Home » Maqaallo »

Igaara Fiijay …. Areey xoo yiri hee | Saciid Ducaale

Wafdi matalaya Guddiga Olympigada soomaaliyeed ( G O S ) ayaa dhawaan tagay magaala madaxda dowlad goballedka Puntland, ujaddeda booqashada wafdigaan ayaa aheyd in ay kala hadlaan maamulka Puntland in ay ku qabtaan Ciyaarahii gobalada soomaliya magaladan Garoowe, sannadkan 2009.

In ciyaaraha goblada la qabtao waa rayi aad u fiican oo looga faaideeysan karo nabadeeyta iyo isku soo dhaweeynta ummada soomaliyeed oo muddo 20 sanno kala maqnaa.

Sidaan taariikhda ku cad, ciyaaraha olympigada waxeey ka curteen in la nabdeeyo qabaa’iilda Greek ahaa oo culaad qoto dheer ka dhaxeeye, taasna aad ayaa loogu guleeystay.

Waana hubaal in ciyaaraha looga faa’ideeysan karo nabadeeyta ummadda soomaliyeed. hadii waa haddii maamulka ciyaarahaas lagu maamulo caddalad , sinnaan iyo guddoon loo wada dhan yahay.

Maamulka Puntland ee cusud oo madaxna ka yahay Madax weyne Faroole, waxaa mooda in uu ka gadisan yahay maamuladii ka horey, waxaan ku amaanay maamulkiisa sida weyn isku xilqmay in ka qayb galiyo maamulkiisa qabaa’ilda dega puntland oo weligood tixgalin ama fursad ka helin maamuladdii hore.

Bacdama Mamulka madaxweyne Faroole aaminsan yahay sinnaan ,maamul wadaag (Power sharing)
Hadaba waxa qasban ah in Puntland aay la shaqeeyso waxii aaminsan sinnaant iyo power sharing.

Sidaan kawada warhaayno GOS loo ma wada dhamma oo meeshaas waxaa ka maqan xubnaha gobalada qarkood, iyo bulshad soomaliyeed oo qurbaha ku nool oo xaq u leh in ay ka qayb qataan horumarinta ciyaaraha soomaliyeed, iyo dhaqan celinta dhallinyarada soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.

Intaa ka dib waxaan ka codsanayaa mamulka puntland in aysan uu ogaalaan GOS in aay kuqabtaan ciyarahaas Puntland inta laga helayo maamul aay u wada dhanyahiin gobalada soomaliyeed iyo somalida qurba jooga ah .

Anagoo ku kalsoon maamulka Puntland waa in aaysan aqblin xaq darrada laga galayo ummada somaliyeed il gaar ah ayaan ku hayna go,aanda aay mamulka puntland ka qaadan doonta arrintaas
Soomlida waxeey tiraahda” Nin aan kuu furi doonin uusan ku rarin”

Igaara Fiijay areey xoo yiri hee

Labo walxoodo FA ku taal aa Faroole looga Fadha.
Fin laxaw badanoo feerta nooga taal farsamadera aa Faroole looga Fadhaa
Fadujadii ummadda la soo celsho , faquuq la rebaa Faroole looga fadhaa

W/D: Saciid Ducaale
sduale@hotmail.com

Waxaa soo tebiyey
Yusuf Mohamed Abdi
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.