Home » Warar »

Sheekh Aweys oo beeniyey in uu wax wada hadal kula jiro DFKMG

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo beeniyey in uu wax wada hadal kula jiro Dowladda Federaalka.

Maalmihii ugu dambeeyey Saxaafadda gudaha iyo dibadda ayaa waxay hadal hayeen in wada hadal hoose u socdo Dowladda Federaalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo ka dagaalama qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya, hase yeeshee waxaa wararkaasi gaashaanka ku dhuftay Guddoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in aysan marnaba wada hadal la geli doonin Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ilaa iyo inta ay dalka ku sugan yihiin ciidamada shisheeye.

Sheekh Xasan oo u jawaabayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda FKMG Cali Axmed Jaamac Jangeli oo isagu sheegay in ay wada hadal kula jiraan Ururka Xisbul Islaam mas’uuliyiintiisa ugu sareeya, waxa uuna Sheekh Xasan sheegayin wararka ka soo yeeray Jangeli uu yahay mid aan sal iyo raad toona laheyn oo la doonayo in lagu qaldo Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, waxaa kale oo uu Sheekh Xasan sheegay in dagaalada ay kula jiraan Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Dowladda ay sii wadi doonaan ilaa dalka laga saaro ciidamadaasi oo uu sheegay in aysan ku imaanin rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed.

“Inkastoo aan la xaqiri Karin Awoodda ay leeyihiin Ciidamada Shisheeye, haddana waan wadeynaa dagaalka oo isma dhigan doono” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in dagaaladii ugu dambeeyey ay ka gaareen guulo wax ku ool ah, hase yeeshee dagaaladaasi ayaa waxay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Dhinaca kale Kooxaha ka soo Horjeeda Dowladda ayaa dhufeysyo waaweyn ka qotay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay doonayaan in ay kaga gaashaataan haddii weerar kaga yimaado Dowladda iyo Ciidamada Shisheeye, hase yeeshee dhufeysyadaasi waxay hakad geliyeen isku socodka Gaadiidka dadweynaha qaybo ka mid ah oo iyagu markii hore dhibaato ku qabay wadooyin ku yaala Magaalada Muqdisho oo ay horey u xireen Ciidamada Federaalka, waxayna gaadiidleyda Magaalada Muqdisho ka hawlgala ka codsadanayaan labada dhinac in wadooyinka la furo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku haynta qaybo ka mid ah Magaalada Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne waxay sheegayaan in Habeenkii xalay ahaa ay magaaladaasi ka dhaceen dagaalo u dhexeeyey Ciidamada Doladda Federaalka iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, dagaalkaas oo socday mudo kooban ayaa waxa uu keenay in si fudud ay Xarakada Al-Shabaab ula wareegay Qaybo ka mid ah Magaalada Baladweyne gaar ahaan Xaafadda H/Wadaag, iyadoo ciidmaadii Dowladda ee halkaasi sugnaa Magaalada Baladweyne ay isaga baxeen Magaalada ayna ku sugan yihiin Jante-Kundishe halkaas oo la sheegay in ay ka wadaan abaabul dagaal oo ay ku doonayaan in ay dib ugu laabtaan Magaalada Baladweyne oo noqotay goobo marba koox ay ka taliso ,isjiid-jiidkaas waxaa dhibaato ku qaba bulshada ku nool oo iyagu doonaya in ay Magaalada u gacan gasho hal koox oo keliya.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya soo galeen Magaalada Baladweyne kadib markii Magaaladaasi ay la wareegeen Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin, hase yeeshee lama garanayo in ciidamada Itoobiya ay dib ugu soo laaban doonaan Magaaladaas, waayo ciidamada Itoobiya waxay ku sugan yihiin saldhigyo aan sidaasi uga fogeyn Magaalada Baladweyne.

Guddoomiyihii hore ee Maxaakiimta ee Gobolka Hiiraan C/raxmaan Macoow ayaa dhawaan waxa uu daboolka ka qaaday in uu gebi ahaanba isaga baxay Dowladda Federaalka, hase yeeshee warar aanu heleyno ayaa waxay sheegayaan in C/raxmaan Macoow ku biiri doono Xarakada Al-Shabaab, waxaana maalmihii ugu dambeeyey socday wada hadal u dhexeeyey isaga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.