Home » Badda, Warar »

“..Heshiiskii Isfaham uma baahneyn in Baarlamaanka la geeyo…” Wareysi – Wasiirka Tiknaloojiyada iyo Cilmibaarista DKMG Xagaa

Wasiirka Tiknaloojiyada iyo Cilmibaarista DKMG Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa “…heshiiska Isfaham uma baahneyn in Baarlamaanka la geeyo…” wareysi xiiso badan

XAGAA: “madaxweynuhuna waa ka hadlay  waxaa uu yiri, arrintaasi Baarlamaanku si khaldan ayey u fahmeen…”

Wasiirka Tiknaloojiyada iyo Cilmi Baarista Dowlada Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa oo aan wareysi gaaban oo dhinacyo kala duwan taabanayey kula yeeshey Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti 11/09/2009-ka, intii aysan ka dhoofi, ayaa ka hadley waxa ka soo baxay booqashadii ay ku yimaadeen dalka Jabuuti, waxa u qabsoomey dowlada intii ay dalka dib ugu noqotey, halka uu ku dambeeyo heshiiskii Is-afgarad oo baarlamaanku uu diidey iyo in socdaalkooda ay sii wadanayaan iyo in kale isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yiri:

 “safarkeenu wuxuu ahaa in labada madaxweyne ay is akh-baar weydaarsadaan waxa ku soo biirey Arimaha diinta iyo siyaasada Soomaaliya, waxyaabo fara badan oo fiicana wey ka soo baxeen oo si wanaagsan ayuu ku dhamaadey”

xagaa4Xildhibaan Xagaa mar aan weydiiyey waxa u qabsoomey dowlada intii ay dalka dib ugu laabatey ayaa wuxuu yiri “waxyaabo fara badan ayaa inoo qabsoomey, inkastoo weeraro lagu soo qaadey, iyadoo bil aysan dalka joogin, deegaanada xiligan ay gacanta ku hayso nabadgelyo laysku haleyn karo ayaa ka jirta, dowladuna way shaqeyneysaa gudaha iyo dibadda guulo waaweyn bay ka soo hoysey, qayb ka mid ah mucaaradkuna wadahadalo ayaa inoo socda, magaalada muqdisho xaaladeeduna waad la socotaa mucaaradkii waxay noqdeen Idaacad ku nool, sababtoo ah waxay sameeyaan arbushaad, mana ahan xiligan kuwo awood leh oo meel qabsankara, xoogooduna maalinba maalinta ka dambeysa way sii daciifiyaan, mana jirin ujeedo siyaasadeed oo dagaal lagu hogaamiyo ee ujeedkoodu wuxuu ahaa dowlada Qoorta kaga duubnaada, arbushaadooduna wey dhamaandoontaa marka ay soo gebageboobaan Qorshayaasha dowlada ee lagu habeynayo ciidamada iyo abaabulka shacabka, nimankan mucaaradka ah shacabkii khaati ayey ka taagan yihiin mana jecla, dhowaana hadii Alle idmo caasimadu waxay kusoo wareegidoontaa gacanta Dowlada, dalkuna si tartiib tartiib ay isugu balaarin doontaa dowlada, waxaana filayaa in Ummadda Soomaaliyeed ay garab istaagi doonaan dowladooda”.

Mar aan weydiiyey Wasiirka Cilmibaarista iyo Tiknaloojiyada DKMG Md, Xagaa  Xukuumadu dalabaadkii ay u gudbisey Baarlamaanka ee heshiiskii Is-afgarad, islamarkaana uu baarlamaanku diidey ansixintiisa, halka uu ku dambeeyo arrimihiisa ayaa wuxuu ku jawaabey  “heshiiskaas arrimihiisa Baarlamaanku waa diideen, Xukuumaduna way isku raacdey, madaxweynuhuna waa ka hadlay  waxaa uu yiri, arrintaasi Baarlamaanku si khaldan ayey u fahmeen, marka xiga heshiiskaasi Isfaham uma baahneyn in Baarlamaanka la geeyo, laakiin waxaad moodaa in dad badan ay ku kiciyeen tushuush, wuxuuna noqdey arrin xasaasi ah, markii ugu dambeysey madaxweynuhu wuxuu yiri waxaanu u saaridoonaa khubaro Soomaaliyeed oo arinta is waafajiya oo mush-kiladaha ka imaanaya dadka ay u sharxaan, taasina way socotaa, xagii kale ee International-kuna waa uu ka socdaa wuuna fiican yahay”!!.

Sidoo kale mar aan weydiiyey Wasiirku in heshiiska Is-afgarad Qaramada midoobey ay go’aan ka gaaridoonto bishan aynu ku jirno marka waxa  u qorsheysan oo ay kaga jawaabayso dowlada arinkaas ayaa wuxuu yiri “walaahi xog dheeraad ah kama hayo xiligan, waxaana jooga Wasiirkii qaabilsanaa arintaas, waxaana jeclaan lahaa inaad isaga weydiiso”.

xagaa2
Xildhibaan/Wasiir Maxamed Cali Xagaa

Wasiirka mar aan weydiiyey su’aal ahayd Waxaa nagu maqaalo ah isku shaandheyntii uu Ra’iisul Wasaaruhu Golihiisa Wasiiradda uu ku sameeyey in ay ku timid khilaaf isaga iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiiradda marka arrimahaas maxaa ka jira waxa uu ku jawaabey “taas waxay ku fiicneyd in Ra’iisul Wasaaraha la weydiiyo, laakiin aniga Xukuumada ayaan ka tirsanahay ma ogi wax khilaaf oo ka dhex jira Xukuumada, sababtoo ah Wasiir waa la dhaliili karaa Jago kale waa la geyn karaa, taasina waa awooda Ra’iisul Wasaaraha”.

