Home » Maqaallo »

Dr Ibbi ma Dulaalbaa mise waa Masuul Dowladeed | Farah Aw-Osman

Dr. Ibbi ma Dulaalbaa mise waa Mas’uul Dowladeed
 
Madaxda iyo masùuliyiinta caalamka waxaa lagu yaqaaney inay yihiin afraad ku caan baxay xilkasnimo iyo u heelanaan difaaca danaha dalkooda iyo dadkooda.  Sidoo kale waxaa caado u ahayd dowladaha caalamka kolkii xubin ka mid ah gollaha wasiirada uu kagalo shacabka iyo dalka khalad saamayn ku yeelankara aayaha iyo sharafta dalkaasi in shaqada laga eryo ama maxkamad la soo hortaago. 

Hadaba waxaa la yaab ah tan iyo intii dowlada uu hogaanka u hayo Sh. Shariif xilka dalka hogaanka u qabatay iska daa wax la taaban karo u qabatay dalka iyo dadka Soomaaliyeede inay ku dhacday ficilooyin laga yaxyaxay kuwaas oo ka soo horjeeda masùuliyada loo dhiibay oo ay ku dhaarteen inay ilaalin doonaan danaha dalka , difaaci doonaan sharafta iyo wadajirka ummada iyo inay si aan kala har lahayn ugu adeegi doonaan shacabka dowlada u ooman ee Soomaaliyeed.

Doorka Dr. Ibbi :

Dr. Ibbi tan iyo intii loo dhiibay xilka wasiirnimo iyo ku xigeenka raìisal wasaarenimo wuxuu isaga gooshayay daafaha caalamka, intii uu dalka gudihiisa ku sugnaana waxaa ka badan intuu dalalka reer galbeedka iyo qaarada Aasiya ku sugnaa.

Wuxuu wasiirkani ahaa ninkii bilaabay udubkana u ahaa dhacdadii lagu dhacayay laguna xalaalaysanayay Dhulbadeedka Soomaaliya iyo soohdin beenaadka badeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. 

Dr. Ibbi wakhti badan iskamuu dhumin balse laba asbuuc gudahood kolkii la dhaariyay dowlada Soomaaliya Sh.Shariif  waa 22 Febraayo, 2009, Dr. Ibbi wuxuu kulamo qarsoodi ah la galayay kuxigeenka Ergayga Gaarka ah ee Somalia Mr. Walad Cabdalle iyo Safiir Norwayji ah oo ka socda wasaarada arimaha dibada ee Norway. 

Fadlan eeg qormadan hoos ku qoray oo aan ka soo minguuriyay dacwadii Norway Qortay taas oo ay u gudbisay UN-ta iyagoo sheeganaya inay wakiil ka yihiin dowlada Soomaaliya. 

Waxaa intaa ka sii daran in:

  • Sida warqada ku cad Dr. Ibbi lagu wargeliyay howsha ay isla soo abaabuleen xafiiska Axmed Walad Cabdalle iyo Dowlada Norway
  • Waxaa iyaduna fadeexad kale ah taas oo kuu muujinaysa salfudaydka iyo fahamsanaan laàanta howsha way ay ku degdegeen gollaha wasiiradu, maxaayeelay laba maalmood kama soo wareegin kolkii gollahaasi qalinka ku duugay howshaan.
     
  • The new Transitional Federal Government of the Somali Republic was sworn in on 22 February 2009. At a meeting in Nairobi on 10 March 2009 between the Deputy Prime Minister and Minister of Fisheries and Marine Resources of the Transitional Federal Government of the Somali Republic, Professor Abdirahman Adan Ibrahim Ibbi, the Deputy Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Mr Charles Pétrie, and Ambassador Hans Wilhelm Longva from the Royal Norwegian Ministry of Foreign Affairs, the Transitional Federal Government of the Somali Republic was informed about the initiative of the SRSG and of the Norwegian assistance. At a meeting on 12 March 2009 the Council of Ministers of Somalia approved the submission by Somalia to the Secretary-General of the United Nations in accordance with SPLOS/183 of preliminary information indicative of the outer limits of the continental shelf beyond 200 nautical miles. The Council of Ministers expressed its gratitude to the SRSG, Mr Ahmedou Ould Abdallah, for his initiative and to the Government of Norway for its assistance.

