Home » Warar »

Wiilkii 5aad oo ka tagay Minnesota oo Lagu Dilay Muqdisho

Wiilkii 5aad oo Maraykanka (Minnesota) ka tagay oo Waraku sheegeen in uu ku Dhintay Magaalada Muqdisho…

Sabtidii ayaa idaacada Fox9 shaacisay in wiilkii 5aad oo ka tagay Minnesota uu ku dhintay Muqdisho wiil kaan ayaa magaciisa warku ku sheegay Mohamoud Hassan oo dhigan jiray Jaamacadda Minnesota kana qalin jabiyey Dugsisga sare oo Roosevel.

Abdirizaq Bihi oo u waramayey warbaahinta oo ay Fox9 soo xigatay ayaa sheegay in uu Mohamoud Hassan geeriyooday oo qaraabadiisa ay soo waceen dad halkaan jooga waxaana la sheegay in lagu aasay Qabuuraha Muqdisho.

“Galabnimadii Sabtida ayaa ayeediis ogaatay in Mohamoud Hassan uu geeriyooday kaddib markii ay telefoon ka heshay qof qaraabo la ah mid kale oo ka mid ah kuwa dagaalamaya oo ka tegey magaalooyinka mataanaha. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin dhimashada Mohamoud Hassan.” ayaa warku sheegay.

Waxa kale oo Fox9 sheegtay in saddex nin oo ah Soomaali Ameerikaan in ay qirteen dembi la xiriira argagaxiso, waxayna wali sugayaan Maxkamad.

mhasanWarku waxa uu intaas raaciyay magacyada wiilashii horay ugu dhintay Somaliya ayaa waxaa ka mid ah Ahmed Shirwac oo jiray 26 iyo Burhan Hassan oo jiray 18 iyo waliba Jamal Bana 20 iyo Zakariya Macruf 20.

Wararkii Hore ee la xiriira Dhallinyarada ka laabtay Minnesota ka akhri Halkan

Halkan ka akhri qoraalka Idaacadda Fox9 http://www.myfoxtwincities.com/

isha: Fox News

…………

Minnesota News:

Somali-American professors angered over repeated searches (Abdi Samatar) (Aug 24, 2009)

Samatar: Garoonka Diyaaradaha ayaa nalagu hakiyey

Warbixinta Prof. Abdi Samatar Soo rogo  (MP3)

Listen to Hussein Samatar and Ahmed Samatar on MPR Broadcasted: Midday, 04/15/2009,

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wiilkii 5aad oo ka tagay Minnesota oo Lagu Dilay Muqdisho "

  1. Aad iyo aad ayaan ugua xumahay dhacdadaan la yaabka leh waxaana illaahay ooga baryayaa wiilkaas dhalinyarada ah ee somaliyeed ina ilaa u naxariisto janadiina ka waraabiyo inkastoo culumadu isku khilaafsantay arinta ay haatan dhalinta qurbaha iyo dalkaba joogta ku qul qulayaan ee ah jihaad hadenw xaqa illaahbaa og sidii roone allaha na waafajiyo wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu