Home » Maqaallo »

Soomaalida nafsi iyo jir ahaanba wey u sameeyeen dagaaladu.

Soomaalida nafsi iyo jir ahaanba wey u sameeyeen dagaaladu.

Dagaalada iyo xasilooni la’aanta ka taagan soomaaliya waxaa ku cireystay jiil, waxaa sidoo kale ku garaadsaday jiil ha noqdo kii ku hanaqaaday bilawgii dagaalka iyo midkii lagu dhalayba.

Jiilkani waxay ku barbaaren dhawaqa rasaasta, waxayna u arkaan dagaalka qeyb kamid ah nolosha, iyo in nidaam iyo kala dambeyn tahay gumeysi iyo cuburin xoriyada dabiiciga ee qofka uu leeyahay.

Dagaalada waxa ay sababaan dhaawac ka soo gaara qofka dhanka jirka iyo nafsi ahaanba. Dhaawacaasi wuxuu haleelaa dhammaan dadka yar iyo weynba, dadka soomaaliyeed ma jiro qof aysan saameyn dagaaladu, ha noqoto mid qofka naftiisa toos u taabatay, amaba ku dhacday ehelkiisa, ama macriifadiisaba. Dadkaasi intooda badan waxay goob joog u ahayeen dil qof xabad lagu dhufanayo ama madfac ku habsaday iyo wax ka sii fool xun oo ay nafta bini’aadamku aysan xamili karin.

Dadkaas inta nasiibka u yeelatay inay ka badbaadaan inay nafsadooda toos u waayaan, waxay la kulmaan dhib kale oo aysan maskaxdoodu marnaba iloobi karin, kaasoo noqda mid ku kaydsan qeyb maskaxda ka mid ah. wuxuuna qofkaasi halis u yahay in dhibkii uu goob jooga u ahaa ku soo kaco, mar kasta oo uu la kulmo dhibaato xagga aduunka ahna, waxaa isla markaasba qofka ku dhacaya jir xanuun aan sabab lahayn, xanaaq joogta ah, hurdo xumo, qaraw, ilowsho, cabsi, shaki, qofka oo wixii uu xiisayn jiray yaradaan iyo qofkii oo isbadal dhan walba ah ku dhaco. Taasoo qofkii markii dhaqtar baaro uusan helaynin cudurka dhabta ah oo qofkaasi haya.

Qofka markii lagu arko calaamadahaas ay keeneen dhibaatooyinkii dagaalku, waxaa muhiim ah inuu helo daryeel iyo tixgalin, waana in qofka laftiisa uu garaawsado inuu hayo dhib, uuna markaa ku dadaalo sidii uu u heli lahaa daaweyn nafsi ah, waxaana wanaagsan in qofku la kulmo dhakhtar nafsi ah, uuna kala sheekaysto sidii uu ahaan jiray dagaalada ka hor iyo isbedelka ku yimid, markaa wuxuu helayaa talo ku haboon dhibka haysta.

Dadka dhibaatada dagaal qaba, haddii ay waayaan daryeelkii ku haboonaa waxay keenaysaa in ay naftooda la soo daristo dhibaatooyin xagga caafimaad ka ah, ha noqoto jir ahaan iyo nafsi ahaanba waxaana qofka ku adkaanaysa inuu maareeyo naftiisa, wuxuuna halis ku noqon karaa nafta dadka kale, marka waxaa muhiim ah in dadka la nool qofka ay hayaan dhibaatoyinka dagaal ay isku dayaan iney ka caawiyaan dhibkaas iyaga oo la tashanaya dadka khibrada u leh daaweyntiisa.

Dhibaatada haysata dadka soomaaliyeed ha noqdeen kuwa dibada jooga ama kuwa gudaha jooga waxaa u weyn dhibka nafsiga ee ka dhashay dagaaladii ka dhacay wadanka ee walina socda.

Dadka hadda wadanka ku dagaalamaya intooda badan waxa ay qabaan dhibaatooyinka dagaalka, oo waxa ay u jirran yihiin nafsi ahaan, waxayna dhammaantood u fikirayaan sidii qof waalan oo kale waxayna dawo u arkaan dagaalka, waayo isaga ayey ku dhex wareereen, marka soomaalida kii wadaad ahaa wuxuu dadku ku laynayaa magac diineed, siyaasigana macag siyaasadeed, kii mooryaanka ahaana wuxuu dadku ku laynayaa magaca uu markaa jeclaysto.

Ugu dambeyntii waxaa loo baahan yahay dad caqligooda saliim yahay, oo dadkaan dagaalada ku waxyeeloobay dadka sii dhibaataynaya ka qabta, waxaana Alle ka baryeynaa inuu xaqqa iyo wanaagga na tusiyo naguna hago.

Ahmed Muhumad Ahmed
Ahmed-haadi Muhumad (haadi30@hotmail.com)
Odense Denmark

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.