Fadlan eeg qormada loo gudbiyay UN iyo sida ay u qoran tahay:

http://www.un.org/Depts/los/

Waxaa kale oo la yaab iyaduna ah in Ambassador Ahmedou uu inkiray inuu wax ka ogyahay arintaan halka ay warqadu marar badan ku soo celcelisay inuu ahaa ninkii howsha ula tegay Norway.  Sida ku cad lifaaqaan aan ka soo minguuriyay dacwada qalfoof badeed bogiisa 3-4:

  • On this background in October 2008 the Special Representative of the Secretary-General (SRSG) for Somalia, Mr Ahmedou Ould Abdallah, initiated the preparation of preliminary information indicative of the outer limits of the continental shelf of Somalia beyond 200 nautical miles from the baselines from which the breadth of the territorial sea is measured, to be submitted to the Secretary-General in accordance with the decision contained in SPLOS/183. In the preparation of this material the SRSG accepted an offer of assistance from the Government of Norway.  

Dr. Ibbi waa nin caqli badan maxaa yeelay ninka uu howshaan saxiixeeda ku qanciyay waa Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah, inagoo og ninka howsha bilaabay inuu yahay Dr. Ibbi , ninka wasaaradiisu ka masuulka tahay khayraadka badana uu yahay Dr. Ibbi.  (taasi waxay ku tusinaysaa inuu fahamsanaa khatarta iyo fadeexada ka iman karta howshana sidaa awgeed wuu iska dhowaray inuu noqdo ninka qalinka ku duugay)

Isku soo duuboo waxaa guul Soomaaliya u soo hoyatay ah in Baarlamaanku diiday heshiiska iyo in indheergaradka , aqoonyahanka iyo saxaafadda soomaaliyeed muujisay wadaniyad iyo isku duubni ku aadan difaaca dalka,sharafta, khayraadka iyo soohdinta badeed ee Soomaliya.

Fari kama Qodna Faanoole:

Ilaa iminka Raìisal wasaare Mr. Sharmarke iyo Madaxweyne Sh. Shariif kamay hadlin inay u hogaansami doonan goàanta baarlamaanka.  Sheekadu waxay u egtahay la jiifiyaana badnaan, taas oo ah wixii goàan ah ee baarlamanaku gaaro maslaxadayda u adeegaya waan taageeri wixii fiilooyinka aan xirxiray iyo heshiis hoosaadyada ka hor imanayana waan ka aamusayaa.

Carabtu waxay ku maahmaandaa (al Sukuutu Calaamatu Ridhaa) aamusnaantu waa calaamad ka raali noqosho, sidaa awgeed waxaa muuqada in Sh. Shariif dowladiisu ka gows adaygayso u hogaansanka goàanka Baarlamaanka.  Warar lagu kalsoonyahayna waxay sheegayaan in howshii weli hoosta ka socoto, balse waxaa laga soo weriyay Sh.Shariif inuu yiri Baarlamaanku waxay faraha la galeen how aysan lahayn.

Baayacaada Jabuuti

(Musiibatul Qowm Faaìidatul Qowm), musiibadii ummad ku habsataa waxay faaìido u tahay ummado kale, hadaba burburkii Soomaaliya waxaa ka faaìidaystay guud ahaan qaarada Africa gaar ahaan dalalka deriska ah, haday ahaan lahayd boqolaalka kun ee qaxootiga ah ee dalalkooda ku sugan , haday ahaan lahayd maalgelinta Malaayiinta Doolar ah ee ganacsatada Soomaaliyeed gashatay dalalkaas, haday ahaan lahayd ciidamada, xafiisyada UN iyo ururada caalamiga ah ee ku sugan dalalka deriska kuwaas oo ahdaaftoodu tahay Soomaaliya.

Waxaa hadaba jira wax afka qalaad lagu yiraahdo (outsourcing) oo micnaheedu tahay inaad siiso dalkale ama umad kale howl aad adigu qaban karto ka faaìidaysan karto , sida shaqo abuur, iyo in wixii qalab ama faaìidooyin kale ah inay adiga kuu soo haraan xataa markii howshii ama mashruucii dhamaado.

Sidaa awgeed waxaa fajacisadii labaad noqotay kadib markii dowlada Soomaalidu qalinka ugu duugtay Dalka Jabuuti ogolaansho la xidhiidha in xarun weyn oo hoy u noqon doonta la dagaalanka burcad badeed laga sameeyo Jabuuti.  Sidoo kale waxay qalinka ku duugeen in ay jabuuti hoy u noqoto xerada tababarka ciidamada badda ee Soomaaliya.

