HALAAGGII DHACAY LOOMA KALA HARIN!!.
-Qeybta Koowaad-
Weedhaa akhrinteeda ama maqalkeeda maskaxda inay weydiimo faro badan kaaga furto waa laga yaabaa!!. Haddaba, haddaad xaalad ceynkaa ah isku aragto ha argagixin, dhibna ha u qaadan, waxna ha sheegan, ceymaad leedahaye. Walwalku waa astaan wanaagsan oo aad badan dheertahay. Dareenkaagu wali inuu dhaqan yahay ayay tilmaan u tahay!. Doqonta iyo carruurta qaangaartey halaagga bartamihiisa wax weyn ayaad dhaantaa, kana fiicnid!.
Sidaa si le-eg anigaba waa igu dhacdey kolkii iigu horreysay oo aan weedhaa maqlo, mar dambe oo micnaha ay xambaarsan tahay aan si fiican u dhadhansadey, dhageysigeedana ku laablaabtay ayaan fahmey nuxurka xayeysiinta, markaa ayaan madaxa ruxay aniga oo leh; “waa run waa run tolow, ma kitaab ayuu ka dayey?!!. Baraarujinta iyo ficilada xayeysiintu higsaneyso ma aha meelahan dhow, ruux caqli deggen u dhashay, xin iyo xaasidnimo ka maran oo kaliya ayaa garan kara ujeedada fog oo la tilmaamayo!.
Xassan Gabey, xukunka uu ridey waan ku qancay, xaq inuu yaheyna waan ku raacey, caddaalad salka inuu u saareyna Soomaali fara badan ayaa markhaati ka ah. Halaaggu waa jiraa, waana habaar biiray oo Soomaali meel ay joogtaba kala galabsatey, sacabadana sare ugu taaqtay in laga aqbalo. Mindhaa maalin Jimce ah oo samadu furan tahay ayaa la aqbalay . Halaaggu waa mid aan qarsooneyn, kana muuqda dhafoorka; agoonta, rajada, dibjirka, waayeekal, haweenka la qabo, kuwa asseyda sida, gabdhaha, wiilasha, culimada, caammada, abwaanada, aqoonyahanada, cuqaasha, madaxda, majaha iyo qof kasta oo Soomali ah.
Dambiil Cambe ah, hal cambaa qurmiya, waa tii la yiriye, bal ka warran dambiil Cambe ah oo afar meelood saddex meelood qurun tahay, hal meel oo ladan, maxay tari?. Maalmo kolkii la joogo haddaan intii fiyow meesha laga saarin, wixii xumaadeyn intii la ceysan karo la dabaqaban, ugu dambeynta waxa oo idil soo isla qurmi mayaan?!.
Sidoo kale, inta yar waxtar koodu iyo wanaaggoodu xusid malaha oo tirade badan ayaa qarineysa, xagga xumaanta haddii loo bato dhankaa ayaa Soomaalidu talada isula dheellantaa. Inta yar inta badan ha raacdo waa qaacida mar hore la isku raacay. Soomaali xaalkeedu maanta waa saa, ninkii wanaag ku fakaraya ha samro inta wanaagga loo badanayo, Soomaalida dareenka ayaa garashada uga owleysan.
Muddo labaatan sano ku dhow qofka Soomaaliga ah laabtiisa iyo afkiisa maalin habaar kama joogsan. Dadkii[1] daganaa xaafadaha laga barakacay, qurbejoogta dibadaha ku lumay, badaha iyo saxraha weyn oo Afrika inta ku nafweyda, xeryaha Keynya iyo Yaman dadka daadsan waa dulmaneyaal habeyn iyo maalin hagar aan ka galin habaarka ardaashii dayaca ay qabaan badday, haddana meella aan uga socon -haddaan la muquunin- maalin walbana hirar hor leh oo dhibbaneyaal ah soo butaacinaya!. Habaarka ruuxa dulman halka looga dhuuman karo, halkee ku taal?!, kuwaa hiilkooda Ilaahay waa ballan qaadey, wax Ilaahey ballan qaadeyna ma baaqdaan.
Dalalka dariska nala ah, bulshada caalamka, reer galbeedka, dalalka Carabta ah, kuwa Muslimka ah iyo Mareykan, bilaash ayaan maalin walba eedda dhakada uga tuurraa, waxa cunaha na taagan oo hoos u degi la’ korra u soo bixi la’ waa camalkayagii (falkaygii) oo aan ku marganney. Waxa oo dhammi waa farsamo guri-sameys ah (Home Made) oo xeeladdeeda iyo tabaheeda aan ku kala dheereynay, xulkii ka soo baxeyna nalagu soo jeediyey iyaga oo miciyo dhaadheer, sida Vampire-ka dhiigga dhuuqa!.
