Dowlada Jabuuti iyo Dowlada FKMG Soomaaliya oo Heshiis Dhinaca Xarunta la Dagaalanka Burcad Badeedda Ku Yeeshey Hoteel Kempinski ee Caasimada Dalka Jabuuti 10/09/2009 shir jaraa’id
Dowlada Jabuuti iyo dowladda FKMG Soomaaliya ayaa isla gaarey Heshiis ka kooban dhowr qodob oo dhinaca baddaha ku saabsan oo looga soo horjeedo Arrimaha Burcad Baddeeda, xaalufinta kheyraadka Badda, wasakheynta iyo ku xad gudubka daddyowga kaluumeysatada ah ee ku nool Xeebaha Khaliijul Caddan iyo Badweynta Hindiya, islamakaana baaq u jeediyey International Community-ga.
Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabeynta Dowlada Jabuuti Md, Cali Xasan Bahdoon Iyo Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ahna Ra’iisul Wasaarre ku Xigeenka Xukuumadda KMG Soomaaliya Prof, Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) oo shir Jaraa’id ku wada qabtey Hoteel Kempinski ee Caasimadda dalka 10/09/2009-ka ayaa wasiiraddan shirkooda jaraa’id waxay uga wada hadleen arrimaha la dagaalanka Burcad Badeeda, mushkiladaha ka taagan dowladaha ku xeeran Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ee khaliijka Caddan.
Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabeynta Md, Cali Xasan Bahdoon oo ugu horeyn halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu yiri “waxaan halkaan ku soo dhaweynayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Kaluumeysiga kheyraadka Badda Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim oo la socdey wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo aan kulan ku yeelaney shaley halkaan oo ku saabsan arimaha Burcad baddeeda iyo mushkiladaha k taagan Baddaha Soomaaliya iyo khaliijka caddan ayaan dhowr qodob isku raacney, waxaana ku soo dhaweynayaa Wasiirka Cabdiraxmaan Aadan”, inkastoo Md, Cali Xasan Bahdoon uu baaqii uu jirka jaraa’id ku soo jeedinayey ku akh-riyey Faransiis, hadana muhiimada hadii aan idiin soo koobno waxaa sheegay.
Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ahna Ra’iisul Wasaarre ku xigeen Prof, Cabdiraxmaan Ibbi oo gunaanadkii halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu yiri “mahadsanid mudane Bahdoon, wasiirka Badda iyo Tarisboorka iyo Qalabeynta, waxaa sharaf ii ah wadahadalkii shaley aanu yeelaney iyo kuwii ka horeeyey ee goos gooska ahaa ee aan ku soo yeelaney kulankii ka dhacay dalallk Imaaraadka magaalada Dubai oo aan hore uga soo wadahadalney sida loo badbaadin karo Noolaha Badda ku jira, sida loo badbaadin karo gaadiidka badda mara oo ka bilaabaneysa Khaliijul Caddan ilaa Badweynta Hindiya oo ah badda ugu dheer 3333Km oo mrka lagu daro noqoneysa 4000 Km, aynta tahay Baddaha Afrika ugu dheer oo hadana ugu dhibka badan ah, aniga iyo wasiirka markaan si taxadar badan aan uga hadalney, dhibaatada ka jirta badda Soomaaliya, waxaan isla garaney in la dardar geliyo dhowr qodob oo muhiimad ay leedahay.
1-marka hore Xarunta tababarka lagu siinayo ilaalada Xeebaha Baddaha ee Gobolka oo aan doonayo inaan si fiican u qeexo, waa Ilaalada Xeebaha Badda Gobolka oo ay ilaalinayaan dadd shacab ah ee ma ahan dadd Militeri ah in la dar dargeliyo meel marinteeda, laguna bilaabo tababarkaas dadd badan oo Soomaali ah oo suurta geliya inay ka caabiyaan dhibaatada hada ka taagan ee Burcad Baddeeda Gobolka Soomaaliya iyo Jabuuti.
2-qodobka labaad waxaanu ku heshiiney in la ilaaliyo lana dhowro Bay’ada ay ku fadhido ee (marine ) Afka qalaad lagu yiraahdo oo preserve Marine lives oo u sameyneysa noolaha badda ku jira ama ha ahaado mid xayawaan ah ama mid dhireed ama mid uu ilaahay ugu talo galey inuu ku dhex noolaado Badda.
3-in la dar dar geliyo dugsiga dadka ku soo xaroonaya iyo maclimiintaba inay door wanaagsan ka qaataan barashada sharciga ilaalinta Xeebaha oo aan lagu xadgudbin xuquuqda noolaha badda uu leeyahay iyo waxa badda ka dhex shaqeynaya.
4-in la yareeyo waxyaabaha loo yaqaan (Negative impact) dhibaatada ka imaan karta Burcad Badeeddka iyo dadka ku nool agagaaraha Xeebaha, ka bilow xeebta Jabuuti meesha ugu xageysa ilaa iyo inta Gobolku ka kooban yahay ee sixiixdey heshiiskan in laga dhiga Jabuuti Xarunta Tababarka, dowladihii shirka ku qaatey ee sixiixdey oo aan xasuusanahay in ay gaarayaan ilaa iyo 9 dowladood in la tixgeliyo oo la daryeelo.
dhibaatada ugu xooga badan waxay tahay waxaa yaraadey dalxiisayaashii Gobolka oo dhan kuwii imaan jirey iyo Ganacsigii meeshii 40 markab imaan jirtey oo aan maanta imaaneyn, in dadkii ka kaluumeysan jirey badda oo aysan ka kaluumeysan Karin Badda cabsi darteed kuna dhiiran Karin in baddii ay aadaan, arimahaas oo dhan markaan fiiriney, waxaan go’aansaney inaan arrintan ka shanqarinio, si geesinimo leh anigoo wax badan uga mahadcelinayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo aabo uga ahaa nagu soo jiidisteeda, dhibaatada jirtaa dareen badan bay ka sameyneysaa, waxa maanta dareen gelinaya Afrika waxa ay tahay Xeebaheena oo aan aad looga warqabin.
waxaana u mahadcelinayaa Wasiirka Bahdoon, waxaana wax badan iska bedelidoona marka xarunta la dhiso, waxaana ku darsanayaa in International community-ga ay ku sameeyaan wax alaale wixii suurtagelin kara in ay furanto xaruntan oo bilaabata tababarkeeda, waqtigii loogu talo galey iyo dhaqaalihii ku bixi lahaa, waxaan balan qaadeynaa hadii aanu nahay Soomaali, maadaama meesha ay tahay dalkayaga wixii nalooga baahdo oo dhinaca sharciga badda ah, maadaama aanu hayno dadd khibrad u leh xaga arrimaha badda inaan ku darno wixii suurtagal ah inaanu keeno macaal Wasiir aad baan kaaga mahadcelinayaa”.
labada wasiir, Hiraabe iyo Wakiilada Wasaaradaha dalka jabuuti ee ka joogey heshiiskaas.
Shirkan jaraa’id ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka kala socdey qaybaha wasaaradaha Xukuumada Jabuuti oo uu ugu horeeyo wasiirka Cali Xasan Bahdoon, wakiilo ka socdey wasaaradda arrimaha dibadda iyo xubno kale, halka Soomaaliya ay ka joogeen Wasiirka Prof, Ibbi iyo Arime ilaaliyaha safaarada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe.
Ibbi iyo Bahdoon oo isu gacan qaadaya.
