Home » Warar »

Madaxwaynaha Kenya oo xillka ka xayuubiyay Mejer General Mohamed Hussein Ali

Madaxwaynaha dalka Kenya oo xillka ka xayuubiyay Mejer General Mohamed Hussein Ali laguna eedeeyay danbiyo in uu galay.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxwayaha dalka Kenya Mudane Mwia Kibaki ayaa lagu sheegay in Madaxwaynaha uu xilka ka xayuubiyay General-ka ugu sareeya police-ka dalka Kenya Mohamed Hussein Ali oo madax ka ahaa Police-ka dalka Kenya tan iyo sanadki 2004 iyadoo xilkaasi loo magacaabay Mathew Kirai Iteere oo ka mid ahaa Saraakiisha Pilice-ka dalka gaar ahaana madax ka ahaa ciidanka GSU.

Xil ka qaadista Mohamed Hussein Ali oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Somalia ayaa timid kadib markii Heyadaha Xuquuqka Insaanka iyo Heyadda Qaramada Midoobay ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaan dadka lagu tuhunsanyahay Dhibaatadii dalka Kenya ka dhacday kadib doorashadii sanadkii 2007 ee lag murmay. Sidoo kalle waxa lagu eedeenayaa in uu ka danbeeyo Xasuqii loo geestay Dhalinyarada lagu tuhmayay in ay ka midyihiin ururka laga mamnuucay dalka Kenya ee Mungiki.

geali
Mohamed Hussein Ali.

Philip Alston oo madax u ahaa Koox danbi baarayaal ah oo Heyada Qaramada Midoobay ka socday ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in Madaxwaynaha uu xilka ka qaado ninka Ugu sareeya Police-ka dalka sidoo kalle ugu baaqay in uu shaqada isaga tago Amos Wako oo ah xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya balse haatan uu Madaxwaynaha xilka ka xayuubiyay Mohamed Hussein Ali.

General Mohamed Hussein Ali ayaa loo magacaabay in uu madax ka noqdo Boostada ( Postal Corporation of Kenya) iyadoo durbadiiba ururo badan oo dalka Kenya ka dhisan ay so dhaweeyeen iskadalkan cusub.

grncus

                                                                                                         Mathew Kirai

Dhibaatadii ka dhashay doorashooyinkii Madaxtinimada ee dalka Kenya ka dhacay dhamaadkii sanadkii 2007 ayay ku dhinteen ku dhawaad 1,500 oo qofood iyadoo kumanaan kalle ay wali Qaxooti ku yihiin gudaha dalka Kenya.

Wadamada reer Galbeedka ayaa dowladda Kenya ugu goodiyay haddii aysan isbadal sameen in dhaqaalaha lagu caawiyo aan la siin doonin iyadoo Qaramada Midoobay iyo Maxkamada aduunkana ay ka shaqeenaya sidii Maxkamad loo soo saari lahaa dadkii ka danbeeyay dhibaatooyinkii dalka Kenya ka dhacay sanadkii 2007.

Ibraahim Da’ud Abdalle.
sayfudiin@hotmail.co.uk
ibraahim@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Madaxwaynaha Kenya oo xillka ka xayuubiyay Mejer General Mohamed Hussein Ali "

  1. abdiqani ali guuled says:

    generalku inuu xilka qabto wadanka kenya xaqbuu uleeyahay sababtoo ah maadaama ay xoogku haystaan dhul soomaliyeed cid u,ogna aysan jirin dhulka in soomaali leedahay inuu ka qabto xil xaqbuu uleeyahay dhinac hadii lafiiriyona genaralku waa muwadin kenyan ah oo hafirinina dhalashadiisa darajada iyo sumcada wuxuu ku helay wadanka kenya,

  2. Maxamed Soomaali says:

    General Mohamed Hussein owalba qalad ayay ku ahayd inuu jago ka qabto dowlad dhul soomaaliyeed xoog ku haysata “NFD”.