Teenna iyo dadkayaga kolkaan daryeello xodxodashada gurracan oo mar walba nalagu dayana niraahdo: “maandhow bal u kaadi, kuwii kaa horreeyayba ka diidnaye”!, ayaan dadka kale ka caban karraa. Kuwii qoryaha noo qeybiyey, wax “istaafka” loogu yeero oo faro baddanna dhexdeenna ku heysta, kolkaan dhinac iska marinno ayaa caqligu soo noqon, labadii isa soo horfariisatana wada hadal nuxur leh ku dhiirran karaa.
Mid qoryaha la sito ka baqaya iyo mid qoriga u sita baqdin, goorma ayay kulmi karaan?, danahooda ka wada hadli karaan?, jawi aan cabsi laheyn ku wada fariisan karaan?!. Kala qoqobnaata nafsiga ah oo qabiil, godob, sadbursi iyo iimaan darro budhigaha u tahay inta ay jiraan, wada xaajood miro wanaagsan dhala waa laalan yahay, xiddigaha samadana kama dhawa!.
Yaa halaagga dhigay?!, giddigeen!. Yaa burburka dhigay?!, giddigeen. Yaa shisheeye keenay?!, giddigeen. Yaa dadkii magaalooyinka dagganaa barakiciyay?, giddigeen. Yaa dhallinyaradii badaha u yaaciyey?!, giddigeen.
Xataa, dhibbane yaashu halaagga dhacay qeyb ayay ku lee yihiin. Dayac iyaga oo ku jira yaan wax la weydiin ayaa looga xishoodey mooyee halaaggidda waa ka qaateen saamigooda. Waxa dhacay oo dambi wadar-lagu-galay ah (collective Crime) ama mar hore ayay ka qeyb qaateen ama mar dambe ayay ka qeyb qaateen, cid meelaha iska taagneyd ma jirto, ruux walba howl ayuu faraha kula jirey 19kii sano ee tagey!.
“kulli fidno cinda Geel” oo Soomaalidu tiraahdo haddaad maqasho iyaga ayay ku bannaan tahay. Fidno gacanta lagula jiro ama xaabo loo soo gur ayaa cumrigii ku dhammaaday. Waxba yaan halaagga dabadi garka la dheereysan, xijaabana la xiran. Runtii, Soomaalida ku dhaqanta inta u dhaxeysa Raas kiyambooni ilaa Zaylac ha qaxeen ama ha joogeen; halaaggii dhacay looma kala harin!.
Weedhaa oo aan ku baraarugney waa magaca riwaayad maalin walba Soomaaliya gees ilaa gees, ballac iyo gudub laga dhigo xayaysiin teedana uu sameeyay fannaan runtii abwaan ah, khiyaalkiisu sarreyo, dareen dhiifoon, kaftanlow ah, haasaawe badan, hadalka heli og, ruux iyo reer toona cuqdad iyo godob aan ka qabin, laab-xaaran oo si fiican oo farshaxan nimo ku dheehantahay u soo bandhigay cuqubo iyo habaar Soomaali mar ku wada habsadey. Urururradii, qalabkii iyo cid kasta ama koox kasta oo riwaayadda wax ka jishay magaca ay qaadatey ayuu noo sheegay. Sida Soomaalidu tiraahdo; “Alcaaqil yafham” (ruuxii caqli leh waa garan karaa!) ayuu wax noogu shegay.
Xassan Gabey, wuxuu ka mid yahay halaagga dhacay dadka yar oo dareemay, dabadeedna ku dhiiraday af-muggi inuu ku yiraahdo: “war aan isdaba qabanno halaag na cirib tiraya ayaa nagu socdee?!!”. Sidoo kale wuxuu ka mid yahay fannaanintii Horseed, Waabari, Hallgan, Iftin tirada yar oo maanta ka nool. Xassan Gabey, isaga oo fannaaniinta la wadaaga busaaradda, rafaadka iyo cabsida joogtada ah, haddana kharajka xayeysiinta ka galay isaga ayaa isu qaba, riwaayaddaas soomaali oo idil maalin walba daawatana santi lacag ah lagama siiyo, ugama soo xeroodo uma fadhiyo kana fili mayo.
