo wax kasta oo ay leedahay Dowlad ama Ururr, balse waxaan soo xasuustey aniga iyo rag aan ku jiro mar inaan ka qorney warsaxaafadeed isaga lid ku ah sheegashadiisa u doodida xuquuqda saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed in uu isagu nooga mas’uul yahay, yahayna Hogaamiye Ururr NGO saxaafadeed gaar ah oo uu isagu leeyahay, hadaba waa su’aale maxay tahay sababta uu iigu hanjabayo isagu? Ama uu iigu soo bax baxsanayo?, mise wuxuu moodey in Jabuuti isaga keliya in ay dowlad u tahay oo xukunka uu doonayo igu fulinkaro mar hadii aan isaga taageerin? Waa yaabka yaabkiisa aniga wligey shekh-si gaar ah uma taageerin, Ururrna ha sheegin, mana taageerayo inta aan noolahay hadii uu Alle ii ogolaado, waxaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ka codsanayaa meel kasta oo ay joogaan bal ereyadaan iyo ficiladan guracan oo in badan aan isku Mihnad nahay lagu sameeyey Ujeedadeedu maxay tahay ayaad is leedahay?!.

Marka xiga Ururrka NUSOJ xubin-nimada iyo madax ka ahaan shihiisa ma mid Saxafiga Soomaaliya xuquuqdiisa lagu Af-duubaa?, mise waa mid Saxaafadda dalka iyo dadka Soomaaliyeed loogu adeego oo aan lagu dhibaateyneynn?, waxaan ogyahay in badan oo ka mid ah xubnaha Ururrka NUSOJ inaysan raali ka ahayn ficilada shekh-siga ah ee uu geysanayo Cumar Faaruuq iyo Ujeedooyinkiisa Guracan, anigu Ururrka NUSOJ kuma ogi xumaan uu leeyahay oo aan ahayn xumaanta ninkan magaca Ururka dadka ku weeraraya, hadal badan haan ma buuxshee bahda saxaafada dibad jooga ah waxaan usoo jeedinayaa iney marka hore midoobaan, marka labaad ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhibaatada lagu hayo ay si toos ah u abaaraan oo yaan laga tegin qalinkii dalka iyo dadka lagu waardiyeyn jirey, waayo shekh-si noocaan oo kale iyo kuwo ka daran ayaa dalkii iyo dadkiisa magaca uga dheeley marka si aysan u dhicin waa inaan ilaashanaa dalkeena iyo dadkeena waxa keliya ee maanta nool habeen iyo maalin soo jeeda waa saxaafadda ee ha eegina kuwa dhaqaalaha haysta, madaxnimada u doodaya oo dadka ku dilaya dhaqaalihii iyo wixii aas aasiyaadkii kale oo Qaran Soomaaliyeed lahaa duugaya.

Dhanac kale hadii aan ka eego wali ma maqal inta aan joogey dalka Hooyo gudihiisa Ururr saxaafadeed oo ay ku mideysan yihiin Qurbo joogta Saxaafadda Soomaaliya, inkastoo ay jireen Ururro yar yar oo qaab NGO ama Hogaamiye kooxeed ahaan u kala qoqoban, kuwaasoo aan lahayn saameyn la taaban karo, runtii waxaa la dhihi karaa waxay ahaayeen kuwo Qabiil marka laysku soo ururiyo dhab ahaantii.

Sababtoo ah saxafigu ma matalo qabiil keliya, ururr gaar ah, siyaasi gaar ah, ganacsade gaar ah, aqoon yahan gaar ah, sheekh gaar ah, Haweeney gaar ah ee wuxuu matalaa marka hore waa sida uu u dhigan yahaye Shucuubta Caalamka oo dhan ayuu u doodaa meel kasta oo uu joogo, isagoo aan u eegeyn diin, dowlad iyo ururr siyaasadeed oo gooni ah.

