Home » Islam »

Tobanka danbe ee Ramadaan : Fursad aan soo noqon doonin | Siciid

Tobanka danbe ee Ramadaan : Fursad aan soo noqon doonin

Asxaabi la odhan jiray Abu-Hurayra ayaa maaalin isaga oo suuqa jooga waxa uu dadkii uu la kulmay ee aduunka ku mashquulsanaa u sheegay in dhaxalkiii nabiga (CSW) dadka muslimiinta ah loogu qaybinayo Masaajidka Nabiga (CSW). Qaar badan oo ka mida dadkii maqlayay hadalkani waxa ay markiiba u carareen xagii Masaajidka iyaga oo is leh ka gaadha dhaxalkaas la qaybinayo. Markiise ay gaadheen halkaas kuma aysan arag dhaxalkii la qaybinayay ee uu Abu-Hurayra u soo sheegay. Iyaga oo yaaban ayay ku soo noqdeen Abu Hurayra waxayna waydiiyeen waxa ku dhacay dhaxalkii Nabiga (CSW) ee uu u sheegay in Masaajidka lagu qaybinayo. Abu Hurayra waxa uu waydiiyay waxa ay soo arkeen. Waxay ay u shegeen in ay soo arkeen oo kaliya dad diin baranaya iyo qaar kale oo cibaadaysanaya. Isaga oo hadaba raba in uu cashar muhiim ah baro dadkaas ayaa waxa uu ku yidhi “ miyayadaan ogayn in Nabiyada laga dhaxo oo kaliya diin iyo celmi ee aanay ka tagin maal aduunyo oo laga dhaxlo. Dhacdadani waxa ay markhaati u tahay sida qofka bani’aadmiga ahi uu markasta ugu da-daalo arinkii uu ogyahay in uu nafci aduun ugu jiro.  Ceebi kuma jirto in qofku uu ku dadaalo raadsiga aduunka laakiin waa in aanu aduunku noqon waxa kaliya ee uu qofku u noolyahay. Waa in la ogaadaa in ay jirto nolol kale oo tan aduunka ka danbayasa taas oo aan iyadu waligeed dhamaanayan. Hadaba nolashaas danbe iyadana waa in loogu dadaalaa si la mida ama ka badan sida loogu dadaalayo tan aduunka.  

Kalimadahan kore waxa ay horudhac u yihiin ujeedada maqaalkan oo ah baraarujin aan rabno in aanu akhristayaasha maqaalkan ku baraarujino fursad qaaliya oo hadii laga faa’idaysto qofka ilaahay ku dhawaynaysa. Fursadaasi waa tobanka habayn ee ugu danbeeya bishan barakaysan ee Ramadaanta. Hadaba qiimo intee le’eg ayay leeyihiin tobankan habayn ? sidee baynuse uga faa’idaysan karnaa?

Toban Habyn oo khyr iyo barako leh

Tobankan habayn waxa qiimo ugu filan in uu ku jiro habankii uu bilaabmay soo degitaanka Quraanku. Habaynkaasi waa habaynka LAYLATUL-Qadriga. Waa habayn barakaysn oo ka khayrb badan kun bilood (83 sano). Waa habayn dad badan laga xoreeyo ciqaabta iyo cadaabta Alle. Waa habayn qofkii Alle dartii iyo ajar doon u istaaga uu Ilaahay danbigiisii hore dhaafo. Qiimaha ay hadaba habayandani leeyihiin dartood ayuu Nabi Maxamed (csw) uu dadaalkiisa habaynadan u laban laabi jiray. Waxa uu la iman jiray cibaadooyin iyo acmaal ka badan kuwa uu la iman jiray habaynadii ka horeeyay tobankan.

Fursadan sidee looga faa’idasytaa

Fursadan waxa looga faa’idaysan karaa in la sameeyo arimahan 

  1. Habaynkii oo cibaado lagu nooleeyo. Nabigu (csw) habaynadan waa uu noolayn jiray. Waxa uu ku noolayn jiray Quraan akhris badan, dikriga Alle, Salaad, duco iwm.  
  2. In reeraha la kiciyo si ay khayrkan uga qayb galaan. Nabigu (csw)  habaynadan reekiisa waa uu toosin jiray si ay fursadan uga faa’idaystaan. Waxa aan is leeyahay dhaqankani waa dhaqan hadii la samayn lahaa uu Alle dhibaatooyin badan gudo iyo dibadba dadka Soomaalida uga faydi lahaa.  
  3. In qofkii awoodaa uu tobankan cisho masaajidka fadhiisto (ictikaafo). Sida ay Caa’isha soo warisay nabigu(csw)  tobanka cisho ee Ramadaan ugu danbeeya waxa uu ku ictikaafi jiray Masaajidka. Dhaqankan kama tagin nabigu (csw) ilaa uu ka dhimanayay.  
  4. In lagu dadaalo raadinta habaynka Layltul-Qadriga. Laylatul Qadrigu waa habayn ka mida habaynadan tobanka ah. Habaynka uu yahay la iskuma raacsana ka uu yahay laakiin waxa ay u badan tahay in uu ku jiro habaynada kisiga ah ee tobankan habayn ka mid ah. Waxa ayna ugu sii badan tahay in uu yahay habaynka 27 aad. Fadliga habaynkan kor ayaan ku soo sheegnay. Sidaa darteed waa in aad loogu dadaalaa sidii loola kulmi lahaa.  
  5. In khilaafka iyo doodaha aan khayrka lahayn laga fogaado, isla markaasna hadii ay jiraan cidii uu khilaaf idinka dhaxeeyo waa in aad la heshiiso. Waxa la soo wariyaa in cibaadooyinka dadka is khilaafsan aan kor loo qaadin ilaa ay ka heshiinayaan, Sidaa darteed hadii ay jiraan dad uu khilaaf idinka dhaxeeyo ku dadaal in aad la heshiiso.  
  6. In sadaqada la badsado. Khaastana in la bixiyo Sakooyinka fidriga iyo ta maaalkaba. Xusuuso in ay jiraan dad sida aad u soontay u sooma laakiin aan malaainta ciida hasyan wax ay ku ciidaan. Isku day maalmahan in dadkaa aad caawiso.

Gabgabdii habaynadani waa habayno barako iyo khayr. Hadii uu sanadkan Alle fursadan ku gaadhsiiyo ma hubtid in ay mar kale ku soo mari doonto fursadni ee ka faa’idayso. Walaalo badan oo sanadkii hore waqtigan oo kale inala joogay, sanadkan inalama joogaan oo aakhiro ayay u socdaaleen. Inagana waxa laga yaabaa in aynaan sanadka soo socda Ramadanteeda tobanka ugu danbeeya aynu gaadhi wayno ee daqiiqad kasta oo daqiiqadaha tobanka cisho ah aynu ka wada faa’idaysano faa’idaysano.  
 

Halkan ka daalaco maqaaladaydii hore. 
 

Siciid Cali Axmed 
 said.ali.ahmed@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.