Home » Maqaallo »

Tolow Yaa u Caqli Celiya ina Godane | Faarax Maxamed

TOLOW YAA U CAQLI CELIYA INA GODANE

Hogaamiyaha ugu sareeya ururka Al-shabaab ee xoogga ku haysta gobolo door ah oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya ayaa dhowaan warbaahinta u soo gudbiyey hadal uu ku weeraray Soomaliland.

Waxa ninkaa labaxay Abuzubayr oo ogaan magiciisa u qariyaa uu dhowaan ku dhaliilay maamulka Soomaliland in aanay dadka waxba u hayn wax rajo ahna aan laga sugin. Waxa uu hadalkiisa oo cajalad ku duubnaa ku soo qaaday, arimo dhawr ah, sida kuwa dhawqaalaha iyo arimaha doorashada Soomaaliland oo aad loogu muransanyahay, waxana uu ku tilmaamay wax aan macno lahayn oo kursi doon keliya ah. Waxa uu ku eedeeyey maamulka Soomaliland oo uu ka qoran yahan denmbiile loo doonayo- denbiyo uu isagu gaystay iyo kuwo kale oouu ka danbeyey ama uu soo maleegay, sida isbiimayntii kal hore ka dhacday Hargeysa. Waxa uu ku dooday inaanay haba yaraate waxba u qaban shacabkooda dadkiina ay ka hortaaganyihiin in ay wax qabsadaan!

Dadka kuma cusba hadalada iyo fikirka ururkani oo ilaa hada aan la iman tab kale oo aan ahayn dil, burburin iyo qalalaase aan la fahmi karin waxa uu ku salaysanyahay, iyagoo uga qiil raadiya falalkooda xaga diinta ama la xiiririyaan diinta islaamka!

Waxase iga yaabiyey oo aan fasiraad u waayey arin hadalkiisa ku jirtey; oo uu ku yiri; “Dawladi waa tii danaha iyo baahida ummada ku werwerta”. Waa arin daw ah oo sax ah qof kasta oo si caadi ah u fekerana ku soo dhacda ama ku soo dhici karta maskaxdiisa.

Waase arin aanan ka filayn ninkan cajalada duubay iyo saaxibadiisa kale. Waayo weligay kama maqal wax ku saabsan erayga ‘Dawlad’. Isla markaa waxan ka fahmay hadlakiisa in aanu ahayn qof doqon ah, isla markaana garan kara ama fahmi kara macanaha dawladnimo, dabadeed waxa aan is weydiiyey tolow iyagu (koxdiisa Alshabaab) ma ku fekeraan in ay soomaliya dawlad u baahantahay, ama ay ka baxdo silican iyo saxariirkan ay ku jirto mudada dheer. Mise tolow eryga wuu iska yidhi ee waxba kale wax kama gelin? Waa su’aalo u baahan aragtidayda in la weydiiyo horjoogayaasha kooxdan, lagana doodo, Waayo suurto gal maha lagana yeeli maayo in ay ku dooodaan maamul meel ka jira oo aan xoog iyo jujuub ku iman si kastuu gaabis uu yahay ama khaladaad u leehay in la yidhaahdo waxba meesha kuma hayaan, isla markaana iyaga oo xoog iyo xabad ku qabsday gobolo iyo degmooyin badan oo dalkiina googooyey oo u qaybiyey gobolo (cantons) aan midna mid lahaysan. Laga yeelimaayo Abusbayr iyo saaxibadii in ay marna caliga adeegsadaan oo qayrkood wax ka sheegaan waxna u sheegaan, iyaguna aanay cidna wax ka qaadan, dadka inta aan la jaalka ahanyna ugu yeedhaan Murtaddiin iyo qaar diintii ka baxay.

Haday dhab ka tahay oo ay rabaan in xaga samaha la isu garabsado waxa haboon in ay caqligooda mar walba adeegsadaan oo ay hareerohooda eegaan dhibtana ka daayaan walaalohooda aan waxba galabsan ee ay u xoogsheegteen.

Waxay dhowaan hay’adaha qaxootiga caawiyaa soo saareen warbixin ay kaga dayrinayaan xaalada qaxootiga soomliyeed ee buuxdhaafiyey xeryaha xuduudka ee dalka Kenya, waa arin damqaysa oo uu si uun u dareemi karo qofkii damiir nool lihi.

Caqli gal ma aha in Hargeysa lagu canaanto in aanay dadkeeda wax u qaban Kismaanyo oo ah gobolka ugu hodansan soomliyana qori caaradii loogu arimiyo dadkiisiina xuduudda ku silicsanyhiin… Doorashaad sheegaysaaye dadka sida xoolaha si ka liidata ayaa loola dhaqmaa, meelaha ay Al-shabaab ka talinyaan, maalin walba , dhalinyaro aan maxkamad iyo sharci la hor keenin ayaa xubnohooda la jarjaraa, caruur yaryar ayaa dhagax lagu dilaa ( sida Caasha Ibraahin Dhuxulow) oo kal hore si arxan daro ah loo rajmiyey. Intaa iyo in kale oo lamid ahi waa falal hadh iyo habeen ay ka wadaan kooxda la baxday Shabaab Al- Mujaahidiin. Falalkan waxa ay fuliyaan iyaga oo wejiyada duubtay magacyadoodana bedelay si aan loo garan! Hadana diintay uga qiil raadiyaan waxaas oo waxshnimo ah cajiib!!. Waxa wax lala yaabo ah in kooxdan iyo dhiggooda kale ee meelaha kala duwan joogaa ay iyaga keliyi yihiin kuwa diinta yaqaan, ama ka turjuma. Xitaa markii laga dalbaday ama loo soo jeediyey in ay bisha Ramadaan xurmeeyaan, oo xabbada joojiyaan oo u tudhaan maasaakiinta waxay ku hal qabsadeen in Ramadaanku yahay bishii jihaadka ee Badar iy Fatxul makah dhaceen’! Waxba kama gelin iyaga cida dhimanaysa ama dhibaatoonaysaa…mar haddii magocoodu yahay Al-Mujaahiduun!!.

