Home » Siyaasad »

Professor Ibi Ha ka Been Sheegin Howlaha Hay’ada PERSGA ee Bada Cas | ENg. Waharey

Professor Ibi Ha ka Been Sheegin Howlaha Hay’ada PERSGA ee Bada Cas

Hay’ada PERSGA (Regional Organization for the Conservation of the Environment of the Red Sea and Gulf of Aden) waa hay’ad u xilsaaran ilaalinta bay’ada bada sida kaluunka dhirta iyo kheyraadka bada. Hay’ada PERSGA waxa markii ugu horeysay ku bahoobey lix wadan waxaana la aasaasey 1982.

Hayada PERSGA waxa si weyn ugu ololeeyey Maamulada Somalilanad & Puntland ku wasoo ku guuleystey 1999 in si sharci ah Somaaliya uga mid noqoto labo xafiisna looga furo Berbera & Bosaso si xeebaha bada cas uga ilaaliyaan sumaha, kaluumeysiga sharci darada, wax u dhimista bay’ada & kheyraadka bada, madaama ay yihiin gobolada Somaliyeed ee kulaala xeebaha bada cas ee uu mashruucu ku saabsanayahay. 1999 sarkaalkii ugu horeeyay ee masuul ka noqdey xafiisyada somaaliya u qaabilsan waxa uu ahaa Eng Ali Farah Ali oo fadhigiisu ahaa Bosaso, Puntland.

Halkan ka akhriso wasiirada kaluumeysiga Puntland & Somalialand oo heshiiskaas u saxiixay dowlada somaaliya waqtigaas http://www.persga.org/inner.php?id=51

Hadaba waxaa wax lalo yaabo profesor Ibi inuu shacabka somaaliyeed uga dhigo mashruuc horey usoo jirey oo loogu talagalay in sunta looga ilaaliya xeebaha bada cas oo 20 sano soo jirey Somaaliyana ay ilaa 1999 kii ka mid aheyd inuu maanta uga dhigo mashuuc cusub oo lagula dirirayo Burcad badeeda subxaana laahi.

Mashruuca la dagaalanka burcad badeeda waa mid ciidanka bada laga rabo inay si ciidan ah ugala qeyb qaatan ciidamada ajnabiga ah ee badaha somaaliya ku sugan waana mid aan ka fursanayn in uu noqdo mid ciidanka bada oo Somaali u dhan tahay ay fuliyaan xeebaha ay dhibtu ka jirtana saldhigyo ciidan ku yeeshaan uuna noqdo mid qarin somaaliyeed u taagan saldhigiisuna yahan dhulka Somaaliya.

Marka waxaa wax laga yaxyaxo ah professor Ibbi oo hada ka horna hadalo sharafta dumarka somaaliyeed meel uga dhacayo ku khudbadeeyay isagoo orana (Sarkaal somaali ah ayaa xilihiisa ku casumay sarkaal xabashi ah) isagoo jooga London ayuu hadaladaas ku qudbadeeyay si uu umada u marin habaabiyo ilaa inta uu dantiisa gaarka ah ka gaarayo taasoo ah mida maant uu gacanta ku hayo oo uu ku amaanayo Itoobiyaankii uu hore u oran jirey ninkii la hadla gabadhoodu guur ma leh.

Waxaan shacabka Somaaliyeed uga digayaa in aan looga dhigay heshiis cusub ama howl cusub mashaaruuc 20 sano soo jirey oo todobo dowladeed oo Somaaliya ay ka mid tahay ka dhaxeeya.

Mashruuca PESRGA ma aha mid khuseeya bada hindiya waa mashruuc loogu tala galay bada cas oo keliya waxaan wadaaga wadamada dega badacas Jordan, Masar, Sacuudiga, Sudaan, Dijbouti, Yemen & Somalia (NE & NW Regions). Marka waxaan mar labaad kula talinaay Professor inuu ilaaliyo sumcada & sharafta xilka uu u hayo shacabka kana daayo beenta & marin habaabinta uu caadeystay. Xubnaha Baarlamaanka waxan kuala talinayaa inay xiriir la sameeyaan hay’ada PERSGA si ay u ogaadan been abuurka jira adreskeeduna waa

Wabilaahi Towfiiq

moalin

Eng. Ahmed M Moalin – Waharey

Ahmed.moalin@gmail.com (Sweden)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Professor Ibi Ha ka Been Sheegin Howlaha Hay’ada PERSGA ee Bada Cas | ENg. Waharey "

  1. Nugaal says:

    ascww.

    afkaaga caano dhay ah lagu qabay oo markaas hasha laga soo hoos qaaday oo xunbaduna kor tahay boowe ninkani wado xun buu ku jiraa lakin horay baanu ugu sheegnay oo aan ku niri pland dhaqaajisaye bal meelaha aad kasoo jeedo ticket aad riwaayadaha laga dhigo ku gasho ka raadso marka lacagtii ticket ayuu ku mashquulsan yahay.

    taariikhda waa sida ilaah kuu solan siiyay oo aduunyadan waliba odaygan waa danbuu baraarugaye taariikhda somalida wax badan buu in uu fahmaa loo bahan yahay dadkii wadankan taladiisa xiliga iyo nolosha iyo kharashka ku baxshay waa dadka kasoo jeeda NE, NW, waliba NE,

    walaalkaa kuu talin jiray wuxuu kaa mudan yahay xurmo iyo ixtiraam ee cuqdada ku jirta anigu oran maayo prof, waa ibbi adeerow cidna qabiil haku nacin adiguna noloshaada ha nicin waxa aad tahay reerka aad tahay ilaah baa kuu doortay xashaa lilaahiye dadkana ha ugu ciil qabin adeerow somali waa isku mid kaliya taariikhdaa iyo talinta dalkaa lagu kala tagay oo kaliya taasna haddii dadaal badan la moojiyo in aad soo dhawaatan waa macquul oo sida aad wax u wataan wax ka badashan.

    Nabadgalyo