Home » Warar »

Labo Diyaaradood oo laga leeyahay Jasiiradda Shiishilis oo lagu qabtay Garoonka Gaalkacyo iyo Warar GoosGoos ah

  • Labo Diyaaradood oo laga leeyahay Jasiiradda Shiishilis oo lagu qabtay Garoonka Gaalkacyo.
  • Xarakadda AL-Shabaab ee sugan Geddo oo sheegay in ay is ku soo dhiibeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka
  • Saameynta Dagaalada Magaalada Muqdisho iyo Ramadaanka

Waxaa isku soo dubariday:
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Labo Diyaaradood oo laga leeyahay Jasiiradda Shiishilis oo lagu qabtay Garoonka Gaalkacyo.

Warar naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd galabnimadeedii Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo ay ka soo degeen labo Diyaaradood oo la sheegay in laga leeyahay Jasiiradda Shiishilis.

Diyaaradahasi ayaa markii dambe la ogaaday in ay fariisteen garoon Macmal ah oo ku yaala Magaalada Garacad, waxaana la sheegay in diyaaradahaasi ay halkaasi gaarsiiyeen Kooxo burcad badeed ah oo lagu hayey Jasiiradda Shiishilis mudooyinkii ugu dambeeyey kuwaas oo laga qabtay Badweynta Hindiya iyagoo ku gudajira hawlo burcad badeednimo.

Wararka aanu helayno waxay sheegayaan in mid ka mid ah diyaaradaasi uu leeyahay nin Ganacsade ah oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Jaamac Buluug, waxa uuna Maamulka Puntland sheegay in Diyaaradahaasi ay ku soo xadgudbeen Xuduuda Maamulka Puntland, iyagoo sheegay in Baaritaan lagu sameyn doono.

Labadaan Diyaaradood ayaa dadka keeneen oo ah Burcad Badeed ah waxay ku bedesheen Shaqaale u dhashay Jasiiradda Shiishilis oo ay gacanta ku hayeen kooxaha Burcad Badeedka ah, waxaana la sheegay in markii ay kala wareegsadeen labada dhinac oo diyaaraduhu dib u noqdeen ayaa waxaa la sheegay in shidaalkii uu ka dhamaaday ayna ku degeen Magaalada Gaalkacyo si shidaala uga helaan.

Dhanka kale warar ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa iyana diyaarado laga leeyahay isla jasiiradda Shiishilis iyana ku soo degeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Nairobi, waxayna dadka qaar inoo sheegeen in ay iyana wadeen kooxo burcad badeed ah oo aan la garaneyn halka laga keenay, waxayna Dowladda kenaya sheegtay in ay baaritaan ku sameyneyso diyaaradahaasi.

Puntland oo war ka soo saartay diyaaradahaas Halkan ka akhri (Somalia: Puntland Response to Seychelles-Kenya Pirate Smuggling)

Xarakadda AL-Shabaab ee sugan Geddo oo sheegay in ay is ku soo dhiibeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka

Xarakada AL- Shabaab ee Gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaadey in ay saacadihii ugu dambeeyey isu soo dhiibeen cutubo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ee iyagu dagaalada kula jiray Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda.

Mas’uul u hadlay Xarakada Al-Shabaab oo gacanta ku haysa qaybo ka mid ah Gobolka Gedo ayaa sheegay in horey ay cafis ugu fideen ciidamada ka soo horjeeda ee Dowladda isla markaana ay hadalkaasi ka soo jawaabeen ayna hadda bilaabeen in ay isu soo dhiibeen, waxa uuna carabka ku adkeeyey in weli uu taagan yahay cafiskii ay u fidiyeen ciidamada Dowladda sida uu hadalka u dhigay loona baahan yahay in ay isa soo dhiibaan.