Heshiiskaasi wuxuu caalamka tusinayaa ama laga dhadhansan karaa:

  • In dowlada Soomaaliya aysan ahayn mid karti, aqoon iyo waaya aragnimo u lahayn heshiisyada caalami ee ay saxiixayaan
  • In aysan ahayn dowlad u carbiyaysan ama diyaar u ah difaacad soohdinadooda, Bad iyo barri
  • In aysan awood u lahayn difaaca Dhalinta dada yar ka buuxa xabsiyada dadlalka caalamka kuwaas oo lagu soo eedeeyay fal burcadnimo
  • In aysan waxba ka qabin in shadii ay ahayd in iyagu qabtaan sida difaaca xeebaha, unkista iyo carbiska ciidamada amniga in ay dalalkale ku qaraabtaan oo howshaas iyagu ka faaìidaystaan, inagoo og dhibaatada bud dhiga u ah burcad badeedu inay tahay shaqo laàan baahsan oo ka taagan Soomaaliya.

Waxaa intaa ka sii naxdin badnayd in ninka howshaan qalinka ku duugan uu yahay Dr. Ibbi aabaha ama macalinka dulaalnimada iyo xaraashka qaranimada iyo sharafka Soomaaliyeed.

Sida ku cad qodobada goàankii ka soo baxay shirkii ka dhacay New-York, 10 September, 2009 kaas looga arinsanayay burcad badeed Soomaliyeed waxa shirka danbe ee (international Contact Group)  laga sugayaa Dowlada Soomaaliya iyo wakiilka qaramada midoobay Mr. Walad Cabdalle inay soo bandhigto talaabooyinka iyo mashaariicda wax looga qaban karo burcad badeedka gaar ahaan mashaariic barriyeedka .

  • The Contact Group requests the Somali TFG and the Special Representative of the Secretary-General for Somalia, who is the Chair of the International Contact Group for Somalia, to concretely address land based initiatives to combat piracy through the agenda of the International Contact Group in its forthcoming meetings, in parallel with the activities of the Contact Group.

Fadlan goàamadii shirkaas ka akhri halkan:  http://www.state.gov/r/pa/prs/ps/2009/sept/129143.htm

Sidoo kale waxaa qodobadaas si qayaxan ugu cad sanduuqa dhaqaale uruuris ee loogu magac daray IMO Djibouti Code Trust Fund, kaas oo durba wadamo ay ka mid yihiin jabaan lacagtii ku shubeen , halka dowlado kale oo badan ay balan qaadeen inay lacag ku soo shubi doonana.  Hadaba waxaa isweydiin mudan lacagtiisa halka loogu talagay taas o ah wadamada dariska ah, balse aan lagu xusin Soomaaliya.

Fadlan fiiri qodobka ka hadlaya Djibouti Code Trust Fund:

  • The Contact Group welcomes the establishment of the IMO Djibouti Code Trust Fund (Multi-donor Trust fund-Japan initiated) and expresses its expectation that the vigilance against pirates off the Coast of Somalia will be further strengthened when the anti-piracy information sharing centres in Kenya, Tanzania, and Yemen, and the training centre in Djibouti start their operations. It encourages other participants to contribute financial support to this fund.

Waxaase naxdinta iyo qayri masuulnimada ugu wayni tahay in marka shirka looga arinsanayo mushkilada burcad badeedka Soomaaliyeed ka socdo New-York , waxaa Dr. Ibbi oo ah masuulka wasaarada badda uu hurdaa Hotelka Djibouti Palace Kempinski halkaas oo uu qalinka ku duugay heshiis wixii awood qaranimo ee soomaaliyeed haray u hibeeyay Jabuuti iyo wadamada dariska ah. 

Ficilkaanu wuxuu xoojiyay warar la isla dhex wareegayay beryahaan oo ku saabsan in shariifka iyo Cumar Cabdirashiid khilaaf arimahaan ku aadan soo kala dhexgalay.

Habada akhristow ayaan darada haysada Soomaali waxa weeyaan in hadba dowlad aan u qalmin ummada ay hogaanka u qabato , maanta waxaa taladii dalka haya koox xer diimeed ah oo safiino salaadka loo soo loox jiiday iyo Dr. Eng. Iyo Profesooro  Camal ka dhigtay dulaalnimo iyo xaraash ay qalinka ku duugista wax kasta oo ay lufluf aan lagu waarayn laga heli karo, iyagoon eegay masuuliyada saaran, ilaalinta sharafka iyo mustaqbalka dalka iyo dadka.  Ilayn hadaad dhimanaysid dhareeka waa la iska duwaaye,xataa garan waayay inay is adkeeyaan oo suunka dhexda ku dhuuqsadaan.

Talo:

  • Hadii aan labada khayaano qaran aysan ka noqon dowlada ay hogaanka u hayaan Sh. Shariif iyo Mr. Sharmaarke , waa in baarlamaanka la horkeenaa si ay uga jawaabaan dhacdooyinkan, sidoo kale waa in lagu khasbaa inay ku dhawaaqaan ka noqo shada foolxumadan lagu bahdilayo badaxbanaanida iyo sharafta ummada Soomaaliyeed
  • Waa in dowladaani is casishaa shacabkana u sheegaan inay ku fashilmeel wixii ay Eebe hortii ku dhaarteen
  • Waa in Dr. Ibbi shaqada laga eryaa maadaama uu yahay udubka labadan dhacdo oo foosha xun
  • Waa in Puntland dowladeedu ay kalsoonida kala noqotaa Dowlada Sh. Shariif , maadaama waxa lagu qaraabanayo ay tahay dhibaato Puntland xeebaheeda ka taagan
  • Sidoo kale waa caalamka laga dhaadhacshaa in dhibaatada burcad badeedku tahay mid barriga ka soo bilaabatay sidaa awgeed , la helaa xal barriga lagu fulinayo sida shaqo abuur dhalinyarada , xoojinta , qalabaynta iyo tababarka ciidamada amniga iyo kuwa ilaalada xeebaha

Farah Aw-Osman
Awosman@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Dr Ibbi ma Dulaalbaa mise waa Masuul Dowladeed | Farah Aw-Osman "

  1. A.Deeq says:

    aw faarxa maqaal dheere waad qortay laakiin soo ma ogid malaayiin qof inay aqrisanayaan lana fahmayo difaaca beri dhowayd buu sheegtay madaxwaynaha burcad badeedka inuu xurun uga dhigo maamulkiisa xaaraank ku noolayaasha oo la wada ogsoon yahay faroole inuu walaakii mas’uul uga.yahay waxa ka dhacaya gobalka Eyl iyo bari maamul burcadeedka puntland, marka walaal aw-cusmanow tuuga wax dhaca polis baa loo diraa ee tuug tuug looma diro soo ma ogid dowladana waxay ogtahay inuu maamulkaas burcad badeed ayaga ka dambeeyaaan.

  2. abdikarim says:

    ok waasalamantihiin dhaman waxaan ibbi isla raacnay diyaarad 09/10/06 wuxuu waday labanin oo cadaana kolay wuxuu ahaa dalal koodii wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsan DFKG ee xiligaas oo ay baydhabo daganay isna xamar ayuu iga soo raacay mucarad iyo muxaafid buu ahaa

  3. Mustafa says:

    Salaan sharaf dhamaan akhyaarta golahan.
    Waxaa wanaagsan in wixii hadda ka dambeeya in magaca “wasiirka” laga dhigo ama loogu yeero “Dr iibi” sababtoo ah ninku waa nin wixii uu soo gaaro iib(beecin)ula taagan.

  4. owrweyne says:

    farh ow usmaan waxaa tahay aqoon yahay waayo aragnimo ku filan leh anigu maaqaan sida title ninkaan u ku qaatay prof waayo prof laiskama noqdo waa mooryaaaaaaaaaan iyo dulaaaaaaaaaal la yaqaaaaaaaaaan dulaalnimadiisa

  5. Run-sheeg says:

    To ina Aw-Osman
    soomaliya markii ay burburtay dowladii dhexe, waxaa sameysmay dowlad goboledyo etopia ka danbeysa si ay u qaybiso dadka iyo dalka.
    marka Puntland waa mid ka mid ah kuna doodeysa federaal laakiin u muuqdo sida dowlad madax-banaan waana xukun jaceyl iyo hunguri weynin lagu yiqiin, ee waxaanu leenahay imaanka is geliya ee ka danbeeya dowlada midnimada qaran, non federal.
    maxaase ciidan badeed lagu taba baraa oo ay suurto-gal u tahay maadama meesha waxa xukuma ay burcad-badeedu ka tirsan tahay.

  6. Mahad Guleed says:

    Aad ayaad u mahad-santahay waana jecel nahay inaan aragno dad marwalba u taagan daafaca qaranimada soomaaliya, Allaha kaa ajarsiiyo