Home » Maqaallo »

Muqdisho: Ninba Toogtii Ha Tanaagoodo | Dirham

Muqdisho: Ninba Toogtii Ha Tanaagoodo.

Dadka daldalanka badan, hadalkoodana uusan laheyn ujeedo iyo ka jeedo, micno badanna soo kordhineyn, iskana jecel in ay hadlaan goor walba, waxa ay hadda sheegaana waqti kadib aan meel ka soo qaadin oo iska dheh un arrintoodu tahay ayaa Soomaalida oo ku caanbaxday in ay wax naqdiyaan waxay ku tilmaamaan qofka noocaas oo kale ah mid iska hadal badan oo iska Tanaagoonaya, ereygaan Tanaagoosho ayaa micnaha uu ku fadhiyo lagu saleyn karaa noociisa qofka ku sifooba ereyada aan kor ku soo sheegay.

Dhinacyada ku hardamaya Siyaasadda ku dhisan Kursiga ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta waxay iska weydaarsadaan hadalo cabsi leh oo u muuqda kuwo si ficil ah u dhacaya kuwaas oo beer xanuun ku siyaadiya haraaga reer Muqdisho oo meel ay miciinsadaan la’, hadalada ay isweydaarsadaan dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho ayaa u badan goodis iyo in dhinac kasta dhinaca kale meesha ka saari doono maxay is yiraahdaan?,

haddaan wax kaa xasuusiyo dhinaca Dowladda Federaalka waxaa marar kala duwan hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Federaalka oo si kala duwan u hadlay inkastoo isku meel uu ku biyo shubanayay hadalkoodu, ku xigeenka dhanka Amniga Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Shaaweeye ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay wado qorshe ay meesha uga saareyso xoogagga ka soo horjeeda, waxa uu ka dhawaajiyey in arrintaasi ay meel wanaagsan mareyso, waxa uuna hadalkiisa ku soo gunaaday in Dowladdu sugeyso inta ay ka dhamaaneyso bisha barakeysan ee Ramadaan, hadalkii hore waa laga naxay balse markii ramadaanka kadib lagu iclaamiyey ayaa dad badan neef ku meel gaar ah ka soo fuqday, waxayna fursaddaas yar hal bacaad lagu lisay noqotay markii dhanka Xarakada Al-Shabaab gaar ahaan Afhayeenkooda Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) isna ka dhawaajiyey in dagaal uu ugu magacdaray (Riyaaxu Nasri) ay joogteyn doonaan inta lagu guda jiro Ramadaanka ilaa laga gaarnayo 10-ka bisha soo socota ee Shawaal,

waxaana meesha ka baxday rajadii ay shacabka tabaaleysan ee dhibanayaasha ah ka lahaayeen in ay bisha ramadaan ku dhameysan doonaan jawi nabdoon, waxay arrintu sii murugtay oo dadka qaarkii isaga carareen xaafadahoodii markii warkii Xarkada Al-Shabaab ka soo baxay sii ta’kiidiyeen Ururka xisbul Islaam oo isna guddoomiyahooda Sheekh Xasan Daahir Aweys ku tilmaamay sii socoshada dagaalada bisha ramadaan in ay tahay fursad wanaagsan oo la doonayo in laga faa’iideyso sidaas darteedna ay sii laba laabi doonaan dagaalada ay kala horjeedaan Ciidamada Shisheeye, dhowr jeer ayay dhinacyada iska soo horjeeda hadleen oo hadleen balse sidii laga cabsi qabay wax ma noqon, hadalada dhinacyaa ay isweydaarsadaan waxaa la dhihi karaa wax waa ka hirgaleen laakiin ma jirto cid ku guuleysatay ilaa iyo hadda in ay dhinaca kale meesha ka saarto, ramadaanka ka dib garoonka cayaartu ka dhaceyso ee Muqdisho sida uu noqon doono hadda lama sii saadaalin karo, waxaase wadnaha farta ku haya dad badan.

Xaaladda hadda Muqdisho ka taagan ayaa si weyn ugu dhow macno ahaan in la iska tanaagoodo, dhinac walibana uu hadalkiisa u dhigo sida ula muuqata, macnaha taasi sow kama dhignaan karto cabsi gelin dhinac kasta uu dhinaca kale ugu talagalay in dhowr beri uu cabsi ku soo tooso, yeyse cabsida ugu badan soo gaartaa?, waa dadka rayidka ah oo iyagu hurdada ka tagay lacala haddii wax yar ay helaana aysan aheyn mid kaafisa maskaxdooda oo nasasho fara badan u baahan maadaama uu daal fara badan ka muuqdo, maxeyse nastaan arrintu waxay noqotay ka dar oo dib dhal haddii la leeyahay geedka ayaa la soo fadhiyaa oo sabada guriga waa lagu soo dhow yahay, waxay noqdeen rayidku cidlo yuurar sugaya sida ay arrini ku dambeyso, dhanka kale murugada dadka qaarkii haysata ayaa kuwo kale qosol isku maaweeliyaan, waxayna leeyihiin qolodani waxba kama jiraan waxa ka soo yeeraya dhinac kasta, nin baa yiri “anigu waxaan u arkaa hadalkaa mar walba saxaafadda la isaga gudbinayo mid la iska yiri oo un dano gaar ah lagu ilaashanayo, dadka baqanayana waxaan leeyahay cabsida iska saara arrintu waa Ninba Toogtii Ha Tanaagoodo, haddaan nahay shacabka sidaas kuma faaruqi doono”, oo uu markaa ula jeeday dhinac kasta markiisa ha hadlo, waxa uu leeyahay ninkaani “haddii run la sheegayo maa la lays herdiyo oo lagu kala baxo, maxaa la isku feejinayaa oo laysaga soo horjeedaa, sow taasi uma eka keliya in layska tanaagoonayo (Maalaayacni)”.

Arrinta halka ay ku dambeyso waxaan u dayneynaa waayaha iyo qadarta alle, ma waxay ka dhabeyn doontaa iska hadal mise sirbaa duugan.

C/raxmaan Max’ed Aadan (Dirham)
cabdiraxmaandirham@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.