Home » Warar »

Baarlamaanka Switzerland oo go’aamiyey in ciidan la dagaalama burcadda Badda loo diro Soomaaliya

Baarlamaanka Switzerland oo go’aamiyey in ciidan la dagaalama burcadda Badda loo diro Soomaaliya

Dowladda Wadanka Switzerland ayaa hadal ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay ciidamo u soo direyso wadanka Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan burcad badeeda Soomaalida oo iyagu dhibaatooyin ba’an ku haya Maraakiibta isticmaasha Badweyta Hindiya.

Baarlamaanka Switzerland ayaa mudo dood aan loo kala kicin u fadhiyay waxa uuna ugu dambeyn go’aamiyey in ciidamo lixaad leh oo si weyn u tababaran isla markaana qalabkoodu u dhan yahay loo diro xeebaha Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan hawlaha ay Maraakiibta Midowga Yurub kula dagaalamayaan Burcad badeeda Soomaaliya.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa dooda ku qeexay in ciidamadaan keliya u hawlgeli doonaan sidii ay u ilaalin lahaayeen Maraakiibta u raran Hay’adaha Gargaarka ee ka shaqeeya hawlaha bini’aadannimada ee ku socda Soomaaliya iyo waliba meelo kale, balse aysan ciidamadaan aan ujeed kale loo direyn.

Ansixinta Baarlamaanka dalkaasi in ciidamo loo diro Soomaaliya ayaa ka dambeysay kadib markii horey Golaha Wasiirada wadanka Switzerland isku raaceen in ciidamo loo diro Soomaaliya kuwaas oo la dagaalama Burcadda Badda ee Soomaaliya oo iyagu soo xoogeysanaya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Baarlamaanka Switzerland oo go’aamiyey in ciidan la dagaalama burcadda Badda loo diro Soomaaliya "

  1. Maxamed Soomali says:

    Sheekada burcad badeed maahan waxaa la doonayaa in si xirfadaysan lagu qaato qeyraadka bada Soomaaliyeed .