Home » Warar »

Dowladda Holand oo sii deysey Afar nin oo laga shakisanaa in ka dagaalameen soomaaliya

Wadanka Holland ayaa la sheegay in ay xoriyaddooda heleen 4 nin oo sirdoonka wadankaasi horey uga qabteen xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya sida uu sheegay xubin ka tirsan Baarlamaanka wadankaasi Holland.

4-taan nin ayaa la sheegayaa in ay ka soo jeedaan asal ahaan wadanka Marooko, balse ay saddex ka mid ahi haystaan jinsiyadda wadanka Holland halka mid afraadna uu haysto Baasaboor Holland ah, waxaana la xiriirinayey inay qayb ka yihiin kooxaha ka dagaalada Soomaaliya ee iyagu ka horjeeda Dowladda Federaalka ayna qayb ka qaateen weeraro argagixisinimo.

Raggaas ayaa la sheegay in baaritaano lagu sameeyey laguna waayey wax dambi ah, isla markaana uu baarlamaanka wadanka Holland cadaadis ku saaray Xukuumadda Holland in la sii daayo afartaasi nin maadaama wax dambi ah aan lagu haynini isla markaana ay mudo u xirnaayeen Dowladda Holland,
Dhinaca kale Ninka ugu sareeya Hay’adda Sidroonka Mareykanka ee dhanka dibadda qaabilsan ayaa shaaciyey in ay dalka Soomaaliya soo galaan qaar ka mid ah Madaxda Sare ee Ururweynaha AL-Qaacida.
Masuulkaas ayaa xaqiijiyey in ay heleen macluumaad dheeri ah oo la xariira arrimahan, ayna ku jiraan dabagal aan ku sameyno dadaalo baahsan oo ku aadan arrintaasi, isagoo sheegay in ay la kaashanayaan arrintaasi Sirdoonka dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

. Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka Mareykanka wuxuu kaloo sheegay in ay Kooxaha la dagaalamaya dowladda Soomaaliya ay heleen hub badan iyo lacag uu sheegay in ay ku taageereen qaar ka mid ah dhinacyada Soomaalida, wuxuuna sheegay in lacag badan looga aruursho dalalkan dibada, isla markaasna loo diro gudaha dalka Soomaaliya.

Sarkaalkan wuxuu sheegay in ay sidoo kale dhalinyarada Jihaad doonka ah ee Soomaalida ay hada ku sii qulqulayaan dalka Soomaaliya, lana badalay sidii markii hore ay ku tagi jireen dalka Soomaaliya, markii bey tiri warbixintu la ogaaday qaabka socdaaladaasi dhuumashada ah loo abaabulo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.