Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo Kulan Gaar ah ku Yeeshey Qasriga Madaxtooyada ee Dalka Jabuuti 09/09/2009
Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariir Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaarey caasimada dalka jabuuti 08/09/2009-ka, iyadoo ay Garoonka ku soo dhaweeyeen Ra’iisul wasaaraha dalka jabuuti Dileyte Maxamed Dileyte iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha dowlada jabuuti.
Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif ayaa la kulmey madaxweynaha dalka Jabuuti, inkastoo aan wali wax faah faahin ah laga bixin waxyaabihii ay kawada hadleen labada mas’uul ayaa kulankoodu waxaa uu soo gebageboobey saacadaha horey ee 0/9/09/2009-ka Habeenimo.
Madaxweynaha DFKMG iyo wafdigiisa oo la dejiyey Hoteel Kempniski ee caasimada dalka ayaa madaxweynaha hoteelka uu degan yahay waxaa uu ku qaabiley qaar ka mid ah Wakiilada diblamaasiyiinta caalamka ee jooga, dalka jabuuti sida safiirada Mareykanka, kan Falstiin iyo safiiro kale oo maalinta beri ah la kulmidoono.
Madaxweynaha DFKMG ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliya Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka kaluumeysiga iyo khayraadka Badda Prof, Cabdiraxmaan xaaji Aadan ibbi, Wasiirka Cilmibaarista Maxamed cali Xagaa iyo Wasiirka dalxiiska iyo Duurjoogta Maxamed Xuseen Siciid.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa lagu wadaa inta aysan ka ambabixin dalka jabuuti in xubnaha wasiiradiisa ka mid ah ay shir gaar ah ku yeeshaan Hoteel Kempniski, shirkaasoo aan wali soo gaarin ujeedadiisa saxaafada, shika kadib madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dib ugu noqdaan saacadaha soo socda.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.