Hase ahaatee mash-ruucan la dagaalanka burcad badeeda ayaa wuxuu ahaa mid ay isku riix riixayeen dowlado kala duwan oo ka tirsan caalamka, kuwaasoo isugu jira Afrikaan, Carabi iyo kuwo kale oo aan la shaacin, balse dowlada Jabuuti oo aan hore ugu jirin hawshan islamarkaana xaqa u leh in laga fuliyo mash-ruucaan, maadaama uu xiriir dhinac kasta ah kala dhexeeyo dalka Soomaaliya, Soomaaliyana ay tahay xiligan meel u baahan in wax badan laga qabto ayna yihiin Ood wadaag ayaa ku guuleystey halka laga dhigayo xaruntiisa, taasoo in mudo ah uu u xayirnaa, isku dayo fara badan oo ay sameeyeen qaar ka mid ah Wasiiraddii Geedi iyo isaguba ayaa ku guuleysan waayey in ay isla fahmaan Hay’adda Baddaha Caalamka u qaabilsan Qaramada midoobey, sidoo kale waxaa ku guul dareystey Xukuumadii uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa Nuur Xasan Xuseen, waxaa la filayaa in mash-ruucan uu noqondoono mid lagu guuleysto, maadaama Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu hore ugu guuleystey isku dayo badan oo dhinaca arrimaha Soomaaliya, waxaa uuna mudan yahay in loogu Tahniyeeyo, islamarkaana loogu hambalyeeyo mustaqbalka.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Soomaaliya Prof, Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo Faah faahin ka Bixinaya Heshiiska iyo Sida uu ku Yimid “wareysi”
Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Soomaaliya Prof, Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo aan wareysi gaar ah kuala yeeshey Markii uu soo gabageboobey shirka jaraa’id ee labada wasiir kadib Ujeedadda safarka ay u yimaadeen wafiga madaxweynaha uu hogaaminayo, waxa ka soo baxay kulankii labada madaxweyne, cida maalgelineysa Xaruntan cusub iyo cida bixineysa tababarka ciidamada lagu soo xareynayo, halka ay ka imaanayaan, sababta loogu doortey in laga in laga furo xarunta ladagaalanka Burcad Badeedda xeebaha Soomaaliya iyo su’aalo kale oo muhiim ah ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yiri
“booqashada aan ku nimid halkan waxay ahayd, martiqaad rasmi oo uu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ka heley Madaxweyne Sheekh Shariif, runtii barnaamij aad u balaaran oo looga hadlayey xaga arrimaha Amniga, nabadgelyada iyo horumarinta arimaha Bulshada ayuu ahaa, waxaa keloo Kulankii labada madaxweyne ka soo baxay oo ay abuurtey in Xarunta tababarka ka hortaga burcad badeedda laga sameeyo dalka Jabuuti, taasoo anagu dowlad Soomaali ahaan aan gacan ku siineyno dowlada Jabuuti xaga maclimiinta tababarka bixineysa si dowrkii la dagaalanka arrimaha burcad badeeda ay meesha uga muuqan lahayd, bacdamaa Soomaalidu lagu tuhmey dadd khubaro ah oo aad ugu wanaagsan dhinca badda sida Admiralka ciidamada Badda Soomaaliya ahna daddka lagu tuhmo in aqoon badan uu u leeyahay Badda Gen, Faarax Qare, aduunyaduna waxaad moodaa in ay daneynayaan in laga dhigo hawsha mid shacbi oo aan laga dhigin mid Ciidan, sida maalgeliyayaasha oo Tababaraya ciidamada ilaalada Xeebaha Badda in lagu tababaro xarunta dhexe.