Ugu dambeyn Maxamed Cali Xagaa mar aan weydiiyey Safarkiinu ma dalall kale oo caalamka ah ayaad uga sii gudbidoontaan mise dalka ayaad dib ugu noqoneysaan ayaa wuxuu yiri “Safarkeenu xiligan wuxuu ku kooban yahay Jabuuti, balse marka aan dalka dib ugu noqono waxaa laga yaabaa in safari kale la aadi doono” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Wasiir Maxamed Cali Xagaa.

AKHRI: Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka Dhoofey Dalka Jabuuti (Sept 11, 2009)

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia... Sheikh Shariif Soomaalida deggan Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta xukuumaddiisa ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya… AKHRI...Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia… Sheikh Shariif Soomaalida deggan Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta xukuumaddiisa ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya… AKHRI…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " “..Heshiiskii Isfaham uma baahneyn in Baarlamaanka la geeyo…” Wareysi – Wasiirka Tiknaloojiyada iyo Cilmibaarista DKMG Xagaa "

  1. Magaca Shiikh Shariif wax isa raaci
    kara ma ahaa, marka intaas ayaa kaaga
    filan ninka madexweynaha soomaaliya looga
    dhigay.

  2. Horta Somalitalk.com way mahadsan yihiin
    sida wanaagsan ee xil-kasnimada leh ee aad arrimaha Soomaliya uga qayb qadateen
    Allaah waxaan idinka rajeynayaa inuu
    garabkiina galo. Wadankii niman aan wax
    taariikh ah lahayn ayaa laga adeejiyey,
    marka Allaah ha ka samata bixiyo dhibka
    iyo fool-xumada uu ku sugan yahay.

  3. maxamuud says:

    horta waxaan marka hore salaamayaa webka sharafta iyo qiimaha leh somalitalk.com
    waxaan in yar ka hadlayaa fikirkayga anigu aad baan uga welwelsanahay arintaas ay jaahiliinta wasiirada sheeganaya ku dhaqaaqeen ee ay waliba isla sii saxan yihiin. waxaanse kale oo aan la yaabanahay xalaal iyo xaaraan maalin cad ayaa ilaahay kala saaray markii nin dhan oo madaxweyne sheeganaya oo umadd dhan ay soo eegayaan la weeydiiyo su,aal cid walba masuuliyadi kasaaran tahay ay isu dhaafinayaan oo u danbabasayaan.ma iyagaa jaahiliin khaaimu waddana mise shacabka soomaaliyeed 10ka milyan ayaa khaldan.madaxweynayaasha aduunku shacabkooda way u sheegaan wixii markaas u baahan in lacadeeyo.anigu sheekh shariif shaqsiyan waan is naqaan waxaana wada joognay libya waxaana fadiirada waa kimise aan ku wada cuni jirney aqalkii UNta ay siisay qaxootiga markaa ninyohow shariif dhulkeena iyo badeena iskumaynan ogayn in muse watangula loo saxiixoo ee sheekadaas haloo cadeeyo umadda soomaliyeed

  4. cabdinaasir says:

    Run ahaantii,Somalidu way iska jeceshahay dowlad in ay u dhalato,,hadana kooxda tan ee dowladda sheeganeysaa anigu dowlad uma aqaano,sababtuna waxay tahay dowlad waxaa lagu yaqaan in ay Cadowgeda dalka ka difaacdo,tusale,, wasiirka kuwa dowladda sheegtaa hadii uu maanta Kenya u safro,sida shacabka somalida loola dhaqmo ayaa loola dhaqmayaa,qof somali ahna dhib kama badbaadin karo ilaa tiisii ayuuba u mel layahay,wasiir kenya ahna hadii uu somalia aado xataa lama waydiinaayo passport sidii dalka uu leeyahay buu kadagayaa meeshuu doono,qoladan dowladda sheegeneysaa waa koox lagu qaraabto hadba cidii somalia kheyraadkeda guraneysa ayaa koox soo dhoodhoobta waana kuwii yoo kale

  5. Maxamed Soomaali says:

    Dowlad aan iyagaba is aqoonsanayn oo kala hadlaya sidee taageero uga helayaan shacabka, teeda kale waa maxay heshiisyada la iska galayo dowlada ma iyadaaba wadan maamusha ragan ku doodaya baarlamaanka ayaa si qalad ah wax u fahmeen arinta fahan uma baahna waa iska cadahay “koox juhalo ah ayaa raba in badii Soomaaliyeed ay hadiyad ku bixiyaan” taana wax la aqbali karo maahan.

  6. halkaan waxaan ka salaamayaa bahda somalitalk.waa ku mahadsan yahiin,isku hawlida danta qaran, waxaana billado idin siindoonta taariiqda.waad mahadsan tahiin.Abdishakur