Home » Warar »

Xukuumada EPRDF oo xabsiga u taxaabtay xubno mucaarad ah.

Barnaamijkii Radio Xoriyo  
14 September 2009.
 
 
Hogaanka Cilmi baadhista jwxo oo soosaaray warbixin dhowr bog ah oo ka hadlaysa  tacadiga ciidamada gumaysiga Itoobiya kula kacaan dadka rayidka ah.
 
Xukuumada EPRDF oo xabsiga u taxaabtay xubno mucaarad ah.
 
DFKM ee Soomaaliya oo kala hadashay dowkada K/Afrika dhibaatooyinka haysta soomaalida ka ganacsata K/Afrika.
 
Waraysi gabadh ay ciidamada gumaysigu si xun ugu jidh-dileen Xabsiga Degmada Sagag.
 
====================== 
 
Hogaanka Cilmi baadhista jwxo oo soosaaray warbixin dhowr bog ah oo ka hadlaysa  tacadiga ciidamada gumaysiga Itoobiya kula kacaan dadka rayidka ah.
 
 
 Hogaanka cilmi baadhista ee jwxo ayaa warbixin dheer oo dhowr bog ka kooban  kasoo saaray waxyeelooyinkii kala duwanaa ee ay xukuumada gumaysiga itoobiya ugaystay dadka rayidka ah ee ogadenya.
Warbixintan oo lagu xusay dhammaan tacadiyadii kala duwanaa ee ciidamada gumaysigu kula kaceen dadka shacabka ah sanadihii 2007-2008 ayuu hogaanku ku qeexay shax una  kala diray dhammaan hay,addaha xuquuqul insaanka  si loogu daro dambiyada loo aruurinayo masuuliyiinta EPRDF ee ka masuulka ah gumaadka shacabka Ogadenya,waxaana shaxdaas ku xusan magacyada dadweynihii la laayey.kuwa la dhacay iyo hantida laga dhacay.kuwa la jidh-dilay,kuwa xabsiyada dhex ceegaaga,gabdhaha iyo hooyooyinka la kufsaday.
 
Xukuumada EPRDF oo xabsiga u taxaabtay xubno mucaarad ah.
 
Xukuumada gumaysiga Itoobiya  ayaa  xabsiga u taxaabtay mucaarad badan oo kasoo horjeeda  xukunka  EPRDF  ee uu gadh-wadeenka  ka yahay kaligii taliye Males Zanawi.
 
Xidh xidhkan aya yimid  horraantii usbuucan kadib markuu  si rasmi ah ugu dhawaaqay Males Zanawi inuu  isu sharaxayo doorashada soo socta ee 2010 ka
 
Hogaamiyaha Mucaaradka Mr.Bulch ayaa u sheegay wakaalada Wararka ee Rueter in xubno mahiim ah la Xidh-xidhay.

Ururka EPRDF ayaa bilaabay inuu jiilasha u taxaabo dhammaan Musharaxiinta mahiimka ah ee ka soo Jeeda Xisbiga mucaaradka ah ee uu hogaamiyo Mr. Bulcha Demeksa. Balse ururka EPRDF ayaa dafiray arrinkan kuna tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.
Isbuucii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Ururka ka Hor taga Qalalaasaha iyo Colaadaha ee loo yaqaan ICG/ International Crisis Group ay caalamka oogu baaqeen in aan la Dhayalsan Dhibaatada ka soo fool leh Doorshada 2010 ee Itoobiya, oo la saadaalinayo inay ka baaxad weynaato sii sanadkii 2005 aadna looga cabsi qabo inay itoobiya ku kala dhaqaaqdo.

DFKM ee Soomaaliya oo kala hadashay dowkada K/Afrika dhibaatooyinka haysta soomaalida ka ganacsata K/Afrika.
 
Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay dowladda S/Africa kala hadashay dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida ku dhaqan dalkaasi iyadoo tilmaamtay in ay heshiis arinkaasi ku saabsan ay gaadheen.
 
Wasiirka jaaliyadaha iyo Maalgashiga dowladda KMG C/laahi Axmed Cabdule Ashari oo la hadlay saxaafadda Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan ay safar ku tageen dalka S/Africa ayna dowladda dalkaasi kala xaajoodeen xaaladda soomaalida ku nool dalka K/Africa.
 
Az-hari ayaa sheegay in ay balan qaadeen Masuuliyiinta S/Africa  in dadkii Soomaalida ah ee eheladooda ay geeriyoodeen sida Caruurta iyo haweenka ay siin doonaan tasiilaad iyo waxbarasho halka kuwa kalana ay u furayaan Xafiiska Qurba joogta Soomaaliyeed ee S/Africa kaasoo kla hadlaya dowladda S/Africa dhibaatooyinka ganacsatada Soomaalida loo geysto.
 
Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka jaaliyadaha iyo Maalgashiga dowladda KMG C/laahi Axmed Cabdule Ashari in ay halkaasi tagi doonaan wafdi ka socda dowladda KMG Soomaaliya kaasoo matalaya Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada kuwaasi oo dhameystiri doona heshiisyada ay wada gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo S/Africa.
 
 
Radio Xoriyo 
 
14 September 2009
 
Cabdinuur Sh. Maxamed
 
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Habeenada Talaadada & Sabtida  20:00PM – 20:30  waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.