iyadoo dhibaato ay yeelan doonto, hadana waxay yeelanayaan ciidamadaan 3 waji, ka hortaga burcadd badeeda, suntan lagu shubo baddaha, khaluunka la dabargooyo ama la xaalufiyo, community-ga degan xeebaha oo lagala qayb qaato haorumarintooda, arrimahaas ayaa loo xilsaarey xaruntani in ay dar dargeliso, dhaqaalaheeduna waxaa bixinaya dowlada Jabaan”
Mar uu ka hadlaayey sababaha looga furey xaruntan maadaama halka dhibku uu ka taagan yahay ay tahay Xeebaha Soomaaliya ayaa wuxuu yiri “ sababta ugu weyn waa dall Xeeb leh xeebteeduna degan tahay oo waaya aragnimo fiican u leh burcad Badeedda, waayo waxay ku taalaa khoori yar oo qalooc ah, marka xiga waa meel amaan ah oo International community-ga ciidamadooda oo dhan saldhig ku leh oo meeshii la doono in la weydiisto tababar in ay ka bixiyaan si sahal ah ayaa loo heli karaa, maraakiibtii badaha Soomaaliya ilaalinayeyna wey ku soo xirtaan, waxayna noqotey meesha ugu sahlan maadaama dadka la tababarayo ay yihiin Soomaali dhaqanka lagu tababarayo uu dhul Soomaali yahay, waxa wax laga qabanayo uu yahay dhul Soomaali, waxay noqotey qaybta ugu nabadgelyada badan oo ugu haboon ee laga sameyn karo barnaamijkan”.
Wasiirku mar aan weydiiyey inta uu soconayo barnaamijkan ayaa wuxuu yiri “waxay ku xiran tahay inta Burcad badeed uu jiro in uu soconayo, markasta oo la ciribtiro waxaa loo bedeli doonaa ciidanka ilaalada Xeebaha Gobolka, si Community-ga ku nool xeebaha ay u noqdaan kuwo isku aragti ah, waa waxa loogu doonayo in shacab looga dhigo ee aan looga dhigin ciidan Militeri, waxaana la doonayaa in ay noqdaan dadd la fal gala dadka deegaanada xeebaha ku nool ee lama doonayo in la wada hubeeyo, waxa keliya oo la doonayo waa in ay furmaan isu socodkii Markiibta caalamka iyo kaluumeysigii, waxaana filayaa in ay noqondoonto mid ay wax badan ka faa’iidaan dadka xeebaha ku nool”.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenku mar uu ka hadlaayey inta wadan eek u mideysan Xarunta cusub ee lag furayo dalka Jabuuti ayaa wuxuu yiri “ 9 dall sixiixdey anaga iyo jabuuti ayaa ugu horeyna iney xaruntan ka qayb qaataan, hadii lagu guuleysto xaruntan koley Afrika dowlado badan ayaa leh Badd leh oo dhowr iyo 30 ayaa bad leh, dowladaha Afrika eel eh Baddaha inta badan waxay ku hadlaan Afka faransiiska, marka halkaana waxaa looga hadlaa Afka Faransiiska, dalallkaasi waxaa ka mid ah Jabuuti, anaga, cadan, keniya, tansaniya, shisalisoo wey badan yihiin,
Prof, Cabdiraxmaan Xaaji Aadan mar aan weydiiyey cida maalgelineysa Xaruntan tababarka ayaa wuxuu yiri “ waxaa maalgelinaya dalka Jabaan, dhismaha xaruntan wuxuu bilaabanayaa 2010 15-keeda, dufcada ugu horeysa ee lagu soo xareynayo waxay noqonayaan Soomaaliya, Macallimiintuna Soomaaliya ayey ka imaandoonaann, waana barnaamij uu waqti badan geliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waana waxa dowladaha Afrikaanka loogu doortey Jabuuti, waxaana sixiixey 9 dall anaga tixgelin gaar ah ayaa nala siiyey, waayo anagu waxaanu leenahay badda ugu dheer Afrika, xalayna labada madaxweyne marka ay