Wax kasta oo uu qabo, war weyn oo cid noo sheegta aan hore u weyney ayuu 1 minid iyo 39 sekan nugu qur-qursiiyey!. Halaag inuu dhacay ayuu noo sheegay, waanna ka warqabney!. Halaagga, in aan loo kala harin ayuu noo sheegay, waana u jeednney!. Kuwa hallaagga dhigaya wuu noo sheegey, mana sheeg-sheegno. Ardaasha, waa la kala safanney, kala sooc la’aanna waa noo laayeen. Waa isugu tagi karraa, kumase dhacno!. Waa ka adagnahey, waase ka baqeynaa!, Waa naga tiro yaryihiin, waa naga faro bateen. Ardaal waaweyn iyo carruur qaawan (garashada iyo aqoonta) ayaa Soomaali bushintuur ku dhufatay, meeshey la noqotana u jiitay. Magacyo qabiil oo dantooda ku saleysan ayay noo kala takooren, waanna ka aqballey!. Balo oo dhan ayay noo horseedeen wanna dabagallay.
Dib u laabta, xishooda, wax hambeeya, waad dhiman doontaan, aakhiro iyo xisaab baa dambeysa, waa ereyo afka ay ku hadlaan, Qaamuuska ay ka eegtaan waxa ay siyaasadda ku sheegaan iyo maraajicdooda diiniga ah midna aan laga helin, waxa ay sheegaan waa wareegto aan la burin Karin iyo amar saxiix ah!.
Abwaanku, waxa aan ognahey wuxuu noogu sheegay waa in aan baraarugno, galgalinta habaaskeeda aan ku hafannay, Gafanaha iyo Shiilintu nagu jaqeen, sokeeye iyo shisheeyabana sida foosha xun oo aan u dhex barraaqno dhibsadeeen, ugu dambeyn rajuu ka qabaa in aan ka jaf-jafanno.
Ugu yaraan markan inaan hinqanno ayuu naga filayaa!. Fannaanku wuxuu dareemay; wax inaan garaney, aragno, maqallo isla markaana dhaqdhaqaaq uusan jirin oo sida ruux dhiig madaxa kaga furmay oo haddana dhinac qallaley, hadal gabey, danqasho iyo nuuxnuuxsi looga quustey, oo waa dambe indhaha galac ka siiyay. Hase yeeshee haddii wax la weydiiyo; “eeh, eeh” wax ku dari la’ oo markuu miyir-doorsoonkii ka baxey, Takhaatiir fara badan oo soo dhuldhoobatay inta isdhugteen, isu iljabiyeen, mar qora wada yiraahdeen; “ok, rajo ayuu lee yahay, koomadii waa ka baxay, dareenkiisuna tartiib-tartiib ayuu u soo noqon, ha yeeshee, wuxuu u baahanyahay, in hadda dib loo baro, hadalkii, socodkii, waa in sidii cunug hadda dhashay loo tababarro, ma sahlana meesha uu ka soo laabtey”.
[la soco qeybta Labaad]
Xildhibeen (Mp)
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
_______________________
[1]. Aragtideyda, dad wuxuu u kala kabaxaa: dad-dadow iyo dad wada dhashey. Dadka wada dhashay markey dhib iyo rajo wadaagaan oo dowlad ku hoos noolyihiin waa shacbi. Soomaalidu baryihii hore waxay aheyd shacbi dhib iyo rajo wadaaga. Maanta, shacbi Soomaaliyeed ma jiro oo waa dad dhul Soomaaliyeed wada jooga oo dhib iyo rajo aan wadaagin, reerkii maanta dhib la soo darso reeraha kale tacsiyeyntoodu waa; “waxaan hortiin ayay nugu dheceen”. Dariskaaga haddii hoobiye ku habsado waxaad oran; hortiin ayuu nugu habsadey. Hadduu dariska ku habsado, waxey rajeyn barrina in uu adiga ku habsado. Culimadu (qaarkood) dadka waxay ku qanciyaan; “aan ku dilee ii dulqaado!, maanta waa burburineynaa barrina waa dhiseynaa. Nin jaajaale ah oo Waabari ka tirsanaan jirey ayaa saaxiibadi subax inta ku soo kalleheen ku yiraahdee; “waryaa, Ina Ayaxow Jubbaa gubatey”, wuxuu ku jawaabey; “ Jubba horteed ayaan gubtey”. Maanta qofkii Soomali ah oo aad ku tiraado dhibtaa ayaa nagu dhacdey, wuxuu kuugu jawaabi hortaa ayay nagu dhacday ama annagaba waa nagu soo socotaa!!.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.