Ciidamada isa oo dhibay oo aan saxaafadda loo soo bandhigin ayaa waxaa dhanka kale waxba kama jiraan hadalkaasi ku tilmaamay mas’uuliyiinta horkaceysa ciidamada Dowladda ee iyagu ku sugan qaybo ka mid ah gobolkaasi Gedo, waxayna sheegeen in hadalkaasi uu yahay mid lagu niyad jabinayo ciidamada Dowladda Federaalka oo iyagu u diyaarsan in ay meesha ka saaraana Xoogagga ka soo horjeeda, waxayna intaa ku dareen in dhawaan la wareegi doonaan qaybaha ay ka joogaan Xoogagga Mucaaradka ah gobolka Gedo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dhinacda Dowladda Federaalka iyo Xoogagga ka soo horjeeda sheegtaan in ciidamo ka tirsan dhinac kale ay iyaga ku soo biireen halka dhinac kalana uu beeniyo arrintaasi, waxaana todobaadyadii ugu dambeeyey ka jiray gobolka Gedo dagaalo u dhexeeyay labada dhinac iyadoo dhowr jeer gacanta ku haynta deegaano ka tirsan gobolkaasi isku bedleen Dowladda Federaalka iyo Xoogagga dagaalada kala horjeeda.

Saameynta Dagaalada Magaalada Muqdisho iyo Ramadaanka

Markii ay dhalatay bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa kooxaha ka soo horjeeda Dowladda gaar ahaan Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin waxay ku dhawaaqeen in ay labalaabi doonaan dagaalada ay kala horjeedaan Dowladda Federaalka iyo ciidmaada shisheeye ee ku sugan Magalada Muqdisho, iyadoo 17-kii maalmood ee la soo dhaafay Muqdisho ay ka dhacay dagaalo aad u xoogan kuwaas oo lagu waramay in ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan kadib markii iyagoo afuraya ay madaafiic ku habsatay hase yeeshee Dowladda Federaalka ayaa iyadu horey u sheegtay in aysan wax dagaalo qaadi doonin inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, iyagoo sheegay in ay ku jiri doonaan difaac oo keliya.

Suuqa Bakaaraha oo ay dagaaladaasi saameyn ku yeesheen ayaa waxaa la sheegay in dadka intiisa badan ka rawaxaan marka la gaaro 3:00 pm Galabnimo, waxaadna arkeysaa dad fara badan oo dhooban Bosteejooyinka laga raaco Gawaarida, waxaana dhacda in basaska yar yar ay ku yaraadeen daabulida dadkaasi, waxaana markii dambe bilowday in dadkaasi lagu daad-gureeyo Gawaarida waaweyn ee Xamuulka waxayna intooda badan u jiheystaan degmooyinka Madiina iyo Ceelasha Biyaha.

Inta ay dadku taagan yihin busteejooyinka waxaa ka muuqda deg deg ah iyo walwal aad u fara badan iyagoo ka cabsanaya in dagalaadu ku kor bilowdaan, waxaana maalintii doraad ahayd intii aan la gelin afurka ay Muqdisho ka bilowdeen dagaalo culus oo u dhexeeyey ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga ka soo horjeeda hase yeeshee dadkaasi waxay qaarkood waayeen Gawaari raacaan kadib markii Gawaaridu mari waayeen wadadii ay ku bixi lahaayeen oo ay dagaaladu saameeyeen, waxayna qaarkood bilaabeen afur iyo meel ay seexdaan weydiistaan dadka fara turiska ah eek u haray Magaalada Muqdisho.

Xarakada Al-Shabaab ayaa iyagu sheegay in dagaaladaan ay sii xoogeyn doonaan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waayo waxaa bishaan dhacay dagaalo fara badan oo ay muslimiintu ku guuleysteen, waxaana ka mid ahaa dagalkii Beder iyo waliba dagaalkii lagu furtay Magaalada Makka, waxayna sidoo kale bilaabeen in ay dhufeysyo waaweyn ka qoteen qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho si ay isaga caabiyaan ciidamada Shisheeye oo shirkii Midowga Afrika la isku raacay in ay weerari karaan goobaha ay Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.