kulmeen, waxay ku heshiiyeen labada Wasiir ee khuseeya xaga arrimaha badda in ay kulmaan oo ay ka soo saaraan Baaq, in kastoo labada madaxweyne waqti badan uu qaatey kulankooda wadahalkooduna waxaa ka soo baxay in wax laga qabto Burcad Badeeda diidey maraakiibta Ganacsiga Soomaaliya u imaanaya ku geesi gelin in badaha la isaga goosho, waxaa yaraadey doomihii dalxiiska ee isaga gooshi jirey badaha, dowlada Jabuuti waxay ka mid tahay dowladaha aadka u daneeya dalxiiska, labada madaxweyne waxay xooga saareen in la dar dargeliya wax walba uu horumar u keeni kara labada dall, wadahalkuna wuxuu ahaa mid ku dhamaadey Jawi wanaagsan”.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
……………………………
Assalaamu Caleykum,
Wasiirka ayaa kheexay markuu dhahay, “1-Marka hore Xarunta tababarka lagu siinayo ilaalada Xeebaha Baddaha ee Gobolka oo aan doonayo inaan si fiican u qeexo, waa Ilaalada Xeebaha Badda Gobolka oo ay ilaalinayaan dadd shacab ah ee ma ahan dadd Militeri ah in la dar dargeliyo meel marinteeda, laguna bilaabo tababarkaas dadd badan oo Soomaali ah oo suurta geliya inay ka caabiyaan dhibaatada hada ka taagan ee Burcad Baddeeda Gobolka Soomaaliya iyo Jabuuti.”
Ninka qoray maqaalkaan waa qof aananba aqoon habka qoraal loo soo diyaariyo. Hadaad arin ama marxalad wax ka qoreeysid waa inaad soo qaadataa caqabadaha ka hor imaan kara, dhaliilaheeda iyo waxii dib u dhigaya. Waxaad adiga iyo kaad wareesatayba iloowdeen tusaale ahaan sida looga gudbaayo heshiiskii dowladiisa la gashay Puntland, halka eey ciidankiisu ka howlgalayaan, sababta keentay in barbar orodka isaga iyo doowladuu ka tirsan yahay, ciidanka uu sheegay halka eey ka imaanayaan iyo ineey suuro gal tahay cida la dul dejin doono ineey aqbalayaan. Waxaad ku qasbaneed inaad ugu yaraan maqaalka ku soo qaadato in uu jiray heshiis dhex maray DFK iyo PUNT. Hadase waxaad u egtahay nin aan waxba kala socon arinta burcad badeeda iyo ciidamada badda ee tababarka loo diyaarinayo. Waxaad fursad u heshay inaad wareeysato Ibi, wax aad weeydiisayna lama hayo. arimahaad kala sheekeeysateyna waxaan si toosa uga raadsan karaa war sidayaasha kala gedisan.
Damaca Jabuuti iyo Mucaaradka lagu yahay Dowladda B/Laan ayaa dhashay in xarunta la dagaalanka B/Badeeda loo raro jabuuti .
Jabuuti haddii ay wax walba ay afka u dhigatay sida ganacsiga , xoolaha , Duulista . Maxaa daba dhigay mashruucan yar ee somaliya ciidamadeeda badda wax loogu qaban lahaa.
Waa yaab ka dar oo Dibi dhal.
Hadii Kenya cirifka Koonfureed la siiyay, hadana ma wexey u soo dhigteen in ay gebigeedaba wareejiyaan,ma wada akhrin maqaalka laakiin waxaa igu filan tobiga. Ma goob soomaaliya kamid ah bey waayeen, ma jabuutiba baa soomaaliya noqotay, ma
harin hadal la isyiraahdaa. Cabdulaahi la bedelye maxaa yimi, kuwan Alloo qabta
mooyee kuwa bog reebaaya maaha.
Qolooyinkii kuwii hore ku qaylinjiray meeyee,Barakacii baday, Dhulkii iyo badii Caydiid iyo Cadulaahi yuusuf ka xishoodeen waa la xaraashay. hadii aydaan raali ka ahayn Afka furta tabari yeelkeede. wa billaahi tawfiiq.