Home » Announcements »

Sakeriye: wuxuu u baahan yahay Afar Boqol oo Doolar si uu uga badbaado Naafo

Sakeriye: wuxuu u baahan yahay Afar Boqol oo Doolar si uu uga badbaado Naafo

Sakeriye Cali Cumar waa 10 jir ka soo jeeda Qoys Sabool ah wux ku dhaawacmey Dagaalada magaalada Muqdisho Hooyadii waxay ku dhimatey Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho waxaa dhaawaciisa la dhigey Sakeriye Mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho hase yeeshee markii uu muddo ku jirey ayaa la soo saarey isagoo aan weli Boqgsan wuxuu Lugtii uu ka dhaawacmey ee Bowdada ay noqotey mid aan xiriirsamin ama aan isku toosin toosoo keentey in laf ka mid ah ay banaanka timaado ama soo baxdo

Sakeriye oo ah wiil aad u firfircoon ayaa isaga tukubi jirey dhaawac hase yeeshee maalin ayaa la sheekeystey oo aan iri “ Sakeriye Maxaa Lugta sidaan loogu dayacay”Markaasuu yiri isagoo Ilmeynaya “Isbitaalka waxaa la iga soo saarey reerkeenna oo aan waxba hesysan ka dib markii uu dhaqtarkii yiri

haddii la isiiyo lacag wiilkaan waan kabayaa “Intaas markii uu yiri ayaa is iri bal la tacaal Raggna la kaasho markiiba Raajo ayaa saarey markaas baa dhaqtarkii u geeyey Raajadii markaas baa ku Iri “maxaa ka qaban kartaa lugtaan”markaasuu I yiri wax waan ka qaban karaa Haddi la I siiyo Afar Boqol oo Doolar” aad baan u naxay waayo Haddii aan heysto lacagtaa deg deg baa uga bixin lahaa markaas baan Go’aansadey in aan u bandhigo Bulshada soomaaliyeed ee Ilaah wax siiyey markaa walaallayaal aan Sakeriye ka badbaadino in uu noqdo Naafo
wiile2

Hadaba cidii dooneysa in ay gacan siiso ha soo xiriiraan

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Tel 0025215532494

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.