Ta kale ee ugu daran ee kooxdan iyo in badan oo Soomaalida ka mid ah haysataa waa arinta Aajinbka iyo shisheeyaha; waxay dad badani ku andacoodaan in Soomaaliya ay ka degi wayday oo in ay harsato u diidan yihiin dawladaha deriska ah oo ay ugu horayso dawladaa guunka ah ee kiristanka ah, waa Xabashida damaca xun ee rabta inay ina qabsato.

Waa dood dusha uga eg mid xaq ah laakiin aan si run ah loola dhaqmin, caqliga saliimka ahna haba yaraate aan lagu eegin.

Waa run Ethopia waa dal kiristan ah, dal iyo dad muslim ah oo badana madaxa kaga taanagan (waxa la sheegaa kala bar dadkeedu in ay yihiin muslim). Waxa kale oo taariikhdu xustaa in ay kiristaanimadoodu horeysay oo waqtigii nebi Maxamed (NNK) ay ahaayeen Kiristan isla markaana ay soo dhoweeyeen oo marti geliyeen asxaabtii halkaa u hijrootay. Sidaa daraadeed, colaadaha maanta oogan ma aha kuwo la odhan karo diintaa u sabab ah, xaqna ma aha in aragti diineed keliya lagu eego…

Gaalka, (kiristanka, yuhuudiga, kuwa aan waxba rumaysneyn) iyo muslimka dhamaan ilaahay(sw) ayaa dunida ku abuuray xikmad uu ka lahaa. Loolanka duniduna waa soo jiray weligii waana jiri doona ilaa iyo maalinta u danbaysa ee dunida la duubayo.

Iyada oo ay sidaa tahay qofna lama oran lamana farin in uu gaalada dunida ka dhameeyo, isla markaana looma baahna in khalad kasta iyo is maandhaaf kasta diin madaxa loo geliyo, dadkana lagu jaah wareeriyo gaalo, iyo cadw ilaahay, si looga indho tiro xaqqiiqda. Dhacdo kastaa waxay u baahantahay in si miyir qabta loo derso, loo miisaamo, laguna xisaabtamo oo lagu talo galo dhibteeda iyo dheefteeda. Laakiin soomaalidu waxay caadaysteen in markay fashilmeen ee noloshii ka dhaceen in ay cid kale wax saaraan oo har iyo habeen ku wardiyaan Ethiopia, Ethiopia, Ethiopia… cid kasta oo ay is hayaana ay ku tilmaamaan cadwga ilaaahay xitaa hadii uu yahay soomaali kale oo shalay ay isku dhinca ka soo wada jeedeen, waana maan gaabnimo ka mid ah dhibaatooyinka badan ee is dul fuulay.

Waa jirtaa in xasarad iyo colaado soo jireen ahi ka dhaxeeyaan Soomlida iyo dawladaha deriska la ah oo ay ugu horayso Ethiopia oo weliba si weyn ay u taageeraan dawladaha waaweyn ee reer galbeedku.

Arinkani ma aha mid soomaalida u gaar ah, wadan waliba waxa uu leeyahy cadaw dal ka haysta, ama siyaasad, diin, arimo dhaqaale ama maslaxdo kale la isku diidanyihiin. Xitaa kuwo isku diin ah oo waxbadan wadaaga ayaan kala nabad gelin oo intaa ay u dhexaysaa colaad hadba heer joogtaa.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘nin ku dilay har kuuma jiido’ ma aha wax lala yaabo in Ethopia, iyo cidii kale ku neceb ay kaa danystaan markaad dagantahay ee aad tabar darantahay. Laakiin su’aashu waxay tahay adigu maxaad diyaarsatay? waase goorma goorta aad Ethiopia u hanqal taagaysaa? Waa marka aad adigu is daryeeshid. Isla markaa waa meel ka dhac iyo hadal aan gar ahayn in dhibaatada soomlida oo dhan shisheeye dusha loo saaro.

Hadaba waxa haboon in loo caqli celyo dhalintyaradan la marin habaabiyey ee aan weli cidna u sheegin waxay damacsanyihiin. Haddii ay dhabtahay oo ay maanka ku hayaan in soomaaliya ay Dawlad yeelato oo ay qayrkeed gaadho waa in ay la yimaadaan talo wadaag, arinkana ka bedelaan sida ay hada wax u wadaan. Waayo cid kale oo arimahaaga kuu maaranaysaa ma jirto hadaad cabato iyo haddii kale. Horaa loo yiri ‘nimaan kuu furi doonine yaanu kuu rarin’

Waxaa fiicnaan lahayd in la isla garto in la soo gaadhay xilliigii caqliga la hawl gelin lahaa. Oo si dhab ah loo wada hadli lahaa, waayo taariikhda iyo facyada danbe midna innagama cafinayaan gaboodfallada tira badan ee la agalay.

W/Q: Faarax Maxamed
farahmohamed2@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.