Marka intaas laga sootago, hadii la gaaro waqtiyada wadaniyad ahaantiisa shekhsiga ah waxa ka saran, dadkiisa iyo dalkiisa ay haysato dhibaato u baahan in loo hadlo ama horumar uu gaarey dalkiisa ama uu kusoo duulo wadankiisa dal kale waa kan keliya ee ugu horeeya oo bilaaba dagaalka, islamarkaana ifiya halka xaaladaha ugu khatarsan oo ay ku soo fool leeyihiin dalkiisa iyo dadkiisa loo baahan yahay in wax laga qabto, taasina waxay keentaa in sida ugu dhakhsaha badan looga hortago, iyadoo shacab iyo dowlad ay isku duuban yihiin.

Saxafigu waa kan ka shaqeeya isku duubnid guud ee dalka iyo dadkiisa, islamarkaana u soo gudbiya shacabkiisa dhacdooyinka kale ee caalamka ka dhaca oo isugu jira kuwa uu uga faa’iideynayo shacabkiisa in aysan ku imaan sida mush-kiladaha ka dhaca caalamka intiisa kale iyo habka ugu haboon ee looga hortagay khataradii uu la kulmey, halka hadii ay horumar tahayna u sharxaya waxyaabaha ay gaareen dadyowga kale ee caalamka in iyagana looga baahan yahay halkaas iyo meel ka sareysa, anigoo ka hadlaya aragtideyda gaarka ah ayaa waxa aan u sharxayaa arrimahaan in badan oo ka mid ah da’da soo koreysa iyo kuwa hada kuwaalan ee aan wali la jaan qaadin habka wanaagsan ee ay maclimiinteenu wax inoogu sheegeen ama hareer marey wadadii saxda ahayd.

Ugu dambeyn hadii aan soo gunaanudo qormadeyda aan ku sheegey Quba Qall-maanta Qabiilka Qaata Kii Qaranka !! ayaa Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Haan Gunta ayey ka tolantaa, mar hadii la doortey gudoomiyihii Qurba Joogta Saxaafadda, waxaan hubaa in laga maarmi doono kuwo maroorsan oo badan, laakiin sheekadu yeysan noqon in la doorto oo keliya kii ugu dhibka badnaa ama laysku hahey ee hawshu waa cayaari geli dambo, sababtu waxay tahay Saxafigii ka soo carara dalka inuu saxafi yahay iyo in kale, waxaa la weydiiyaa kuwo maroorsan oo aan aqoon saxafiga Soomaaliyeed qiimihiisa iyo hawsha uu hayo, balse ka dhigtey hawshii NGO furan oo lagu faano faylashiisa faaruqa ah oo faageya Qabriyada Saxafiga Soomaaliyeed iyo xarigiisa keliya si uu fuluus uga helo, isagoon wax u qaban, waxaan keloo ka digayaa bilowga dagaal cusub oo ay la yimaadaan kuwo foorara hada in ay yiraahdaan Malla Doortey Kii noogu Darnaa Qurba Joogta Saxaafadda Soomaaliya?!!!, taasoo mustaqbalka keeni karta wax badan oo aan laga fiirsan oo mugdi geliya qiyamkii saxaafadda Soomaaliya ee Quba Qall-maanta Qabiilka Qaata Kii Qaranka !!!.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Quba Qall-Maanta Qabiilka Qaata Kii Qaranka | Allman "

  1. xuseen says:

    waraa adiga maxaa waaye waxa aad qortay tiradoda maad waalantahay yaa akhrinaya waxaan tirada badan miyada saxafi aheyn meeyay qaacidadii saxaafada ee aheyd macluumaad badan in lgausoo kooba eraya yar ama gaaban waxaan yaa kahrinaya dabaalyahow yaad u sheekeyeney ma sheeka baralleeyaa mesha xoolo yahow mar danbe ha qorin waxaan camal iska fiiri xitaa dhow maqaal oo tixan ah ka dhig hadaad sidaan laashin u tahay.