Home » Warar »

Maalinta Jahliga oo si weyn looga xusey Magaaladda Muqdisho

Maalinta Jahliga oo si weyn looga xusey Magaaladda Muqdisho

Sawirada Halkan ka daawo.. GUJI

Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtey manaasbad lagu xusayey maalinta la dagaalanka Jahliga oo ku beegan 8 –da bisha September waxaa Munaasabdaas ka qaybgaley madax ka soo Hayadaha Samafalka ,Macalimiin , ardey iyo Marti sharaf kale waxaana Xafladaan si wadajir ah u soo qaban qaabiyey Hay’adaha SOCWE , SSWT, COMDEC iyo SSSW waxaana Gacan ka geystey Ha’yadda African Education Trust oo marka la soo gaabiyo loo akhriyo AET Waxaana ugu horeyntii halkaa ka hadashey Gabar ku hadleysey magaca ka qay b galayaasha oo lagu magacaabo Muna Abuukar waxayna u mahadcelisey intii isku soo dubaridey Munaasabadaas waxayna sheegtey In dadka soomaaliyeed waxa ay dhibaatooyinka uga bixi la’ yihiin ay tahay iyagoo inta badan aan waxba Qorin waxna aan Akhrin waxayna u soo jeedisey Hay’ada Waxbarashada in ay dadaal u galaan sidii shacabka soomaaliyeed uga bixi lahaayeen Jahliga

Waxaa kaloo munaasabdaas ka Hadley Odey ku hadlayey magaca Odayaasha Dhaqanka oo lagu magacaabo Shiikh Cumar Gacan oo isna ku dheeraadey sida loogu baahan yahay in loo guntado sidii shacabka soomaaliyeed looga saari lahaa Jahliga , isagoo farta ku fiiqey in waxbarashadu ay tahay furaha Horumarka isla markaana ay ka qaybqaadan karto Nabadda

Waxaa kaloo ka Hadley Shiikh Maxamed oo ku hadlayey magaca Daladaha waxbarashada wuxuuna sheegay in Bi’aadamka uu Ilaah ku maneystey cilmiga taasoo uu sheegay in dadka looga baahan yahay in ay ku dadaalaan cilmiga si ay u gaaraan Horumar , wuxuu kaloo uu sheegay in daladaha ay u guntadeen sidii ummadda soomaaliyeed uga bixi lahaayeen Jahliga oo uu sheegay in uu yahay midka koowaad ee caqabada ku ah in dadka soomaaliyeed ay gaaraan nabad buuxda iyo Horumar

Munaasabdaas ayaa intii ay socotey waxaa Ruwaayad ka Hadleysey faaiidada waxbarashada ku soo bandhigey fanaaniin Soomaaliyeed , taasoo ay si aad ah ugu riyaaqeen ka qaybgalayaashii Munaasabadaas oo si weyn ugu qushuucay, sidoo kale waxaa goobta Xaflada ka socotey lagu xardhey Boorarar ka tarjumaya Faaiidada Waxbarashada , waxaa kaloo halkaas ka Hadley Axmed Diini oo ka socdey Ha’yada Tubta Nabadda wuxuu ugu horeyntii u mahadceliyey Hay’adihii isku soo dubaridey Xafladaas wuxuu sheegay in maalintaan ay tahay maalin weyn shacabka looga baahan yahay in ay ku Baraarugsanaadaan sidii ummadda looga saari lahaa Jahliga wuxuuna u soo jeediyey Hayadaha ku howlan waxbarashada in ay labalaabaan Howlahooda Waxbarasho si dadka u noqdaan dad wax bartey

jahliga1

Ugu dambeyntii waxaa munaasabdaas lagu xusayey Maalinta Jahliga ka Hadley Madaxa Hay’ada AFRICAN EDUCATION TRUST ee AET Mudane Ismaaciil Maxamed Cumar oo sheegay in Hayadiisa ay ku talaabsatey sidii ummadda soomaaliyeed uga saari lahaayeen Jahliga islamarkaana wuxuu sheegay in koopfurta soomaaliya ay ka fureen Fasallo waxbarasho oo lacag la’aan ah wuxuu sheeegay in ay wax bareen Kumaan soomaaliyeed kuwaas uu sheegay in ay ka baxeen wax Akhris la’aantii iyo wax Qoris la’aantii waxaana gabagabadii xafladaas Shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ardey Waxbarashadoodii dhameysatey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiikhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.